Somali

Lithuanian

Isaiah

5

1Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.
1Aš giedosiu apie savo mylimojo draugo vynuogyną. Mano mylimasis turėjo vynuogyną derlingame kalnelyje.
2Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.
2Jis aptvėrė jį ir išrinko iš jo akmenis, prisodino jame rinktinių vynmedžių. Jo viduryje pastatė bokštą ir padirbo spaustuvą. Jis laukė užaugant vynuogių, bet užaugo rūgščios uogos.
3Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.
3“Dabar, Jeruzalės ir Judo gyventojai, darykite teismą tarp manęs ir mano vynuogyno.
4Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?
4Ką galima dar padaryti mano vynuogynui, ko Aš nepadariau? Kodėl, kai Aš laukiau vynuogių, jis išaugino rūgščias uogas?
5Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,
5Dabar Aš jums pasakysiu, ką darysiu su savo vynuogynu: Aš pašalinsiu tvorą, ir jį nuganys, nugriausiu sieną, ir jį išmindžios.
6oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.
6Aš apleisiu jį: nebepurensiu ir nebeapkarpysiu jo. Jis apaugs usnimis ir erškėčiais. Aš įsakysiu nebelyti ant jo”.
7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.
7Kareivijų Viešpaties vynuogynas yra Izraelio namai, o Judo žmonės­Jo mėgiamiausi daigai. Jis laukė teisingumo­ir štai liejamas kraujas, teisumo­ir štai šauksmas!
8Hoog waxaa leh kuwa guriba guri ku dhejiya oo beerna beer kale ku dara ilaa meel la waayo oo ay keli ahaantood dhulka dhexdiisa degaan.
8Vargas tiems, kurie jungia namą prie namo ir lauką prie lauko, kol nebelieka vietos kitiems, lyg jie vieni čia gyventų.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.
9Kareivijų Viešpats kalbėjo man: “Daugybė didelių ir gražių namų bus tušti ir be gyventojų.
10Oo weliba toban tacab oo beer canab ahu waxay dhali doonaan qiyaas bad la yidhaahdo oo keliya, oo xomeer muggiis oo iniino ahuna wuxuu dhali doonaa in eefaah qaadi karo.
10Dešimt akrų vynuogyno teduos vieną batą vyno, o iš homero sėklų išaugs efa derliaus”.
11Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!
11Vargas tiems, kurie keliasi anksti rytą girtuokliauti ir sėdi iki vėlaus vakaro, kol įkaista nuo vyno.
12Diyaafadahooda waxaa yaal kataarad iyo shareerad, iyo daf iyo biibiile, iyo khamri, laakiinse iyagu kama fiirsadaan shuqulka Rabbiga, kamana fikiraan waxyaalihii ay gacmihiisu sameeyeen.
12Jų pokyliuose yra arfa ir styginiai, būgnas, vamzdis ir vynas. Bet jie nekreipia dėmesio į Viešpaties veiksmus nei į Jo darbus.
13Haddaba sidaas daraaddeed dadkaygii waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan, maxaa yeelay, aqoon ma laha, oo raggoodii sharafta lahaa way gaajoodeen, dadkoodii badnaana oon bay la gubteen.
13Todėl mano tauta bus ištremta, nes neturi pažinimo; jos kilmingieji mirs badu, minia neturės net vandens.
14Haddaba sidaas daraaddeed She'ool calooshiisii buu isballaadhiyey, oo afkiisiina qiyaasla'aan buu u kala qaaday, oo kuwooda haybadda leh, iyo dadkooda badan, iyo kuwooda buuqa, iyo ku alla koodii reyreeyaba isagay hoos ugu dhaadhacaan.
14Todėl mirusiųjų buveinė plačiai atvers savo nasrus. Tautos šlovė ir visa minia, visi triukšmautojai ir lėbautojai žengs į ją.
15Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,
15Žmogus bus parblokštas, karžygys pažemintas, išdidūs nuleis savo akis.
16laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.
16Kareivijų Viešpats bus išaukštintas teisme, šventas Dievas parodys savo šventumą teisumu.
17Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.
17Tada ėriukai ganysis kaip savo ganykloje ir svetimieji maitinsis tuo, kas liks po turtuolių.
18Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale,
18Vargas tiems, kurie traukia neteisybę tuštybės virvėmis ir nuodėmę lyg vežimėlio vadžiomis.
19kuwaasoo yidhaahda, Isagu ha soo dhaqsado, oo shuqulkiisana ha soo deddejiyo, si aannu u aragno aawadeed, oo Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil taladiisuna ha soo dhowaato oo ha timaado, si aannu iyada u aqoonsanno aawadeed!
19Kurie sako: “Tepaskuba Jis, tepagreitina savo darbą, kad mes matytume, teįvykdo Izraelio Šventasis savo sprendimą, kad mes žinotume”.
20Hoog waxaa leh kuwa sharka yidhaahda waa wanaag, wanaagna yidhaahda waa shar, oo gudcurkana iftiin ku beddela, iftiinkana gudcur ku beddela, oo qadhaadhkana macaan ku beddela, macaankana qadhaadh ku beddela.
20Vargas tiems, kurie vadina pikta geru ir gera piktu, kurie paverčia tamsą šviesa ir šviesą tamsa, kurie padaro kartų saldžiu ir saldų karčiu.
21Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!
21Vargas tiems, kurie išmintingi savo pačių akyse ir sumanūs savo pačių manymu.
22Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo,
22Vargas tiems, kurie yra karžygiai gerti vyną ir drąsūs vyrai maišyti stiprius gėrimus,
23kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!
23kurie išteisina nedorėlį už kyšius, o nekaltą pasmerkia.
24Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
24Kaip liepsna sudegina ražienas ir sausa žolė pranyksta ugnyje, taip jų šaknys supus ir žiedai dulkėmis pavirs, nes jie atmetė kareivijų Viešpaties įstatymą ir paniekino Izraelio Šventojo žodį.
25Haddaba sidaas daraaddeed ayaa cadhadii Rabbigu dadkiisa ugu oloshay, oo wuxuu iyaga ku soo fidiyey gacantiisii, wax buuna ku dhuftay, oo buurihiina way wada gariireen, oo meydadkoodiina jidadkay dhex daadsanaayeen sida qashin oo kale, hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisu weli way sii fidsan tahay.
25Todėl Viešpaties rūstybė užsidegė prieš Jo tautą. Jis pakėlė savo ranką ir ištiko juos. Kalnai sudrebėjo, jų lavonai kaip sąšlavos gulėjo gatvėse. Dėl viso to Jo rūstybė dar neatsileido, Jo ranka dar pakelta.
26Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.
26Jis duos ženklą toli esančiai tautai, sušvilps ir pašauks ją iš žemės pakraščių. Ir ji ateis skubėdama.
27Midkoodna ma daali doono, mana kufi doono, oo midkoodna ma gam'i doono, mana seexan doono, dhex-xidhkuna ma furmi doono, yeelmaha kabahooduna ma go'i doono.
27Tarp jų nebus nusilpusių nei nuvargusių, snaudžiančių nei miegančių. Nė vienam iš jų neatsiriš strėnų juosta ir neatsileis apavo dirželis.
28Fallaadhahoodu waa af miidhan, oo qaansooyinkooda oo dhammuna waa wada xodan yihiin, oo qoobabka fardahoodana waxaa la moodaa sida dhagaxmadow oo kale, oo giraangirahooduna waa sida cirwareenta oo kale,
28Jų strėlės aštrios, visų lankai įtempti. Jų žirgų kanopos kaip titnagas, jų vežimų ratai kaip viesulas.
29oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.
29Jie riaumoja kaip liūtas, kaip jaunas liūtas. Jie, pagriebę grobį, nusineša jį, ir niekas jo iš jų neatims.
30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.
30Tą dieną jie riaumos prieš juos lyg šėlstanti jūra. Pažvelgus į kraštą, bus gąsdinanti tamsa, šviesą uždengs debesys.