Somali

Lithuanian

Isaiah

8

1Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qaadataa loox weyn, oo waxaad farta dadka ku qortaa. Maheer-shaalaal-haash-bas,
1Viešpats įsakė man: “Imk didelę lentelę ir įrašyk aiškiomis raidėmis: ‘Imk grobį, skubėk plėšti’ ”.
2oo anna waxaan markhaatiyaal aamin ah u soo wadi doonaa wadaadkii Uuriyaah iyo Sekaryaah ina Yeberekyaah.
2Aš pasiėmiau ištikimus liudytojus, kunigą Ūriją ir Jeberechijo sūnų Zachariją.
3Markaasaan u tegey nebiyaddii oo iyana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil. Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa, Maheer-shaalaal-haash-bas.
3Aš įėjau pas pranašę, ji pastojo ir pagimdė sūnų. O Viešpats man tarė: “Duok jam vardą: ‘Imk grobį, skubėk plėšti’.
4Waayo, intaan yarku baran inuu yidhaahdo, Aabbe iyo Hooyo ka hor ayaa boqorka Ashuur maalka Dimishaq iyo xoolaha boolida ah oo Samaariyaba wada qaadan doonaa.
4Prieš vaikui išmokstant pašaukti tėvą ir motiną, Damasko turtai ir Samarijos grobis bus Asirijos karaliaus išvežti”.
5Oo haddana Rabbigu waa ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi,
5Viešpats man toliau kalbėjo:
6Dadkanu way diideen biyaha Shilo'ax oo qun yar socda, oo waxay ku reyreeyaan Resiin iyo ina Remalyaah,
6“Kadangi ši tauta paniekino ramiai tekantį Siloamo vandenį ir pamėgo Reciną ir Remalijo sūnų,
7haddaba sidaas daraaddeed Sayidku wuxuu ku soo dayn doonaa biyaha Webiga ee xoogga iyo badnaanta leh, kuwaasoo ah boqorka Ashuur iyo sharaftiisa oo dhan, oo isna faraqyadiisa oo dhan wuu soo buuxin doonaa, oo qararkiisa oo dhanna wuu buuxdhaafin doonaa,
7Viešpats atves prieš jus daugybės galingų upių vandenis­Asirijos karalių ir visą jo garbę. Jis išsilies iš savo vagos ir užtvindys visus laukus.
8oo aad buu u socon doonaa ilaa uu galo dalka Yahuudah, oo intuu wada buuxdhaafo ayuu dhex mari doonaa, oo wuxuu gaadhi doonaa ilaa luqunta, kalafidinta baadadkiisu waxay buuxin doontaa ballaadhka dalkaaga oo dhan Cimmaanuu'eelow.
8Jis tekės per Judą, patvins ir sieks iki kaklo; išties savo sparnus ir apdengs visą tavo šalį, Emanueli!”
9Dadyowgow, qayliya, waadna jajabi doontaan, kuwiinna dalalka fogow, dhegaysta, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan.
9Susirinkite, tautos, ir jūs būsite nugalėtos! Išgirskite, visos tolimos šalys, susijuoskite, būsite nugalėtos! Susijuoskite, būsite nugalėtos!
10Kulligiin isla tashada, taladiinnuna way buri doontaa, erayga ku hadla, mana hagaagi doono, waayo, Ilaah baa nala jira.
10Susitarkite tarpusavyje, iš to nieko neišeis. Tarkite žodį, bet jis nebus įvykdytas, nes Dievas yra su mumis!
11Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,
11Viešpats kalbėjo man, stipria ranka laikė ir įspėjo mane neiti šitos tautos keliu, sakydamas:
12Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina.
12“Nevadinkite sąmokslu to, ką šita tauta vadina sąmokslu. Nebijokite to, ko ji bijo, ir neišsigąskite.
13Quduus ka dhiga Rabbiga ciidammada, oo isagu ha ahaado kan aad ka cabsataan oo aad ka argaggaxdaanba.
13Kareivijų Viešpatį laikykite šventu, Jo bijokite ir prieš Jį drebėkite.
14Oo wuxuu ahaan doonaa meel quduus ah, laakiinse labada qooys oo reer binu Israa'iilba wuxuu u noqon doonaa dhagax lagu turunturoodo iyo sallax lagu xumaado, oo dadka Yeruusaalem degganna wuxuu u noqon doonaa dabin iyo siriq.
14Jis bus pašventinimas, suklupimo akmuo ir papiktinimo uola abiems Izraelio namams, spąstai bei kilpa Jeruzalės gyventojams.
15Oo kuwa badan ayaa turunturoon doona, oo kufi doona, oo jebi doona, waana la dabi doonaa, oo la qabsan doonaa.
15Daugelis suklups, kris ir suduš; įsipainios ir bus pagauti”.
16Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee.
16Saugok liudijimą, užantspauduok įstatymą tarp mano mokinių.
17Anigu waxaan sugi doonaa Rabbiga wejigiisa dadka Yacquub ka qariya, oo isagaan filan doonaa.
17Aš lauksiu Viešpaties, kuris paslėpė savo veidą nuo Jokūbo namų, aš pasitikėsiu Juo.
18Bal eega, aniga iyo carruurta Rabbigu i siiyeyba waxaannu reer binu Israa'iil u nahay calaamado iyo yaabab ka yimid xagga Rabbiga ciidammada oo deggan Buur Siyoon.
18Aš ir mano vaikai, kuriuos man davė Viešpats, esame kareivijų Viešpaties, kuris gyvena Siono kalne, ženklas ir įspėjimas Izraeliui.
19Oo markay idinku leeyihiin, Talo weyddiista kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta hadaaqda oo guryanta, miyaanay dadka waajib ku ahayn inay Ilaahooda talo weyddiistaan? Miyayse iyaga ku habboon tahay inay kuwa dhintay wax u weyddiiyaan kuwa nool aawadood?
19Jie jums sako: “Klauskite mirusiųjų dvasių iššaukėjus ir būrėjus, kurie jums murma ir šnibžda”. Argi tauta neturėtų klausti savo Dievo? Argi reikia klausti mirusiųjų gyvųjų reikalais?
20Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
20Kreipkitės į įstatymą ir liudijimą. Jeigu jie taip nesako, nėra juose šviesos.
21Oo iyagoo dhibaataysan oo gaajaysan ayay dalka dhex mari doonaan, oo markay gaajoodaan ayay isku xanaaqi doonaan, oo waxay habaari doonaan boqorkooda oo wax xun Ilaahooda ka sheegi doonaan, xagga sarena way u jeedsan doonaan,dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.
21Jie klaidžios suvargę ir išalkę. Būdami alkani, jie pyks ir keiks savo karalių ir Dievą, žiūrėdami aukštyn.
22dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.
22Kai jie pažiūrės į žemę, visur bus sielvartas ir tamsa, tamsybė ir priespauda. Jie pateks į nakties tamsą.