Somali

Lithuanian

Jeremiah

8

1Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaa qabriyadoodii laga soo bixin doonaa lafihii boqorrada dalka Yahuudah, iyo lafihii amiirradiisa, iyo lafihii wadaaddada, iyo lafihii nebiyada, iyo lafihii dadkii Yeruusaalem degganaaba.
1“Tuo metu,­sako Viešpats,­paims iš kapų Judo karalių, kunigaikščių, kunigų, pranašų ir Jeruzalės gyventojų kaulus.
2Oo waxaa lagu kala bixin doonaa dhulka hoos yaal qorraxda, iyo dayaxa, iyo ciidanka samada oo dhan, kuwaasoo ay jeclaan jireen, oo ay u adeegi jireen, oo ay daba socon jireen, oo ay doondooni jireen, oo ay caabudi jireen. Lama soo ururin doono, lamana aasi doono, oo sida digo oo kale ayay dhulka saarnaan doonaan.
2Juos išbarstys priešais saulę, mėnulį ir visą dangaus kareiviją, kuriuos jie mylėjo ir sekė, kuriems tarnavo, ieškojo ir garbino. Jie nebus surinkti ir palaidoti, jie bus mėšlas dirvai tręšti.
3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa qoladan sharka ah ka hadhi doona oo dhammu waxay nolosha ka dooran doonaan dhimasho, waana kuwa ku hadhi doona meelaha aan u kexeeyey oo dhan.
3Visi likę gyvieji iš šitos piktos kartos, kurie yra mano išsklaidyti, labiau norės mirti negu gyventi.
4Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon?
4Sakyk jiems: ‘Taip sako Viešpats: ‘Jei kas krinta, ar jis nebeatsikels? Jei kas nusigręžia, ar jis nebeatsigręš?
5Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan.
5Kodėl šita tauta užsispyrusiai laikosi savo paklydimo? Jie įsikibę į apgaulę ir nesutinka atsiversti.
6Waan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobad keeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya.
6Aš klausiausi ir supratau, kad jie kalba netiesą. Nė vienas neatgailauja dėl savo nedorybės, sakydamas : ‘Ką aš padariau?’ Jie visi eina savais keliais kaip žirgas, puoląs į kovą.
7Sida xaqiiqada ah xuurta samadu xilligeeda way taqaan, oo qoolleyda, iyo dabfallaadha, iyo saratoosiyuhuba way dhawraan xilliga imaatinkooda, laakiinse dadkaygu Rabbiga xukunkiisa ma ay yaqaaniin.
7Net gandras, balandis, kregždė ir strazdas žino savo sugrįžimo laiką, bet mano tauta nežino Viešpaties nuostatų.
8Haddaba bal sidee baad u tidhaahdaan, Annagu xigmad baannu leennahay, oo Rabbiga sharcigiisuna waa nala jiraa? Laakiinse qalinkii beenta ahaa ee karraaniyada ayaa been ka dhigay.
8Kaip jūs galite sakyti: ‘Mes išmintingi ir Viešpaties įstatymas yra pas mus’? Iš tikrųjų mano įstatymą raštininkų plunksna padarė bevertį.
9Nimankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay?
9Išmintingieji bus sugėdinti, išgąsdinti ir pagauti. Jie atmetė Viešpaties žodį, tai kur jų išmintis?
10Sidaas daraaddeed waxaan naagahooda siin doonaa kuwa kale, oo beerahoodana waxaan siin doonaa kuwo xantiyi doona, waayo, midkood kasta kan ugu yar ilaa kan ugu weynuba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.
10Todėl Aš atiduosiu jų žmonas kitiems, jų laukus svetimiems, nes jie visi, nuo mažiausio iki didžiausio, pasidavę godumui, nuo pranašo iki kunigo jie visi elgiasi klastingai.
11Waayo, iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
11Jie gydo mano tautos žaizdas tik paviršutiniškai, sakydami: ‘Taika! Taika!’ Tačiau taikos nėra.
12Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan.
12Jie turėtų gėdytis, nes elgėsi bjauriai, tačiau jie nei gėdijasi, nei parausta. Todėl jie kris tarp krintančių sukniubę, kai juos aplankysiu’,­sako Viešpats.
13Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.
13‘Aš tikrai juos sunaikinsiu,­sako Viešpats.­Neliks vynuogių ant vynmedžių ir figų ant figmedžių, o lapai nuvys. Tai, ką jiems esu davęs, pasitrauks nuo jų’ ”.
14Bal maxaynu isaga fadhinnaa? Isa soo wada urursada, oo ina keena aynu magaalooyinka deyrka leh galnee, oo aynu halkaas ku halliganno, waayo, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa ina halligay, oo wuxuu ina cabsiiyey biyo xammeetiyeed, maxaa yeelay, Rabbigeenna waynu ku dembaabnay.
14Kodėl mes čia sėdime? Susirinkime, skubėkime į sustiprintus miestus ir ten sėdėkime tyliai, nes Viešpats, mūsų Dievas, mus nutildė ir girdo karčiu vandeniu, kadangi Jam nusidėjome.
15Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!
15Mes laukėme taikos, bet nieko gero nesulaukėme. Laukėme sveikatos, o štai­sunaikinimas!
16Bururuftii fardihiisa dalka Daan baa laga maqlay, oo dalkii oo dhammuna wuxuu la gariiray dananiddii kuwiisa xoogga badan, waayo, way yimaadeen, oo waxay wada baabbi'iyeen dalkii, iyo wixii ku dhex jiray oo dhan, iyo magaalooyinkii iyo kuwii degganaa oo dhanba.
16Nuo Dano girdisi žirgų prunkštimas, nuo jų žvengimo dreba visas kraštas. Priešas užima šalį ir ryja visa: jos turtus, miestus ir gyventojus.
17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa abeesooyin iyo jilbisyo aan la sixri karin, oo iyana way idin qaniini doonaan.
17“Aš siunčiu jums nuodingų gyvačių, kurių negalima užkerėti, ir jos jus įgels”,­sako Viešpats.
18Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.
18Kada aš būsiu paguostas savo skausme, mano širdis alpsta manyje.
19Bal maqla codka qaylada dadkayga oo dal fog ka yeedhaya. Sow Rabbigu Siyoon ma joogo? Sow boqorkeedii ma dhex joogo? Bal maxay iigaga cadhaysiiyeen sanamyadooda xardhan iyo waxyaalahooda qalaad ee aan waxtarka lahayn?
19Mano tautos pagalbos šauksmas girdisi visame krašte. Argi nebėra Viešpaties Sione? Argi jis nebekaraliauja? Kodėl jie pykdė mane savo drožiniais ir svetimais stabais?
20Beergoosadkii waa dhaafay, oo midhoguriddiina waa idlaatay, laakiin innagu weli ma aynu badbaadin.
20Praėjo pjūtis, pasibaigė vasara, o mes nesame išgelbėti.
21Anigu waxaan ku xanuunsaday nabarkii ku dhacay dadkayga. Murug baan la madoobaaday, oo yaab baa i haya.Ma Gilecaad baan beeyo dawo ah oollin, mase dhakhtar baan halkaas joogin? Bal maxaa bogsiinta dadkaygu u dhammaystirmi weyday?
21Dėl savo tautos nelaimės aš kenčiu ir gedžiu, siaubas apėmė mane.
22Ma Gilecaad baan beeyo dawo ah oollin, mase dhakhtar baan halkaas joogin? Bal maxaa bogsiinta dadkaygu u dhammaystirmi weyday?
22Argi nėra balzamo Gileade, argi nėra ten gydytojo? Kodėl neužgyja mano tautos žaizda?