1Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga!
1O kad mano galva būtų vandens šaltinis, ir akys ašarų versmė, kad dieną ir naktį galėčiau apraudoti savo tautos užmuštuosius!
2Bal maan cidlada ku lahaado hoy ay socotooyinku ku dhaxaan, si aan dadkayga uga tago, oo aan iyaga uga fogaado! Waayo, iyagu dhammaantood waxay noqdeen dhillayo, iyo urur khaa'inno ah.
2Jei dykumoje turėčiau pastogę, palikčiau savo tautą ir eičiau ten! Nes jie visi svetimaujaneištikimųjų gauja.
3Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay.
3“Jie sulenkia savo liežuvį melui kaip lanką. Jie nepakyla už tiesą žemėje. Jie eina iš pikto į piktą, o manęs nepažįsta”,sako Viešpats.
4Midkiin kastaaba deriskiisa ha iska jiro oo walaalna ha isku hallaynina, waayo, walaal kastaaba waa khaa'in, oo deris kastaaba xan buu la wareegaa.
4“Saugokitės artimo, nepasitikėkite broliu, nes brolis elgiasi klastingai, o artimas skleidžia šmeižtus.
5Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan.
5Vienas apgauna kitą, jie nekalba tiesos. Jie išmokė savo liežuvius kalbėti melą, elgiasi suktai, kol pavargsta.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Rugtaadu waxay ku dhex jirtaa khiyaano, oo khiyaano aawadeed ayay u diidaan inay i aqoonsadaan.
6Tu gyveni apsuptas apgaulių. Dėl savo apgaulių jie atsisako pažinti mane”,sako Viešpats.
7Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis?
7Todėl taip sako kareivijų Viešpats: “Aš juos išlydysiu ir mėginsiu, nes kaip kitaip galėčiau pasielgti su tokia tauta?
8Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.
8Jų liežuvis yra mirtina strėlė, jų žodžiaiklasta. Jie taikiai kalba su savo artimu, bet savo širdyje spendžia jam žabangus.
9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?
9Ar dėl to neturėčiau jų bausti? sako Viešpats,ar šitokiai tautai neturėčiau atkeršyti?”
10Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.
10Dėl kalnų verksiu ir dejuosiu, dėl ganyklų raudosiu, nes jos sunaikintos; niekas nebekeliauja per juos, nebesigirdi ir galvijų balso. Net padangių paukščiai ir žvėrys pasitraukė.
11Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
11Aš padarysiu Jeruzalę akmenų krūva, šakalų lindyne ir Judo miestus paversiu negyvenama dykuma.
12Waa kuma ninka xigmadda leh oo waxan garan karaa? Oo kan Rabbiga afkiisu la hadlay inuu waxyaalahan sheegi karaa waa kuma? Bal maxaa dalku u halligmay, oo uu sidii cidlo oo kale ugu gubtay, si aan ciduna u dhex marin?
12Kas yra toks išmintingas, kad tai suprastų? Kam Viešpats kalbėjo, kad jis tai paskelbtų, kodėl šalis sunaikinta lyg dykuma, kad niekas nebekeliauja per ją?
13Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,
13Viešpats tarė: “Kadangi jie atmetė mano įstatymą, kurį jiems daviau, nepakluso mano balsui ir nesielgė pagal jį,
14laakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen,
14bet sekė savo širdies užgaidas ir Baalą, kaip jų tėvai juos mokė,
15oo sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadkan waxaan ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed.
15todėl Aš juos valgydinsiu metėlėmis, girdysiu karčiu vandeniu
16Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.
16ir išsklaidysiu tarp tautų, kurių nepažino nei jie, nei jų tėvai. Iš paskos pasiųsiu kardą, kol juos visai sunaikinsiu”.
17Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene.
17Taip sako kareivijų Viešpats: “Pašaukite raudotojų, kad jos ateitų,
18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.
18kad jos atskubėtų ir giedotų raudą apie mus ir mes susigraudinę verktume”.
19Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.
19Rauda girdėti iš Siono: “Mes sunaikinti, visai sugėdinti! Mes turime palikti gimtinę, mūsų gyvenvietės sunaikintos”.
20Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto.
20Klausykitės jūs, moterys, Viešpaties žodžio ir priimkite Jo pamokymą. Mokykite savo dukteris raudoti ir kaimynes apverkti.
21Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.
21Mirtis įėjo pro langus, įsilaužė į mūsų namus. Ji žudo vaikus gatvėse, jaunuolius aikštėse.
22Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.
22Taip sako Viešpats: “Žmonių lavonai bus išmėtyti kaip mėšlas laukuose, kaip pėdai užpakalyje pjovėjo. Ir niekas jų nesurinks”.
23Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin,
23Taip sako Viešpats: “Išmintingasis tenesigiria savo išmintimi, stiprusissavo stiprybe, o turtingasissavo turtais.
24laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.
24Kas nori girtis, tegul giriasi, kad supranta ir pažįsta mane, kad AšViešpats, kuris vykdau malonę, teismą ir teisingumą žemėje, nes tai man patinka,sako Viešpats”.
25Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan,kuwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.
25“Ateis diena, kai Aš bausiu visus apipjaustytuosius ir neapipjaustytuosius:
26kuwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.
26Egiptą, Judą, Edomą, Amoną, Moabą ir visus, gyvenančius dykumoje. Nes visos tautos yra neapipjaustytos ir Izraelis yra neapipjaustytas širdyje”,sako Viešpats.