1Reer Benyaamiinow, Yeruusaalem dhexdeeda ka carara, oo buunka Teqooca ka yeedhiya, oo Beyd Hakeremna calaamad kor uga qaada, waayo, waxaa xagga woqooyi ka soo socda masiibo iyo halligaad weyn.
1Bėkite, benjaminai, iš Jeruzalės; Tekojoje pūskite trimitą ir Bet Kereme uždekite ugnį kaip ženklą, nes nelaimė ir sunaikinimas ateina iš šiaurės.
2Magaalada Siyoon oo u eg naag suurad wacan oo jilicsan ayaan baabbi'in doonaa.
2Siono duktė panaši į gražią ir lepią moteriškę.
3Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.
3Piemenys su bandomis ateis prieš ją. Jie pasistatys aplink ją palapines, kiekvienas nuganys savo dalį.
4Isu diyaariya inaad iyada dagaal ugu kacdaan, sara joogsada, oo ina keena aan iyada hadhka weerarnee. Annagaa iska hoognay, waayo, gabbalkii waa dhacay, oo hooskii habeennimo ayaa sii dheeraaday.
4Pradėkim prieš ją kovą! Kelkitės ir pradėkim kovą vidudienį! Vargas mums, nes baigiasi diena ir ilgėja vakaro šešėliai!
5Sara joogsada, oo ina keena aynu iyada habeennimo weerarnee, oo aynu daaraheeda waaweyn wada duminnee.
5Kelkitės ir pulkime nakčia, sunaikinkime jos rūmus!
6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu yidhi, Dhirteeda jara, oo Yeruusaalem tuulmo ku tuula, waayo, tanu waa magaalada la ciqaabayo, oo waxaa ka buuxa dulmi miidhan.
6Taip sako kareivijų Viešpats: “Kirskite medžius ir supilkite prieš Jeruzalę pylimą! Ji yra baudžiamas miestas, nes vien tik priespauda jame.
7Sidii ili biyaheeda u soo burqiso oo kale ayay sharnimadeeda u soo burqisaa had iyo goorba, dhexdeedana waxaa laga maqlaa dulmi iyo kharribaad, oo had iyo goorna waxaa hortayda yaal cudur iyo nabro.
7Kaip iš šaltinio trykšta vanduo, taip iš jo trykšta nedorybės. Smurtas ir sunaikinimas jame, skriauda ir žaizdos nuolat mano akivaizdoje.
8Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.
8Leiskis pamokoma, Jeruzale, kad kartais Aš neatsitraukčiau nuo tavęs ir nepaversčiau tavęs dykyne, negyvenama šalimi!”
9Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.
9Taip sako kareivijų Viešpats: “Jie nurinks Izraelio likutį kaip vynmedį, dar kartą ranka perbrauks šakeles kaip vynuogių skynėjas!”
10Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.
10Kam turiu kalbėti ir ką įspėti, kad jie klausytų? Jų ausys neapipjaustytos, jos negali išgirsti. Viešpaties žodis jiems tapo pajuoka, jie jo nemėgsta.
11Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.
11Aš esu pilnas Viešpaties rūstybės, nebeįstengiu susilaikyti. Išliesiu ją ant vaikų gatvėje ir ant susirinkusių jaunuolių! Vyras ir žmona bus sugauti, pagyvenęs ir senas.
12Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.
12“Jų namai, laukai ir žmonos atiteks kitiems, nes Aš ištiesiu savo ranką prieš šalies gyventojus”, sako Viešpats.
13Waayo, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weyn midkood kastaaba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.
13“Jie visi, nuo mažiausio iki didžiausio, pasidavė godumui, nuo pranašo iki kunigo jie visi elgiasi klastingai.
14Oo iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
14Jie gydo mano tautos žaizdas tik paviršutiniškai, sakydami: ‘Taika! Taika!’ Tačiau taikos nėra.
15Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigii aan iyaga soo ciqaabo ayay hoos u dhici doonaan.
