Somali

Lithuanian

Jeremiah

10

1Dadka Israa'iilow, bal maqla erayga Rabbigu idinkula hadlayo.
1Izraeli, klausykis Viešpaties žodžio!
2Rabbigu wuxuu leeyahay, Ha baranina jidka quruumaha, oo hana ka nixina calaamadaha samada, waayo, quruumahaa ka naxa iyaga.
2Taip sako Viešpats: “Nesimokykite pagonių kelių ir nebijokite dangaus ženklų, nors pagonys jų bijo.
3Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan.
3Pagonių papročiai yra tuštybė. Jie nusikerta medį miške, amatininkas kirviu aptašo jį,
4Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin.
4sidabru ir auksu pagražina, pritvirtina plaktuku ir vinimis, kad nejudėtų.
5Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.
5Jie yra tiesūs kaip palmė, negali kalbėti nei vaikščioti, juos reikia nešti. Nebijokite jų, nes jie negali nei pakenkti, nei gera daryti”.
6Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay.
6Viešpatie, Tau nėra lygaus, Tu esi didis ir Tavo vardas galingas!
7Boqorka quruumahow, kan aan kaa cabsanaynu waa kuma? Waayo, way kugu habboon tahay, maxaa yeelay, kuwa xigmadda leh ee quruumaha iyo boqortooyooyinkooda oo dhanba mid kula mid ahu ma jiro.
7Kas Tavęs nebijotų, tautų Karaliau? Tau priklauso tai, nes tarp visų tautų išminčių ir visų jų valdovų nėra nė vieno Tau lygaus.
8Laakiinse iyagu dhammaantood waa doqonno iyo nacasyo, cilmigoodu waa wax aan waxtar lahayn, waayo, waa qori uun.
8Jie visi yra kvaili ir neišmintingi. Medis yra tuštybės mokymas,
9Lacag la tumay baa Tarshiish laga keenaa, oo dahabna Uufaas, waana nin saanac ah shuqulkiis, iyo wixii lacagshubuhu uu gacmihiisa ku sameeyey, oo dharkooduna waa buluug iyo guduud, oo dhammaantoodna waa nin saanac ah shuqulkiis.
9padengtas sidabrine skarda, atgabenta iš Taršišo ir Ufazo. Jis yra amatininko ir auksakalio dirbinys, apvilktas violetiniu ir raudonu drabužiu. Jie visi yra menininkų dirbiniai.
10Laakiinse Rabbigu waa Ilaaha runta ah. Isagu waa Ilaaha nool iyo boqorka weligiis ah. Cadhadiisa ayaa dhulku la gariiraa, oo quruumuhuna uma ay adkaysan karaan dhirifkiisa.
10Tačiau Viešpats yra tikrasis Dievas, gyvasis Dievas ir amžinasis Karalius. Nuo Jo rūstybės dreba žemė ir Jo grūmojimo nepakelia tautos.
11Waxaad iyaga ku tidhaahdaan, Ilaahyadii aan samooyinka iyo dhulka samayninu way ka wada baabbi'i doonaan dhulka dushiisa iyo samooyinka hoostooda.
11Taip turite jiems sakyti: “Dievai, kurie nepadarė nei dangaus, nei žemės, turi pradingti nuo žemės ir iš šios padangės”.
12Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
12Jis sukūrė žemę savo jėga, savo išmintimi padėjo pasaulio pamatą ir savo supratimu ištiesė dangus.
13Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
13Jo balso klauso vandenys danguose, Jis pakelia garus nuo žemės pakraščių. Jis siunčia žaibus su lietumi, paleidžia vėją iš savo sandėlių.
14Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.
14Žmogus neturi pažinimo ir yra neišmintingas. Amatininkai bus sugėdinti dėl savo drožinių, jų lieti atvaizdai yra apgaulė, juose nėra kvapo.
15Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.
15Jie yra tuštybė, paklydimo darbas. Aplankymo metu jie pražus.
16Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
16Visai kitokia yra Jokūbo dalis. Jis yra visa ko Kūrėjas, Izraelis yra Jo nuosavybė. Kareivijų Viešpats yra Jo vardas!
17Tan la weerarayay, alaabtaada dalka ka soo ururso.
17Susirinkite savo daiktus nuo žemės, tvirtovės gyventojai!
18Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadka dalka deggan haddeer baan wadhfin doonaa, oo waan dhibi doonaa si ay u dareemaan.
18Nes taip sako Viešpats: “Šį kartą Aš išmesiu krašto gyventojus, prispausiu juos taip, kad jie pajus”.
19Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.
19Vargas man, esu sužeistas! Mano žaizda nepagydoma! Aš tariau: “Tai yra sielvartas, kurį turiu pakelti”.
20Taambuuggaygii waa baabba'ay, oo xadhkahaygii oo dhanna waa la jaray. Carruurtaydii way iga tageen oo ma ay joogaan, oo innaba lama arko cid teendhadayda mar dambe dhisaysa oo daahyadayda kor u taagaysa toona.
20Mano palapinė apiplėšta, visos virvės sutraukytos. Mano vaikai paliko mane, jų nebėra. Nėra kas ištiestų ir pakeltų mano palapinę.
21Waayo, adhijirradii way wada doqonoobeen, oo Rabbigana waxba ma ay weyddiin. Oo sidaas daraaddeed ma ay liibaanin, oo adhyahooda oo dhammuna way kala firidhsan yihiin.
21Ganytojai tapo kvailiais ir neieškojo Viešpaties. Todėl jiems nesisekė, visa jų kaimenė bus išsklaidyta.
22Bal maqla qaylada warka iyo rabshadda weyn oo xagga dalka woqooyi ka soo socota, oo markaas waxaa magaalooyinka dalka Yahuudah laga dhigi doonaa baabba' iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan.
22Štai žinia, kad artėja didelis pavojus iš šiaurės paversti Judo miestus griuvėsiais, šakalų buveinėmis.
23Rabbiyow, waan ogahay in binu-aadmiga jidkiisu uusan gacantiisa ku jirin, ninkii socda innaba karti uma leh inuu tallaabooyinkiisa toosiyo.
23Viešpatie, aš žinau, kad ne žmogaus rankose yra jo keliai. Nė vienas negali pakreipti savo žingsnių, kaip jis nori.
24Rabbiyow, i edbi, si caddaalad ah mooyaane xanaaqaaga ha igu edbin, si aadan iiga dhigin wax aan waxba ahayn.Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.
24Bausk mane, Viešpatie, bet teisingai, nerūstaudamas, kad nesunaikintum manęs visiškai!
25Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.
25Išliek savo rūstybę ant pagonių, kurie Tavęs nepažįsta, ir ant giminių, kurios nesišaukia Tavęs, nes jos ėdė ir prarijo Jokūbą, dykuma pavertė jo gyvenvietes.