1Kuwanu waa erayadii Yeremyaah ina Xilqiyaah, oo ka mid ahaa wadaaddadii joogay Canaatood oo ku tiil dalka reer Benyaamiin.
1Žodžiai Jeremijo, kunigo Hilkijo sūnaus iš Anatoto, iš Benjamino žemių.
2Waxaa isaga u yimid erayga Rabbiga wakhtigii uu Yoosiyaah ina Aamoon dalka Yahuudah boqor ka ahaa, sannaddii saddex iyo tobnaad ee boqortooyadiisa.
2Viešpats kalbėjo Jeremijui tryliktaisiais Jozijo, Amono sūnaus, Judo karaliaus, viešpatavimo metais;
3Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.
3taip pat viešpataujant Jozijo sūnui Jehojakimui ir iki Zedekijo, Jozijo sūnaus, Judo karaliaus, vienuoliktųjų metų penkto mėnesio, tai yra Jeruzalės išvedimo į nelaisvę.
4Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,
4Viešpats kalbėjo man, sakydamas:
5Intaanan uurkii hooyadaa kugu abuurin ayaan ku iqiin, oo intaadan uurka ka soo bixin ayaan quduus kaa dhigay, oo waxaan kuu doortay inaad nebi u noqotid quruumaha.
5“Pažinau tave prieš tau gimstant, pašventinau tave ir paskyriau pranašu tautoms”.
6Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, anigu ma aan hadli karo, waayo, dhallinyaraan ahay.
6Aš atsakiau: “Ak, Viešpatie Dieve, aš nemoku kalbėti, nes esu tik vaikas”.
7Laakiinse Rabbigu wuxuu igu yidhi, Ha odhan, Dhallinyaraan ahay, waayo, waa inaad u tagtaa qof kasta oo aan kuu diri doono, oo wax alla wixii aan kugu amri doonoba waa inaad ku hadashaa.
7Bet Viešpats man sakė: “Nesakyk: ‘Aš esu vaikas’, bet eik, pas ką tave siųsiu, ir kalbėk, ką tau liepsiu.
8Iyaga ha ka baqin, waayo, anigu waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
8Nebijok jų, nes Aš esu su tavimi ir tave išgelbėsiu,sako Viešpats”.
9Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday.
9Tada Viešpats ištiesė savo ranką ir, palietęs mano lūpas, tarė man: “Štai Aš įdėjau savo žodžius į tavo lūpas.
10Bal eeg, maantadan ayaan kaa kor yeelay quruumaha iyo boqortooyooyinkaba, inaad rujisid oo aad dumisid, iyo inaad baabbi'isid oo aad afgembidid, iyo inaad dhistid oo aad beertid.
10Šiandien paskyriau tave virš tautų ir karalysčių rauti, griauti, nuversti, naikinti, statyti ir sodinti”.
11Oo weliba eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh, Yeremyaahow, bal maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa ul yicib ah.
11Viešpats klausė manęs: “Ką matai, Jeremijau?” Aš atsakiau: “Matau migdolo šaką”.
12Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Si fiican baad wax u aragtay, waayo, eraygaygaan ka fiirsadaa si aan u oofiyo.
12Viešpats atsakė: “Gerai matei, nes Aš budėsiu, kad mano žodis būtų įvykdytas”.
13Oo haddana mar labaad ayuu eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, Maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa dheri karaya, oo wuxuu ka soo jeedaa xagga woqooyi.
13Viešpats klausė manęs antrą kartą: “Ką matai?” Aš atsakiau: “Matau verdantį katilą, krypstantį iš šiaurės”.
14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.
14Viešpats atsakė: “Iš šiaurės ateis nelaimė ant visų šalies gyventojų.
15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.
15Aš pašauksiu visas šiaurės karalystes, ir jos ateis, ir kiekviena pastatys savo sostą prie Jeruzalės vartų, prieš visas jos sienas iš visų pusių ir prieš visus Judo miestus.
16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.
16Tada įvykdysiu teismo sprendimą dėl visų jų nusikaltimų: jie paliko mane, aukojo svetimiems dievams ir garbino savo rankų darbus.
17Haddaba sidaas daraaddeed guntiga dhexda ku giiji oo sara joogso, oo waxaad iyaga u sheegtaa wixii aan kugu amro oo dhan, oo yaanan hortooda kugu nixine innaba wejigooda ha ka nixin.
17O tu susijuosk, kelkis ir kalbėk jiems, ką tau liepsiu. Nenusigąsk jų, kad neišgąsdinčiau tavęs jų akivaizdoje.
18Waayo, bal eeg, maanta waxaan kaa dhigay magaalo deyr leh, iyo tiir bir ah, iyo derbiyo naxaas ah, oo dalka oo dhan col ku ah, oo col ku ah boqorrada dalka Yahuudah, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo dadka dalka oo dhanba.Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan, waayo, waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo.
18Aš šiandien padariau tave sustiprintu miestu, geležiniu stulpu ir varine siena prieš visą šalį: prieš Judo karalius, kunigaikščius, kunigus ir visą tautą.
19Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan, waayo, waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo.
19Jie kovos prieš tave, bet nenugalės, nes Aš esu su tavimi ir tave išgelbėsiu,sako Viešpats”.