Somali

Lithuanian

Isaiah

65

1Waxaan aqbalay kuwa aan wax i weyddiinayn, oo waxaa i helay kuwa aan i doondoonayn. Waxaa quruun aan magacayga loogu yeedhi jirin ku idhi, I eeg, i eeg.
1“Manęs ieško tie, kurie apie mane neklausinėjo, ir suranda tie, kurie manęs neieškojo. Aš sakau: ‘Aš čia, Aš čia!’ tautai, kuri nesivadino mano vardu.
2Maalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah, oo jid aan wanaagsanayn ku socda, oo fikirradooda daba gala,
2Visą dieną laikiau ištiestas rankas į maištaujančią tautą, kuri eina neteisingu keliu, sekdama savo mintis.
3oo ah dad had iyo goorba badheedh iiga cadhaysiiya, iyagoo beero allabari ku bixiya, oo meelo leben laga sameeyey foox ku shida.
3Tai tauta, kuri mane nuolat rūstina. Ji aukoja aukas soduose ir degina smilkalus ant aukurų iš plytų.
4Waxay fadhiyaan xabaalaha dhexdooda, oo meelo qarsoon bayna ku hoydaan. Hilib doofaar bay cunaan oo weelashoodana waxaa ku jira maraq waxyaalo karaahiyo ah laga sameeyey,
4Jie pasilieka kapinėse ir miega olose; jie valgo kiaulieną, ir bjaurus viralas yra jų puoduose.
5oo waxay yidhaahdaan, Goonidaada u taagnow, oo ha ii soo dhowaanin, waayo, waan kaa quduusanahay. Kuwaasu waa qiiq sanka iga galay, iyo dab maalinta oo dhan qaxmaya.
5Jie sako: ‘Nesiartink prie manęs, aš esu šventesnis už tave’. Jie yra dūmai mano nosyje, ugnis, deganti visą dieną.
6Bal eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaal marin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda.
6Tai užrašyta mano akivaizdoje; Aš netylėsiu, bet atlyginsiu. Atlyginsiu jiems į antį
7Xumaatooyinkiinnii iyo xumaatooyinkii awowayaashiinba isku mar baan idiinka abaalmarin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, iyagu buurahay foox ku shideen oo kurahay igu caayeen, sidaas daraaddeed laabtooda ayaan shuqulladoodii hore gelin doonaa.
7už jūsų kaltes ir kaltes jūsų tėvų­sako Viešpats,­kurie aukojo kalnuose ir mane niekino aukštumose; iki galo jiems atseikėsiu už jų darbus”.
8Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida khamriga looga helo rucubka canabka dhexdiisa, oo mid u yidhaahdo, Ha hallaynin, waayo, barakaa ku dhex jirta, sidaas oo kalaan u samayn doonaa addoommadayda aawadood, si aanan dhammaantood u wada baabbi'in.
8Taip sako Viešpats: “Apie vynuogių kekę sakoma: ‘Nesunaikink jos, nes joje yra palaiminimas’, taip Aš darysiu su savo tarnais ir jų visų nesunaikinsiu.
9Waxaan reer Yacquub ka soo bixin doonaa farcan, oo Yahuudahna waxaan ka soo bixin doonaa mid buurahayga dhaxla, oo kuwayga aan doortay ayaa dhaxli doona, oo addoommadayda ayaa halkaas degi doona.
9Jokūbo ir Judo palikuonys paveldės mano kalnus, mano išrinktieji ir mano tarnai apgyvendins juos.
10Shaaroon waxay noqon doontaa meel ay adhiyuhu daaqaan, oo dooxadii Caakoorna waxay noqon doontaa meel ay lo'yowgu fadhiistaan, dadkayga i doondoonay aawadood.
10Šarono lyguma bus ganykla avims ir Achoro slėnis­vieta sugulti bandai, mano tautai, kuri ieškojo manęs.
11Laakiinse kuwiinna Rabbiga ka taga, oo buurtayda quduuska ah illoobay, oo Gaad miis u diyaariya, oo Menii khamri u qasa,
11Bet jums, kurie paliekate Viešpatį, užmirštate mano šventąjį kalną, dengiate stalą laimės deivei ir liejate geriamąją auką lemties dievui,
12waxaan idinka dhigi doonaa kuwa seefta ku le'da, oo dhammaantiinna waxaad u wada foororsan doontaan in laydin gowraco, maxaa yeelay, markaan idiin yeedhay iima aydaan jawaabin, oo markaan idinla hadlayna, ima aydaan maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa baad samayseen, oo waxaad doorateen wax aanan ku farxin.
12Aš lemsiu kardą, ir jūs nusilenksite išžudymui. Nes kai Aš šaukiau, jūs neatsiliepėte, kai kalbėjau, neklausėte; jūs darėte pikta mano akivaizdoje ir pasirinkote, kas man nepatiko”.
13Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan,
13Todėl Viešpats Dievas taip sako: “Štai mano tarnai valgys, o jūs alksite, mano tarnai gers, o jūs trokšite, mano tarnai džiūgaus, o jūs būsite sugėdinti,
14addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.
14mano tarnai giedos iš širdies džiaugsmo, o jūs verksite iš širdies skausmo ir dejuosite iš dvasios suspaudimo.
15Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa.
15Mano išrinktieji tars jūsų vardą kaip keiksmažodį, nes Viešpats Dievas nužudys tave, o savo tarnus pavadins kitu vardu.
16Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.
16Kas laimins krašte, laimins tiesos Dievo vardu, ir kas prisieks šalyje, prisieks tiesos Dievo vardu, nes senoji priespauda bus užmiršta ir nebeminima mano akivaizdoje.
17Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.
17Štai Aš kuriu naują dangų ir naują žemę. Senųjų nebeatsimins ir apie juos nebegalvos.
18Laakiinse farxa oo weligiinba waxa aan abuuro ku reyreeya, waayo, bal eega, Yeruusaalem waxaan u abuuraa rayrayn, dadkeedana farxad baan u abuuraa.
18Jūs džiaugsitės ir džiūgausite amžinai tuo, ką Aš sukursiu, nes Jeruzalę sukursiu džiūgauti ir jos žmones džiaugsmui.
19Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono.
19Aš gėrėsiuos Jeruzale ir džiaugsiuosi savo tauta; nebesigirdės joje verksmo nė dejonių.
20Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran.
20Nebus joje kūdikio, kuris išgyventų kelias dienas, nė seno žmogaus, kuris nesulauktų dienų pilnatvės; nes vaikas mirs, nugyvenęs šimtą metų, bet šimtametis nusidėjėlis bus prakeiktas.
21Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan.
21Jie statys namus ir gyvens juose, įsiveis vynuogynų ir valgys jų vaisių.
22Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan.
22Jie nieko nestatys, kas atitektų kitiems. Jie nesodins, kad kiti suvalgytų. Mano žmonių amžius prilygs medžio amžiui, gyvendami jie ilgai džiaugsis savo rankų darbais.
23Si aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba.
23Jie nedirbs veltui ir negimdys vargui; jie ir jų vaikai bus Viešpaties palaimintųjų palikuonys.
24Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa.Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.
24Prieš jiems šaukiant, Aš atsakysiu; jiems dar tebekalbant, Aš išgirsiu.
25Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.
25Vilkas ir avinėlis ganysis drauge, liūtas ės šiaudus kaip jautis ir gyvatė maitinsis dulkėmis. Jie nekenks ir nenaikins mano šventajame kalne,­sako Viešpats”.