15Jie turėtų gėdytis, nes elgėsi bjauriai, tačiau nei jie gėdijasi, nei parausta. Todėl jie kris tarp krintančių, sukniubs, kai juos aplankysiu”,sako Viešpats.
16Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidadka dhex istaaga, oo bal wax fiiriya, oo bal dhabbayaashii hore haybsada, oo waxaad tidhaahdaan, Meeh jidkii wanaagsanaa? Oo markaas ku socdaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu ku socon mayno jidkaas.
16Taip sako Viešpats: “Eikite į kelius ir ieškokite senovinių takų; suradę gerą kelią, juo eikite. Taip rasite atilsį savo sieloms. Bet jie atsakė: ‘Neisime!’
17Oo weliba waxaan idiin dhigay waardiyayaal, oo waxaan idinku idhi, Buunka dhawaaqiisa dhegaysta. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu waxba dhegaysan mayno.
17Aš pastačiau jiems sargų, sakydamas: ‘Klausykite trimito garso’. Bet jie atsakė: ‘Nesiklausysime!’
18Sidaas daraaddeed, quruumahow bal maqla, oo ururkow, bal ogow waxa kuwan ku dhici doona.
18Todėl klausykite, tautos, ir supraskite, kas tarp jų vyksta.
19Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.
19Klausyk, žeme! Aš užleisiu nelaimę šitai tautai kaip jų minčių vaisių, nes jie neklausė mano žodžių ir mano įstatymo, bet jį atmetė.
20Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.
20Kam man smilkalai, nešami iš Šebos, ir kvepianti nendrė iš tolimos šalies? Jūsų deginamosios aukos man nepatinka ir jūsų kraujo aukos man nemielos”.
21Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.
21Todėl taip sako Viešpats: “Štai Aš dedu šitai tautai ant kelio atsitrenkimo akmenų. Tėvai ir vaikai suklups ant jų, kaimynas ir draugas kartu pražus”.
22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.
22Taip sako Viešpats: “Ateina tauta iš šiaurės, didelė tauta kyla nuo žemės pakraščių.
23Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.
23Jie lankais ir ietimis ginkluoti, žiaurūs ir negailestingi. Jų triukšmas kaip ūžianti jūra. Jie joja ant žirgų, kiekvienas pasirengęs kovai prieš tave, Sione!”
24Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.
24Kai tik išgirdome pranešimą, nusviro mūsų rankos, baimė ir skausmai apėmė mus.
25Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.
25Neikite į laukus ir nevaikščiokite keliu, nes priešo kardas kelia baimę aplinkui!
26Dadkaygow, joonyad xidho, oo dambas ku galgalo, oo waxaad u baroorataa sida wiil madi ah loogu baroorto, oo waxaad ku ooydaa baroor aad u qadhaadh, waayo, waxbaabbi'iyihii dhaqsuu inoogu soo degi doonaa.
26Mano tautos dukterie, apsivilk ašutine ir voliokis pelenuose. Gedėk kaip vienintelio sūnaus, graudžiai raudok; staiga ateis naikintojas ant mūsų!
27Waxaan dadkayga dhexdiisa kuu dhigay inaad ahaatid imtixaame, si aad jidkooda u ogaatid oo aad u intixaantid.
27Aš pastačiau tave bokštu ir tvirtove tarp mano žmonių, kad pažintum ir ištirtum jų kelius.
28Iyagu waa caasiyiin fallaagoobay, oo xan bay la ordaan oo iyagu waa naxaas iyo bir, oo kulligoodna waa kuwa wax kharriba.
28Jie visi kietasprandžiai ir šmeižikai, jie visi kaip varis ir geležis, visi sugedę.
29Bufinkii aad buu wax u bufiyaa, oo laxaamaddiina dabkaa baabba'saday, oo lacag shubihiina waxtarla'aan buu wax u sii dhalaalinayaa, waayo, sharrowyadii weli ma soocna.Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.
29Dumplės sugedo, ugnis išlydė šviną, bet veltui dirbo liejėjas nedorėliai neatsiskyrė nuo jų.
30Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.
30Jie bus vadinami atmestu sidabru, nes Viešpats atmetė juos.