Somali

Lithuanian

Isaiah

54

1Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda.
1“Giedok, nevaisingoji, kuri negimdei! Džiūgauk linksmai, kuri nepažinai gimdymo skausmų! Nes apleistoji turi daugiau vaikų negu turinti vyrą”,­sako Viešpats.
2Meesha teendhadaada ballaadhi, oo rugahaaga daahyadoodana ha la kala bixiyo. Waxba ha la hadhin, xadhkahaaga sii dheeree, oo dhidbahaagana sii xoogee.
2“Išplėsk savo palapinės vietą, ištempk savo buveinės uždangalus, netaupyk! Pailgink virves ir sustiprink kuolelius!
3Waayo, waxaad u kala faafi doontaa xagga midigta iyo xagga bidixdaba, oo farcankaaguna wuxuu dhaxli doonaa quruumaha, oo magaalooyinka baabba'ayna wuxuu ka dhigi doonaa in la dego.
3Tu išsiplėsi į dešinę ir į kairę, tavo palikuonys valdys tautas ir apgyvendins tuščius miestus.
4Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharaf jabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.
4Nesibijok, nes nebūsi sugėdinta! Nerausk, nes nebūsi niekinama! Jaunystės gėdą tu užmirši ir našlystės pajuokos neatsiminsi.
5Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan.
5Tavo Kūrėjas yra tavo vyras, kareivijų Viešpats­Jo vardas. Tavo atpirkėjas yra Izraelio Šventasis, Jis bus vadinamas pasaulio Dievu.
6Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.
6Viešpats pašaukė tave kaip atskirtą, dvasioje suvargusią moterį, kaip atstumtą jaunystės žmoną”,­sako Dievas.
7Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.
7“Trumpai valandėlei palikau tave, bet, didžiai gailėdamasis, surinksiu tavuosius.
8Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.
8Rūstybės valandą paslėpiau savo veidą akimirkai, bet amžina malone pasigailėsiu tavęs”,­sako Viešpats, tavo atpirkėjas.
9Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.
9“Tai kaip Nojaus vandenys man. Aš prisiekiau, kad Nojaus vandenys nebeužlies žemės, taip ir dabar prisiekiu, kad nebekeršysiu ir nebebausiu tavęs.
10Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
10Kalnai gali griūti ir kalvos drebėti, bet mano malonė nuo tavęs nebepasitrauks ir mano ramybės sandora tavęs nepaliks”,­sako Viešpats.
11Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.
11“Tu varginta, audrų mėtyta, nepaguosta; Aš tavo akmenis klosiu eilėmis ir dėsiu safyrų pamatą.
12Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.
12Aš tavo langus padarysiu iš agato, vartus statysiu iš rubinų ir sienas iš brangakmenių.
13Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.
13Visi tavo vaikai bus Viešpaties mokomi ir gyvens didelėje ramybėje.
14Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto.
14Tu įsitvirtinsi teisume, priespaudos nebepatirsi. Nebijok, nes siaubas prie tavęs nepriartės.
15Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.
15Štai jie rinksis kartu prieš tave, bet be manęs. Kas susirinks prieš tave, kris dėl tavęs.
16Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
16Aš sutvėriau kalvį, kuris įpučia anglis ir padaro reikiamą įrankį. Aš taip pat sutvėriau naikintoją, kad griautų.
17Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
17Joks prieš tave nukaltas ginklas neturės galios. Kiekvienas liežuvis, kuris priešinsis tau teisme, bus pasmerktas. Tai yra Viešpaties tarnų paveldėjimas ir jų teisumas yra iš manęs”,­sako Viešpats.