Somali

Lithuanian

Isaiah

56

1Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.
1Taip sako Viešpats: “Laikykitės teisingumo ir vykdykite teisybę, nes mano išgelbėjimas arti, mano teisumas tuoj bus apreikštas.
2Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn.
2Palaimintas žmogus, kuris tai vykdo, ir žmogaus sūnus, kuris to laikosi: saugo sabatą nesuterštą ir savo rankas sulaiko nuo pikto”.
3Shisheeyihii Rabbiga raacay yuusan odhanin, Hubaal Rabbigu dadkiisa wuu iga sooci doonaa, oo ninkii bohon ahuna yuusan odhanin, Bal eega, anigu waxaan ahay geed qallalan.
3Svetimtautis, kuris prisiglaudė prie Viešpaties, tenesako: “Viešpats atskyrė mane nuo savo tautos”, ir eunuchas tenesako: “Aš kaip padžiūvęs medis”.
4Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bohommada sabtiyadayda dhawra, oo wixii iga farxiya doorta, oo axdigayga aad u xajiya
4Nes Viešpats taip sako: “Eunuchams, kurie švenčia mano sabatą, pasirenka, kas man patinka, ir laikosi mano sandoros,
5waxaan gurigayga iyo derbiyadayda dhexdooda ku siin doonaa meel iyo magac ka sii wanaagsan wiilal iyo gabdhoba. Waxaan iyaga siin doonaa magac weligiis sii waaraya oo aan la baabbi'in doonin.
5duosiu savo namuose vietos ir padarysiu jų vardą garsesnį už sūnų bei dukterų; duosiu jiems amžiais nežūstantį vardą.
6Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya,
6Svetimtaučius, kurie prisijungs prie Viešpaties, Jam tarnaus, Jo vardą mylės, bus Jo tarnai, švęs sabatą ir jo nesuteps bei laikysis mano sandoros,
7kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada.
7atvesiu į savo šventąjį kalną ir pradžiuginsiu savo maldos namuose; jų aukos ir deginamosios aukos bus mėgiamos ant mano aukuro, nes mano namai bus vadinami maldos namais visoms tautoms”.
8Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.
8Taip sako Viešpats Dievas, kuris surinko Izraelio išsklaidytuosius: “Prie tų, kurie jau surinkti, Aš surinksiu ir kitus”.
9Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene.
9Visi laukiniai ir miško žvėrys, ateikite ėsti!
10Waardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan.
10Jo sargai yra akli, neturi supratimo; jie yra lyg šunys, kurie neloja. Jie mėgsta gulėti, snausti ir sapnuoti.
11Eeyadu way hunguri weyn yihiin, weligoodna ma dhergi karaan, oo kuwaasuna waa adhijirro aan innaba wax garan karin. Kulligood waxay u leexdeen jidkoodii, oo midkood kastaaba xataa kii ugu dambeeyey wuxuu iska daba galay faa'iidadiisii.Oo waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.
11Jie yra godūs šunys, kurie niekada nepasisotina. Jie yra ganytojai, neturintys supratimo. Jie žiūri į savo kelią ir ieško sau naudos.
12Oo waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.
12Jie sako: “Ateikite, duosime jums vyno, pasigerkime! Taip darykime šiandien, o rytoj bus dar geriau!”