1Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata.
1“Visi, kurie trokštate, ateikite prie vandens, visi, kurie neturite pinigų! Pirkite ir valgykite; pirkite vyno ir pieno be pinigų, veltui.
2Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.
2Kodėl jūs leidžiate pinigus už tai, kas nėra maistas, ir dirbate už tai, kas jūsų nepatenkina? Klausykite manęs atidžiai ir valgykite tai, kas jūsų sielą atgaivins ir sustiprins.
3Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
3Palenkite savo ausį ir ateikite pas mane, klausykite, ir jūsų siela bus gyva! Aš padarysiu amžiną sandorą su jumis, kaip suteikiau amžiną malonę Dovydui.
4Bal eega, isagaan dadyowga markhaati uga dhigay, oo hoggaamiye iyo taliyena dadyowgaan uga dhigay.
4Aš jį paskyriau liudytoju tautoms, kunigaikščiu ir vadu giminėms.
5Bal eeg, waxaad u yeedhi doontaa quruun aadan aqoon, oo quruun aan ku aqoonna way kuu soo ordi doontaa, waana Rabbiga ah Ilaahaaga iyo kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, waayo, wuu ku sharfay.
5Tu pašauksi tautas, kurių nepažįsti; tautos, kurios tavęs nepažįsta, bėgs pas tave dėl Viešpaties, tavo Dievo, Izraelio Šventojo, nes Jis pašlovino tave.
6Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay.
6Ieškokite Viešpaties, kol galima Jį rasti, šaukitės Jo, kol Jis arti.
7Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa.
7Nedorėlis tepalieka savo kelią, o neteisusissavo mintis; tegrįžta jis pas Viešpatį, mūsų Dievą, ir Jis pasigailės jo, nes yra gailestingas.
8Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Fikirradaydu fikirradiinna ma aha, oo jidadkiinnuna jidadkayga ma aha.
8Nes mano mintys yra ne jūsų mintys ir mano keliaine jūsų keliai,sako Viešpats.
9Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka uga sarreeyaan ayay jidadkaygu jidadkiinna uga sarreeyaan, oo ay fikirradayduna fikirradiinna uga sarreeyaan.
9Nes kiek dangūs yra aukščiau už žemę, tiek mano keliai aukštesni už jūsų kelius ir mano mintysuž jūsų mintis.
10Waayo, sida roobka iyo barafka cadu ay samada uga da'aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiinse ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna,
10Kaip lietus ir sniegas krinta iš dangaus ir nesugrįžta, bet sudrėkina žemę, padaro ją derlingą ir duoda sėklos sėjėjui bei duonos valgytojui,
11sidaas oo kaluu ereygii afkayga ka soo baxaa noqon doonaa, oo isagoo madhan igu soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinayaa wixii aan ula qastiyey, waana ku soo liibaanayaa wixii aan u diray.
11taip ir mano žodis, kuris išeina iš mano burnos, negrįš tuščias, bet įvykdys mano valią ir atliks tai, kam yra siųstas.
12Waayo, farxad baad la bixi doontaan, oo nabad baa laydinku hoggaamin doonaa, oo buuraha iyo kuruhuna hortiinnay hees ku dhufan doonaan, oo dhirta duurka oo dhammuna way sacbin doonaan.Qodaxda meesheedii waxaa ka soo bixi doona geed beroosh ah, oo maraboobta meesheediina waxaa ka soo bixi doona geed hadaas ah, oo taasu waxay Rabbiga u ahaan doontaa magac iyo calaamad weligeed sii waaraysa oo aan la baabbi'in doonin.
12Jūs išeisite linksmi, ir ramybė lydės jus. Kalnai ir kalvos džiūgaus jūsų akivaizdoje ir laukų medžiai plos rankomis.
13Qodaxda meesheedii waxaa ka soo bixi doona geed beroosh ah, oo maraboobta meesheediina waxaa ka soo bixi doona geed hadaas ah, oo taasu waxay Rabbiga u ahaan doontaa magac iyo calaamad weligeed sii waaraysa oo aan la baabbi'in doonin.
13Erškėčių vietoje augs kiparisai ir usnių vietojemirtos. Tai bus atminimas, amžinas ženklas Viešpaties garbei”.