Somali

Lithuanian

Jeremiah

7

1Kanu waa eraygii Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo Jeremijui:
2Guriga Rabbiga iriddiisa istaag, oo waxaad halkaas ka naadisaa eraygan, oo waxaad tidhaahdaa, Kuwiinna dadka Yahuudah oo irdahan u gala inaad Rabbiga caabuddaanow, kulligiin bal erayga Rabbiga maqla.
2“Atsistok Viešpaties šventyklos vartuose ir skelbk šitą žodį: ‘Klausykitės Viešpaties žodžio, visi Judo gyventojai, kurie įeinate pro vartus Viešpatį garbinti.
3Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
3Taip sako Viešpats: ‘Pagerinkite savo kelius ir darbus, tada gyvensite šitoje vietoje.
4Ha isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan.
4Nepasitikėkite melagingais žodžiais: ‘Tai Viešpaties šventykla’.
5Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,
5Jei iš tikrųjų pagerinsite savo kelius ir darbus, jei teisingai spręsite bylas tarpusavyje,
6iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,
6svetimtaučio, našlaičio ir našlės neskriausite, nekalto kraujo nepraliesite šitoje vietoje ir svetimų dievų nesekiosite savo pačių nelaimei,
7de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.
7tada Aš amžiams paliksiu jus gyventi krašte, kurį daviau jūsų tėvams.
8Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin.
8Jūs pasitikite melagingais žodžiais, kurie nieko nepadeda.
9Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan,
9Argi manote, kad galite vogti, žudyti, svetimauti, melagingai prisiekti, aukoti Baalui ir sekioti svetimus dievus,
10miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?
10o po to ateiti ir atsistoti mano akivaizdoje šituose namuose, kurie pavadinti mano vardu, ir sakyti: ‘Mes saugūs ir galime daryti šias bjaurystes’.
11Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.
11Argi mano vardu pavadinti namai jūsų akyse tapo plėšikų lindyne? Aš mačiau tai’,­sako Viešpats.
12Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed.
12‘Eikite į mano buvusią vietą Šilojuje, kur prieš tai buvo mano vardas, ir pažiūrėkite, ką Aš ten padariau dėl mano tautos Izraelio nedorybių.
13Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin,
13Kadangi dabar jūs darote tuos pačius darbus,­sako Viešpats,­ ir Aš kalbėjau jums anksti atsikeldamas, bet jūs nesiklausėte, jus šaukiau, bet jūs neatsiliepėte,
14sidaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale.
14tai namams, kurie vadinami mano vardu ir kuriais jūs pasitikite, ir vietai, kurią daviau jums ir jūsų tėvams, Aš padarysiu taip, kaip padariau Šilojui.
15Oo idinkana hortaydaan idinka xoori doonaa sidaan u xooray dhammaan walaalihiinna ah farcankii Efrayim oo dhan.
15Aš pašalinsiu jus iš savo akivaizdos, kaip pašalinau jūsų brolius, Efraimo palikuonis’.
16Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.
16Nesimelsk už šitą tautą ir nemaldauk manęs, nes Aš tavęs neišklausysiu.
17War miyaadan arkayn waxay ku dhex sameeyaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba?
17Ar nematai, ką jie daro Judo miestuose ir Jeruzalės gatvėse?
18Carruurtu qoryay soo guraan, aabbayaashuna dabkay shidaan, naaguhuna bur bay cajiimaan inay kibis u sameeyaan boqoradda samada, oo ay ilaahyo kale qurbaanno cabniin ah u daadiyaan, si ay iga cadhaysiiyaan.
18Vaikai prirenka malkų, tėvai sukuria ugnį, moterys minko tešlą, kepa pyragaičius ir aukoja juos dangaus karalienei. Jie aukoja geriamąsias aukas svetimiems dievams, sukeldami mano rūstybę.
19Rabbigu wuxuu leeyahay, Ma aniga baa kan ay ka cadhaysiiyaan? Sow iyagu iskagama ay cadhaysiin ceebta ay isku soo jiideen?
19Ar jie sukelia mano rūstybę?­ sako Viešpats.­Ar ne sau gėdą jie užsitraukia?
20Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.
20Todėl taip sako Viešpats: ‘Aš išliesiu savo rūstybę ir įtūžį ant šitos vietos: ant žmonių, gyvulių, lauko medžių ir žemės vaisių; tai bus lyg negęstanti ugnis’.
21Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.
21Taip sako kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas: ‘Pridėkite savo deginamąsias aukas prie padėkos aukų ir valgykite jų mėsą.
22Waayo, waagii aan awowayaashiin dalka Masar ka soo bixiyey kalama hadlin, kumana amrin wax ku saabsan qurbaanno la gubo iyo allabaryo toona,
22Aš nekalbėjau jūsų tėvams ir jiems nedaviau jokių įsakymų apie deginamąsias ir padėkos aukas, kai juos išvedžiau iš Egipto šalies.
23laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.
23Bet jiems įsakiau štai ką: ‘Pakluskite mano balsui, ir Aš būsiu jūsų Dievas, o jūs būsite mano tauta. Vaikščiokite keliu, kurį jums nurodžiau, kad jums gerai sektųsi’.
24Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.
24Tačiau jie neklausė manęs ir nekreipė dėmesio, bet sekė savo piktos širdies norais; jie ėjo ne pirmyn, bet atgal.
25Tan iyo maalintii ay awowayaashiin dalkii Masar ka soo bexeen iyo ilaa maantadan la joogo waxaan maalin kasta idiin soo diri jiray midiidinnadayda nebiyadii addoommadaydii ahaa oo dhan, anigoo goor wanaagsan diraya.
25Nuo tos dienos, kai jūsų tėvai išėjo iš Egipto krašto, iki šios dienos Aš nuolat siunčiau pas jus savo tarnus, pranašus, keldamas juos anksti rytą.
26Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.
26Tačiau jie neklausė manęs ir nekreipė dėmesio, bet buvo užsispyrę. Jie elgėsi blogiau už savo tėvus’.
27Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.
27Kai tu kalbėsi šituos žodžius, jie tavęs nesiklausys, kai juos šauksi, jie tau neatsilieps.
28Oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waa quruun aan codka Rabbiga Ilaahooda dhegaysan, oo aan innaba edeb qaadan. Runtii way baabba'day, oo afkooday ka go'day.
28Turėsi jiems sakyti: ‘Tai tauta, kuri nepakluso Viešpaties, savo Dievo, balsui ir nepriėmė pamokymo; tiesa pražuvo, ir niekas apie ją nekalbėjo.
29Timahaaga iska xiir oo iska xoor, oo waxaad ku baroorataa meelaha dhaadheer, waayo, Rabbigu waa nacay oo waa ka tegey qarniga cadhadiisu ku dhacday.
29Nusikirpk galvos plaukus ir numesk, raudok aukštumose, nes Viešpats atmetė ir paliko Jį užrūstinusią kartą.
30Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.
30Judo vaikai darė pikta,­sako Viešpats.­Jie pastatė savo bjaurystes namuose, kurie pavadinti mano vardu, ir juos sutepė.
31Oo waxay dhisteen meelaha sarsare ee Tofed oo ku dhex yaal dooxada ina Xinnom, si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab ugu dhex gubaan, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
31Jie pastatė Tofeto aukurą Ben Hinomo slėnyje savo sūnums ir dukterims deginti, ko Aš neįsakiau ir kas man niekada neatėjo į širdį.
32Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhti aan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda, waayo, waxay meydad ku aasi doonaan Tofed, maxaa yeelay, meel kalaa la waayi doonaa.
32Ateis diena, kai Tofetas ir Ben Hinomo slėnis bus vadinamas žudynių slėniu: laidos Tofete, kol nebeliks jame vietos.
33Waayo, dadkan meydkoodu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka, oo ciduna kama ay eryi doonto.Oo markaasaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba ka joojin doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosaddaba, waayo, dalku wuxuu noqon doonaa cidla.
33Šitos tautos lavonai bus maistas padangių paukščiams ir žemės žvėrims, ir niekas jų nenubaidys.
34Oo markaasaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba ka joojin doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosaddaba, waayo, dalku wuxuu noqon doonaa cidla.
34Iš Judo miestų ir iš Jeruzalės gatvių dings džiaugsmo ir linksmybės garsai, balsai jaunojo ir jaunosios, nes šalis pavirs dykyne’ ”.