1Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.
1Judo karaliaus Achazo, sūnaus Jotamo, sūnaus Uzijo, dienomis Sirijos karalius Recinas ir Izraelio karalius Pekachas, Remalijo sūnus, atžygiavo kovoti prieš Jeruzalę, bet neįstengė jos paimti.
2Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale.
2Kai Dovydo namams pranešė: “Sirija susidėjo su Efraimu”, karaliaus ir jo tautos širdis taip drebėjo, kaip dreba nuo vėjo miško medžiai.
3Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha,
3Viešpats tarė Izaijui: “Tu ir tavo sūnus Šear Jašubas eikite pasitikti Achazą prie aukštutinio tvenkinio vandentiekio keliu, kuris veda į vėlėjo lauką.
4oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona.
4Tu jam sakyk: ‘Stebėk ir būk ramus; nebijok ir tavo širdis teneišsigąsta šitų dviejų smilkstančių nuodėgulių: nirštančio Sirijos karaliaus Recino ir Remalijo sūnaus.
5Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,
5Kadangi Sirija, Efraimas ir Remalijo sūnus surengė prieš tave sąmokslą, galvodami:
6Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisinno, kaasoo ah ina Taabeel,
6‘Žygiuokime prieš Judą, išgąsdinkime jį, nugalėkime ir paskirkime karaliumi Tabeelio sūnų’,
7taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto.
7Viešpats Dievas taip sako: ‘Taip nebus ir tai neįvyks!
8Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan,
8Sirijos galva yra Damaskas, o Damasko galva yra Recinas. Dar šešiasdešimt penkeri metai, ir Efraimas bus sunaikintastautos nebebus.
9oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah. Haddaad rumaysan weydaan, sida xaqiiqada ah sinaba ma xoogaysan doontaan.
9Efraimo galva yra Samarija, o Samarijos galvaRemalijo sūnus. Jei jūs netikite, neišliksite!’ ”
10Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
10Viešpats toliau kalbėjo Achazui:
11Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare.
11“Prašyk Viešpatį, savo Dievą, ženklo iš požemio gilybių ar dangaus aukštybių”.
12Oo Aaxaasna wuxuu yidhi, Anigu waxba weyddiisan maayo, oo Rabbigana innaba jirrabi maayo.
12Achazas atsakė: “Aš neprašysiu ir negundysiu Viešpaties”.
13Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?
13Tuomet Izaijas sakė: “Klausykitės, Dovydo namai, ar jums neužtenka varginti žmonių, ar varginsite ir Dievą?
14Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.
14Pats Viešpats duos jums ženklą. Štai mergelė taps nėščia, pagimdys sūnų ir pavadins jį Emanueliu.
15Wuxuu cuni doonaa subag iyo malab, ilaa uu aqoonsado inuu sharka diido oo wanaagga doorto.
15Jis maitinsis pienu ir medumi, kol išmoks atmesti, kas pikta, ir pasirinkti, kas gera.
16Waayo, intaan yarku aqoonsan inuu diido sharka oo uu wanaagga doorto ayaa dalka aad labadiisa boqor karaahiyaysatoba laga tegi doonaa.
16Prieš berniukui išmokstant atmesti pikta ir pasirinkti gera, šalys, kurių karalių bijaisi, bus sunaikintos.
17Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.
17Viešpats leis tau, tavo tautai ir tavo tėvų namams patirti tokių dienų per Asirijos karalių, kokių nebuvo nuo Efraimo ir Judo atsiskyrimo laikų.
18Oo weliba maalintaas Rabbigu wuxuu u soo foodhyi doonaa diqsiyada jooga webiyada Masar darafka ugu shisheeya, iyo shinnida joogta dalka Ashuur.
18Tuomet Viešpats sušvilps musėms Egipto upės gale ir bitėms Asirijos krašte
19Oo iyana way iman doonaan, oo kulligood waxay ku degi doonaan dooxooyinka cidlada, iyo godadka dhagaxyada, iyo geedaha qodxanta leh oo dhan, iyo meelaha daaqsinta ah oo dhan.
19ir jos atskris ir nusileis slėnių tarpekliuose, uolų plyšiuose, ant visų krūmokšnių ir ganyklose.
20Oo isla maalintaas ayaa Rabbigu madaxa iyo xataa lugahaba ku xiiri doona mandiil laga soo kiraystay webiga shishadiisa, taasoo ah boqorka Ashuur, waxayna baabba' ka dhigi doontaa gadhka.
20Tą dieną Viešpats iš anapus upės pasisamdytu skustuvuAsirijos karaliuminuskus galvos ir kojų plaukus, taipogi ir barzdą pašalins.
21Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,
21Tuo pačiu metu atsitiks, jog žmogus laikys vieną karvę ir dvi avis
22oo caanaha tirada badan oo uu ka heli doono aawadood ayuu subag cuni doonaa, waayo, mid kasta oo dalka ku hadhayba wuxuu quudan doonaa subag iyo malab.
22ir jos duos tiek pieno, kad jis valgys sviestą; ir kiekvienas, kuris bus išlikęs šalyje, valgys sviestą ir medų.
23Oo waxay maalintaas noqon doontaa in meel kasta oo ay ku yiilleen kun geed oo canab ah oo kun xabbadood oo lacag ah lagu qiimeeyo, ay noqoto meel ay ka soo baxaan yamaarug iyo qodxan.
23Tuo metu vieta, kur augo tūkstantis vynmedžių, verta tūkstančio šekelių sidabro, pavirs erškėtynu ir usnynu.
24Oo waxaa halkaas lala iman doonaa fallaadho iyo qaansooyin, maxaa yeelay, dalka oo dhammu wuxuu noqon doonaa yamaarug iyo qodxan miidhan.Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.
24Žmogus ten eis su strėlėmis ir lanku, nes usnių ir erškėčių bus pilnas kraštas.
25Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.
25Visi kalnai, kurie dabar kapliu kasami, taps neįžengiami dėl usnių ir erškėčių, juose ganysis galvijai ir vaikštinės avys”.