1Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa?
1Taip sako Viešpats: “Dangus yra mano sostas ir žemėmano pakojis. Kur yra namai, kuriuos jūs man norite statyti, ir kur mano poilsio vieta?
2Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.
2Mano ranka visa tai sukūrė, ir taip visa atsirado,sako Viešpats.Aš pažvelgsiu į žmogų, kuris yra vargšas bei turi atgailaujančią dvasią ir dreba prieš mano žodį.
3Kii dibi gowracaa wuxuu la mid yahay mid nin dilay oo kale, kii wan yar allabari ahaan u bixiyaana wuxuu la mid yahay mid eey qoorta ka jebiya oo kale, oo kii qurbaan bixiyaana wuxuu la mid yahay sida isagoo doofaar dhiiggiis bixiya oo kale, oo kii foox shidaana wuxuu la mid yahay sida isagoo sanam ammaana. Hubaal waxay doorteen jidadkooda, oo naftooduna waxay ku faraxdaa karaahiyadooda.
3Pjaunantis jautį yra kaip žudantis žmogų, aukojantis avįkaip nusukantis sprandą šuniui, aukojantis duonos aukąkaip aukojantis kiaulės kraują, deginantis smilkaluskaip garbinantis stabą. Taip jie pasirinko savo kelius, jų siela mėgsta jų bjaurystes.
4Anna waxaan dooran doonaa dhibaatooyinkooda, oo waxay ka cabsadaanna waan ku soo kor dayn doonaa, maxaa yeelay, markaan u yeedhay, innaba cidina iima jawaabin, oo markaan la hadlayna, ima ay maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa bay sameeyeen, oo waxay doorteen wax aanan ku farxin.
4Tad ir Aš parinksiu ir užleisiu ant jų vargą, kurio jie bijo. Nes Aš šaukiau, bet nė vienas neatsiliepė, Aš kalbėjau, bet jie nesiklausė. Jie darė mano akivaizdoje pikta ir pasirinko, kas man nepatinka”.
5Kuwiinna eraygiisa ka gariirow, bal erayga Rabbiga maqla. Walaalihiinna idin neceb, oo magacayga aawadiis idiin xoora, waxay yidhaahdeen, Rabbiga ha la ammaano, si aan farxaddiinna u aragno, laakiinse iyagu way ceeboobi doonaan.
5Išgirskite, ką sako Viešpats, jūs, kurie drebate prieš Jo žodį: “Jūsų broliai, kurie neapkenčia jūsų ir jus atmeta dėl mano vardo, sako: ‘Teapreiškia Viešpats savo šlovę, kad matytume jūsų džiaugsmą!’ Bet jie bus sugėdinti”.
6Buuq baa magaalada laga maqlayaa, cod baana macbudka ka yeedhaya, waana codka Rabbiga oo cadaawayaashiisii abaal marinaya.
6Tai balsas mieste! Tai balsas iš šventyklos! Tai Viešpaties balsas, kai Jis atlygina savo priešams.
7Intii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay.
7Dar skausmų nepajutus, ji pagimdė, dar skausmams neprasidėjus, pagimdė sūnų.
8Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay.
8Kas tai girdėjo, ar ką panašaus matė? Ar gali kraštas užgimti per vieną dieną? Ar gali tauta atsirasti per vieną akimirką? Tik skausmams prasidėjus, Sionas pagimdė savo vaikus.
9Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa?
9“Argi Aš, atvedęs iki gimdymo, neleisiu pagimdyti?”sako Viešpats. “Argi Aš, leidęs pradėti gimdymą, uždarysiu įsčias?”sako tavo Dievas.
10Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya,
10Džiaukitės kartu su Jeruzale, kurie ją mylite. Džiaukitės, kurie liūdėjote dėl jos.
11si aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan.
11Kad galėtumėte maitintis ir pasisotinti jos paguodos krūtimis, kad gaivintumėtės ir mėgautumėtės jos šlovės gausumu.
12Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, nabad sida webi oo kale ayaan ugu soo fidin doonaa, oo sharafta quruumahana sida durdur soo buuxdhaafay oo kale ayaan ugu soo dayn doonaa, oo markaasaad nuugi doontaan, oo sintaa laydinku xambaari doonaa, dhabtaana laydinku dul cayaarsiin doonaa.
12Taip sako Viešpats: “Aš užliesiu ją ramybe kaip upe, tautų lobiai plauks į ją kaip neišsenkanti srovė. Jūs būsite kaip kūdikiai maitinami, ant rankų nešiojami ir supami ant jos kelių.
13Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem.
13Kaip motina paguodžia kūdikį, taip Aš jus paguosiu; Jeruzalėje jūs būsite paguosti”.
14Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.
14Jūs tai matysite ir jūsų širdis džiaugsis, jūsų kaulai žaliuos kaip jauna žolė. Viešpaties ranka bus apreikšta Jo tarnams, o Jo rūstybėpriešams.
15Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis.
15Viešpats ateis su ugnimi, Jo vežimai kaip viesulas, kad išlietų savo rūstybę ir įtūžį, nubaustų ugnies liepsnomis.
16Waayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.
16Ugnimi ir kardu Viešpats padarys teismą kiekvienam kūnui. Viešpaties užmuštųjų bus daug.
17Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa isdaahiriya, oo beeraha isku dhex nadiifiya, oo midba midka kale daba socdo, oo hilibka doofaarka, iyo karaahiyada, iyo jiirka cunaa dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.
17“Visi, kurie pasišvenčia ir apsivalo soduose, valgo kiaulieną, peles ir kitus pasibjaurėtinus dalykus, bus sunaikinti”,sako Viešpats.
18Waayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan.
18“Aš žinau jūsų darbus ir mintis; surinksiu įvairių kalbų tautas, ir jos matys mano šlovę.
19Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.
19Aš duosiu ženklą jiems ir pasiųsiu dalį išlikusiųjų į visas tautas: į Taršišą, Pulą ir Ludą, pas šaudančius strėlėmis, į Tubalą ir Javaną, į tolimas salas, kuriose negirdėjo mano darbų ir nematė mano šlovės. Jie paskelbs mano šlovę tautoms.
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan.
20Jie atgabens jūsų brolius iš visų tautų, kaip yra atgabenamos aukos, ant žirgų, vežimuose, neštuvuose, ant mulų ir kupranugarių į šventąjį Jeruzalės kalną, kaip Izraelio sūnūs atneša duonos auką į Viešpaties namus švariame inde”,sako Viešpats.
21Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan iyaga kala dhex bixi doonaa wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah.
21“Kai kuriuos iš jų padarysiu kunigais ir levitais”,sako Viešpats.
22Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida samooyinka cuscusub iyo dhulka cusub oo aan samayn doono ay hortayda ugu raagi doonaan, ayaa farcankiinna iyo magiciinnuba hortayda ugu raagi doonaan.
22“Kaip nauji dangūs ir nauja žemė, kuriuos sukursiu, pasiliks mano akivaizdoje, taip jūsų palikuonys ir vardas išliks”,sako Viešpats.
23Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in bil ka bil iyo sabti ka sabti binu-aadmiga oo dhammuba ay u iman doonaan inay hortayda igu caabudaan.Oo iyana way bixi doonaan, oo waxay fiirfiirin doonaan dadkii igu xadgudbay meydadkooda, waayo, dixirigoodu ma dhiman doono, oo dabkuna kama demi doono, oo waxay binu-aadmiga oo dhan u noqon doonaan karaahiyo.
23“Nuo vieno jauno mėnulio iki kito ir nuo vieno sabato iki kito visi ateis ir parpuls mano akivaizdoje,sako Viešpats.
24Oo iyana way bixi doonaan, oo waxay fiirfiirin doonaan dadkii igu xadgudbay meydadkooda, waayo, dixirigoodu ma dhiman doono, oo dabkuna kama demi doono, oo waxay binu-aadmiga oo dhan u noqon doonaan karaahiyo.
24Jie išeis ir matys lavonus žmonių, kurie maištavo prieš mane. Jų kirminas nemirs ir ugnis neužges. Jie bus pasibaisėjimu visai žmonijai”.