1Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah.
1Kas patyrė vargą, tiems nebus tamsu. Seniau Zabulono žemė ir Neftalio žemė buvo paniekintos, bet ateity paežerio kraštas ir kraštas anapus Jordano, pagonių Galilėja, bus išaukštintas.
2Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.
2Tauta, gyvenusi tamsybėje, išvydo didelę šviesą. Gyvenusiems mirties šešėlio krašte nušvito šviesa.
3Adigu quruunta waad badisay, oo farxaddoodiina waad sii kordhisay, oo waxay hortaada ugu farxaan sida farxadda wakhtiga beeraha la goosto, iyo sida niman booli qaybsanayaa ay u reyreeyaan oo kale.
3Tu padauginai tautą ir suteikei jiems džiaugsmo. Jie džiaugiasi Tavo akivaizdoje, kaip džiaugiamasi pjūties metu arba dalijantis grobį.
4Waayo, harqoodkii ku cuslaa, iyo hangoolkii garbaha lagaga dhufan jiray, iyo ushii kii dulmi jiray, ayaad jebisay sidii waagii reer Midyaan.
4Tu sulaužei tautą slėgusį jungą, juos plakusią rykštę, jos prispaudėjo lazdą kaip Midjano dieną.
5Waayo, ninka hubka leh ee buuqa ku dhex jira hubkiisa oo dhan iyo dharka dhiigga miidhanna waa la gubi doonaa oo waxaa laga dhigi doonaa wax dabka lagu shido.
5Visų karių apavas ir krauju sutepti rūbai bus ugnimi sunaikinti.
6Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.
6Kūdikis mums gimė, sūnus mums duotas. Ant jo peties viešpatavimas, jis bus vadinamas Nuostabusis, Patarėjas, Galingasis Dievas, Amžinasis Tėvas, Ramybės Kunigaikštis.
7Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.
7Jo viešpatavimas plėsis ir taikai nebus galo. Dovydo sostą ir jo karalystę jis sustiprins ir įtvirtins teisingumu ir teisybe per amžius. Kareivijų Viešpaties uolumas tai padarys.
8Sayidku wuxuu eray u soo diray dadka Yacquub wuxuuna ku kor dhacay dadka Israa'iil.
8Viešpats pasiuntė žodį Jokūbui, jis krito į Izraelį.
9Oo waxaa garan doona dadka oo dhan, xataa reer Efrayim iyo kuwa Samaariya deggan oo kibirka iyo islaweynaanta qalbiga ku hadla, iyagoo leh,
9Tai žinos visa tauta, Efraimas ir Samarijos gyventojai, kurie puikybėje ir išdidume kalbėjo:
10Lebennadii way soo dheceen, laakiinse annagu waxaannu ku dhisi doonnaa dhagaxyo la qoray, geedihii darayga ahaa waa la jaray, laakiinse waxaannu ku beddeli doonnaa geedo kedar ah.
10“Plytų mūrai sugriuvo, mes juos atstatysime iš tašytų akmenų; nukirto laukinius figmedžius, mes juos pakeisime kedrais”.
11Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku soo kicin doonaa kuwa Resiin la col ah, oo cadaawayaashiisana wuu isku soo wada ururin doonaa dhammaantood,
11Todėl Viešpats sukels prieš juos Recino priešus ir sukurstys priešininkus.
12wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
12Sirija rytuose, o filistinai vakaruose ryja Izraelį, plačiai atvėrę nasrus. Dėl viso to Jo rūstybė dar neatsileido, Jo ranka dar pakelta.
13Laakiinse dadku uma ay soo noqon kii iyaga wax ku dhuftay, mana ay doondoonin Rabbiga ciidammada.
13Bet tauta nesigręžia į Tą, kuris juos baudžia, jie neieško kareivijų Viešpaties.
14Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu maalin keliya ayuu dadka Israa'iil ka jari doonaa madaxa iyo dabadaba, iyo laanta iyo cawsduurkaba.
14Todėl Viešpats nukirs Izraelio galvą ir uodegą, palmę ir nendrę tą pačią dieną.
15Odayga iyo kan sharafta lahu waa madaxa, oo nebiga dadka beenta baraana waa dabada.
15Vyresnieji ir kilmingiejitai galva, o melą kalbantys pranašai uodega.
16Waayo, dadkan hoggaamiyayaashoodu way qaldaan, oo kuwa la hoggaamiyaana way wada baabba'aan.
16Šios tautos vadai yra suvedžiotojai, o jų vedamieji pražus.
17Haddaba sidaas daraaddeed Sayidku ku farxi maayo barbaarradooda, oo agoontooda iyo carmalladoodana u naxariisan maayo, waayo, midkood kastaaba waa cibaadalaawe iyo xumaanfale, oo af kastaana wuxuu ku hadlaa wax nacasnimo ah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
17Todėl Viešpats nesidžiaugs jų jaunimu ir nepagailės nei jų našlaičių, nei našlių. Jie visi yra veidmainiai ir nedorėliai, jie kalba kvailystes. Dėl viso to Jo rūstybė dar neatsileido, Jo ranka dar pakelta.
18Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.
18Nedorybė kaip ugnis praryja usnis ir erškėčius, padega miško tankumynus, o dūmai kyla kaip stulpai.
19Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.
19Kareivijų Viešpaties rūstybė padegė šalį. Tauta bus lyg kuras ugniai. Žmogus nesigailės savo brolio.
20Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa.Reer Manaseh waxay cuni doonaan reer Efrayim, oo reer Efrayimna waxay cuni doonaan reer Manaseh, oo iyana dhammaantood waxay col ku ahaan doonaan reer Yahuudah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
20Jis griebs iš dešinės, bet alks, ris iš kairės, bet nepasisotins. Kiekvienas valgys savo kūną.
21Reer Manaseh waxay cuni doonaan reer Efrayim, oo reer Efrayimna waxay cuni doonaan reer Manaseh, oo iyana dhammaantood waxay col ku ahaan doonaan reer Yahuudah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
21ManasasEfraimą, Efraimas Manasą, abu draugeJudą. Dėl viso to Jo rūstybė dar neatsileido, Jo ranka dar pakelta.