1Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg.
1“Šauk garsiai, nesivaržyk! Pakelk savo balsą kaip trimitą; pranešk mano tautai jos kaltę ir Jokūbo namams jų nuodėmes.
2Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan.
2Jie ieško manęs kas dieną ir nori žinoti mano kelius kaip tauta, kuri elgiasi teisiai ir nėra palikusi savo Dievo. Jie prašo manęs teisingo sprendimo, jie mėgsta ateiti prie Dievo.
3Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan.
3‘Kodėl mums pasninkaujant, Tu nematai? Kodėl mums varginant savo sielas, Tu nepaisai?’ Pasninko dieną jūs ieškote malonumų ir išnaudojate savo darbininkus.
4Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo.
4Jūs pasninkaujate dėl vaidų ir kivirčų, smogiate nedorybės kumščiu. Jūs nepasninkaujate šiandien taip, kad jūsų balsas būtų išgirstas aukštybėse.
5Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo?
5Ar tai pasninkas, kokį Aš pasirinkau, kad žmogus vargintų per dieną savo sielą, nulenktų galvą kaip nendrę, klotų po savimi ašutinę ir pasibarstytų pelenų? Ir tai jūs vadinate pasninku, Viešpačiui priimtina diena?
6Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan?
6Ar ne toks pasninkas, kurį Aš pasirinkau: pašalinkite nedorybės pančius, išlaisvinkite pavergtuosius, suteikite laisvę prislėgtiesiems, sulaužykite kiekvieną jungą.
7Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?
7Pasidalink maistą su alkanu, benamius ir vargšus parsivesk į namus, pamatęs nuogą, aprenk jį, nesislėpk nuo savo paties kūno.
8Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa.
8Tada tavo šviesa nušvis kaip aušra, tavo sveikata išsiskleis greitai, tavo teisumas eis pirma tavęs ir Viešpaties šlovė lydės tave.
9Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah,
9Tu šauksies, ir Viešpats atsakys, prašysi pagalbos, ir Jis tars: ‘Aš čia!’ Jei pašalinsi iš savo tarpo priespaudą, negrasinsi ir nekalbėsi tuštybių,
10oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale.
10jei alkstantį pasotinsi kaip pats save ir prispaustajam padėsi, tada tavo šviesa spindės tamsoje ir tavo tamsybė taps šviesa.
11Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.
11Tada Viešpats vedžios tave, pasotins tavo sielą sausros metu ir sustiprins tavo kūną; tu būsi kaip palaistytas sodas, kaip neišsenkantis vandens šaltinis.
12Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.
12Bus atstatyta tavyje tai, kas seniai paversta griuvėsiais. Tu dėsi pamatus kartų kartoms. Tave vadins spragų užtaisytoju ir gatvių tiesėju.
13Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
13Jei tu savo kojas sulaikysi sabato dieną, nepramogausi mano šventoje dienoje, vadinsi sabatą pasimėgimu, šventa ir garbinga Viešpaties diena, gerbsi Jį, nevaikščiosi savo keliais, neieškosi pramogų ir nekalbėsi tuščiai,
14markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
14tada tu gėrėsies Viešpačiu, ir Aš tave vesiu ant aukštų kalnų ir leisiu naudotis tavo tėvo Jokūbo paveldu”,taip kalbėjo Viešpats.