1Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday.
1Teisusis žūva, ir nė vienas į tai nekreipia dėmesio; gailestingasis miršta, ir niekas nepastebi, kad teisusis paimamas iš vargo
2Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.
2ir eina ramybėn. Kas elgiasi dorai, ilsėsis savo guoliuose.
3Laakiinse wiilasha saaxiradda, oo ah farcankii dhillayga iyo dhilladu ay iska dhaleenow, bal halkan u soo dhowaada.
3“Jūs, kerėtojos sūnūs, svetimautojo ir paleistuvės palikuonys, ateikite ir klausykite!
4Bal yaad ku cayaaraysaan? Oo bal yaad afka ku kala qaadaysaan oo aad carrabka ku soo taagaysaan? Sow idinku ma ihidin carruurtii xadgudubka iyo farcankii beenta,
4Iš ko jūs tyčiojatės? Kam rodote liežuvį? Argi jūs ne nusikaltėlių vaikai, melagių palikuonys?
5idinkoo geedaha dhexdooda iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa iskula kacsada, oo carruurta dooxooyinka iyo meelaha dhagaxyada dillaacsan ka hooseeya ku gowraca.
5Jūs degate aistra stabams po lapuotais medžiais; žudote kūdikius paupiuose, uolų plyšiuose.
6Qaybtaadu waxay dhex taallaa dhagaxyada siman oo dooxada dhex yaal, oo iyaga qudhoodu waa qaybtaada, waayo, iyagaad qurbaan cabniin ah u daadisay, oo iyagaad qurbaan u bixisay. Haddaba bal miyaan waxyaalahaas raalli ka noqon doonaa?
6Jūsų dalis tarp glotnių upelio akmenėlių; toks jūsų likimas; stabams jūs aukojate gėrimus ir duonos auką. Argi Aš turėčiau tai pakęsti?
7Waxaad sariirtaadii dul dhigatay buur sarraysa oo dheer, oo halkaasaad sii fuushay inaad allabari ku bixisid aawadeed.
7Kalnuose patiesęs savo guolį, tu eini aukoti aukų.
8Oo albaabbada iyo tiirarka dabadooda ayaad xusuustaadii qotonsatay, waayo, waxaad isu qaawisay mid kale oo aan aniga ahayn, waanad sii fuushay, oo sariirtaadiina waad sii ballaadhisay, oo axdi baad iyaga la dhigatay. Sariirtoodana meeshaad ku aragtay waad ku jeceshahay.
8Ant durų staktų tu pasidarei sau ženklą. Nudengusi ir praplatinusi lovą, tu palikai mane; susitarus su jais, pamėgai jų lovą.
9Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool.
9Tu pasitepusi išėjai pas karalių; savo pasiuntinius pasiuntei toli, kritai iki pragaro.
10Waxaad ku daashay jidkaaga dhererkiisa, laakiinse ma aad odhan, Rajo ma leh. Waxaad heshay xoog cusub, oo sidaas daraaddeed ma aadan taag qabin.
10Tu pavargai besiblaškydama, bet nesakei: ‘Nėra vilties’. Tu pamėgai tokį gyvenimą ir taip toliau darei.
11Oo bal yaad ka baqday oo aad ka cabsatay, oo aad saas darteed been u sheegtay oo aadan ii soo xusuusan, ama aadan innaba xaalkan qalbigaaga u gelin? Miyaanan wakhti dheer iska aamusin? Oo ma sidaas aawadeed baadan iiga cabsanayn?
11Ko tu bijojai, kad melavai ir neprisiminei manęs, ir neėmei į širdį? Ar ne dėl to, kad taip ilgai tylėjau, tu lioveisi manęs bijoti?
12Waxaan sheegi doonaa xaqnimadaada iyo shuqulladaada, iyaguse waxba kuuma tari doonaan.
12Aš paskelbsiu tavo teisumą ir tavo darbus; jie tau nebus naudingi.
13Markaad qayshatid, bal guutooyinkaagu ha ku samatabbixiyeen, laakiinse iyaga dabayl baa qaadi doonta, oo neef baa wada kaxayn doonta, laakiinse kii isku kay halleeyaa dalkuu hantiyi doonaa oo wuxuu dhaxli doonaa buurtayda quduuska ah,
13Kai tu šauksi, tegelbsti tave tavo surinktieji. Vėjo dvelkimas juos visus nuneš. O kas pasitiki manimi, tas gaus žemę ir paveldės mano šventąjį kalną”.
14Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.
14Ir sakys: “Nutieskite kelią, nutieskite kelią mano tautai ir pašalinkite kliūtis”.
15Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobad keena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobad keena.
15Taip sako Aukščiausiasis ir Prakilnusis, kuris gyvena amžinybėje, kurio vardas šventas: “Aš gyvenu aukštybėje ir šventoje vietoje su tais, kurie turi atgailaujančią ir nuolankią dvasią, kad atgaivinčiau nuolankiųjų dvasią ir atgailaujančiųjų širdį.
16Waayo, ilaa weligay diriri maayo oo ilaa weligay sii cadhaysnaan maayo, haddii kalese ruuxii iyo nafihii aan abuurayba hortayda way ku taag darnaan lahaayeen.
16Aš neamžinai bylinėsiuos ir nevisada rūstausiu, nes tada gyvybės dvasia, kurią Aš įkvėpiau, sunyktų.
17Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.
17Aš užsirūstinau dėl nuodėmingo tautos godumo, smogiau jai ir savo veidą paslėpiau, bet ji ėjo toliau klaidingu savo širdies keliu.
18Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa.
18Aš mačiau jos kelius ir Aš gydysiu bei vedžiosiu ją, suteiksiu jai ramybės ir paguodos.
19Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu midhaha bushimahaan abuuraa. Nabad iyo nabadu ha u ahaato kan fog iyo kan dhowba. Oo isagaan bogsiin doonaa.
19Ramybė ir taika arti ir toli esantiems,sako Viešpats.Aš ją pagydysiu.
20Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo.Ilaahaygu wuxuu leeyahay, kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
20Nedorėliai yra lyg sujudinta jūra, kuri negali nurimti, jos vanduo išmeta purvą ir dumblą.
21Ilaahaygu wuxuu leeyahay, kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
21Nėra ramybės nedorėliui”,sako mano Dievas.