Somali

Lithuanian

Jeremiah

17

1Dembigii dadka Yahuudah waxaa lagu qoray qalin bir ah iyo caarad dheemman, oo waxaa lagu xardhay looxa qalbigooda iyo geesaha meelahooda allabariga,
1Judo nuodėmė užrašyta geležiniu rašikliu, aštriu deimantu įrėžta į jų širdį ir ant aukurų ragų,
2inta ay carruurtoodu xusuusan yihiin meelahoodii allabariga iyo geedahoodii Asheeraah ee ku yiil geedaha cagaarka ah dhinacooda iyo kuraha dhaadheer dushooda.
2kol jų vaikai atsimena aukurus ir alkus po žaliuojančiais medžiais ant aukštų kalvų.
3Buurtayda duurka ku dhex taalay, maalkaaga iyo khasnadahaaga oo dhan, iyo meelahaaga dhaadheer, waxaan booli ahaan uga bixin doonaa soohdimahaaga oo dhan dembigaaga aawadiis.
3O mano kalne laukuose! Tavo turtą ir visus lobius leisiu išplėšti visame krašte už tavo nuodėmes.
4Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.
4Tu turėsi palikti savo paveldėjimą, kurį tau daviau; tave padarysiu vergu priešų šalyje, kurios nepažįsti, nes mano rūstybės ugnis degs amžinai.
5Rabbigu wuxuu leeyahay, Ninkii nin isku halleeya oo binu-aadmiga gacan ka dhigta, oo qalbigiisu Rabbiga ka tegey, waa inkaaran yahay.
5Taip sako Viešpats: “Prakeiktas žmogus, kuris pasitiki žmogumi ir laiko kūną savo stiprybe, kurio širdis nutolsta nuo Viešpaties.
6Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.
6Jis bus kaip krūmokšnis dykumoje ir nieko gero nematys. Jis gyvens sausoje, druskingoje ir negyvenamoje šalyje.
7Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay.
7Palaimintas žmogus, kuris pasitiki Viešpačiu, kurio viltis yra Viešpats!
8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.
8Jis bus kaip medis, pasodintas prie vandens, leidžiantis šaknis prie upelio. Jis nebijos ateinančios kaitros, jo lapai visada žaliuos. Jis nesirūpins sausros metu, bet nuolat neš vaisių.
9Qalbiga dadku wax kasta buu ka khiyaano badan yahay, oo aad iyo aad buu u xun yahay, bal yaa garan kara?
9Širdis yra labai klastinga ir be galo nedora. Kas ją supras!
10Aniga Rabbiga ah ayaa qalbiga baadha, anigaa kelyaha imtixaama, si aan nin kastaba ugu abaal mariyo sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ahaayeen.
10Aš, Viešpats, ištiriu širdį, išbandau inkstus ir atlyginu kiekvienam pagal jo kelius ir jo darbų vaisius”.
11Kii si aan xaq ahayn maal ku soo urursadaa wuxuu la mid yahay digaagduurta ku dul fadhida ugxan ayan dhalin, oo wuxuu ka tegi doonaa kalabadhka cimrigiisa, oo ugudambaystiisana nacas buu ahaan doonaa.
11Kaip kurapka, tupinti ant kiaušinių, bet neišperinti jų, yra tas, kuris neteisingai įgyja turtą. Gyvenimui įpusėjus turtai paliks jį, ir galiausiai jis liks kaip kvailys.
12Meeshayada quduuska ahu waa carshi sharaf badan oo tan iyo bilowgii sarreeyey.
12Mūsų šventykla yra šlovingas sostas, išaukštintas nuo pradžios.
13Rabbiyow, rajadii reer binu Israa'iilow, kuwa kaa taga oo dhammu way wada ceeboobi doonaan. Kuwii iga taga dhulkaa lagu qori doonaa, waayo, waxay ka tageen Rabbiga ah ishii biyaha nool.
13Viešpatie, Izraelio viltie! Visi, kurie palieka Tave, bus sugėdinti. Kurie nutolsta nuo Tavęs, bus įrašyti į žemės dulkes, nes jie paliko Viešpatį, gyvojo vandens versmę.
14Rabbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.
14Viešpatie, pagydyk mane, tai būsiu sveikas; gelbėk mane, tai būsiu išgelbėtas, nes Tu esi mano gyrius!
15Bal eeg, iyagu waxay igu yidhaahdaan, Eraygii Rabbigu meeh? Haddaba haatan ha yimaado!
15Jie man sako: “Kur Viešpaties žodis? Teateina dabar!”
16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.
16Aš niekados nevengiau būti ganytoju pas Tave ir nelaukiau nelaimės. Tu žinai visa, ką kalbėjau.
17Cabsi ha ii noqonin, waayo, maalinta masiibada waxaad tahay magangalkii aan magan galo.
17Negąsdink manęs, Tu esi mano viltis piktą dieną.
18Kuwa i silciya ha ceeboobeen, laakiinse anigu yaanan ceeboobin, oo iyagu ha nexeen, laakiinse anigu yaanan nixin. Maalinta masiibada ku soo deji, oo waxaad iyaga ku halligtaa halligaad laba jibbaar ah.
18Sugėdink mano persekiotojus ir išgąsdink juos, bet ne mane! Siųsk jiems piktą dieną ir sunaikink juos dvigubu sunaikinimu!
19Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.
19Viešpats įsakė man: “Eik ir atsistok šventyklos vartuose, pro kuriuos įeina ir išeina Judo karaliai, ir kituose Jeruzalės vartuose,
20Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.
20sakydamas jiems: ‘Klausykitės Viešpaties žodžio, Judo karaliai ir visi Judo bei Jeruzalės gyventojai, kurie įeinate pro šiuos vartus!
21Rabbigu wuxuu leeyahay, Isdhawra, oo maalinta sabtida innaba rar ha qaadina, oo irdaha Yeruusaalemna ha soo gelinina,
21Taip sako Viešpats: ‘Saugokitės ir neneškite nieko sabato dieną pro Jeruzalės vartus.
22oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.
22Neišneškite jokios naštos iš savo namų sabato dieną ir nedirbkite jokio darbo, bet švęskite sabatą, kaip įsakiau jūsų tėvams.
23Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.
23Tačiau jie neklausė ir nekreipė dėmesio, bet užsispyrė, kad negirdėtų ir nepriimtų pamokymo.
24Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,
24Jei jūs manęs paklausysite,­sako Viešpats,­ir nenešite jokios naštos į šitą miestą pro vartus sabato dieną, bet švęsite sabatą ir nedirbsite jokio darbo,
25markaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa.
25tai pro šito miesto vartus įeis karaliai ir kunigaikščiai, sėdintieji Dovydo soste; važiuos vežimais ir jos ant žirgų jie ir jų kunigaikščiai, Judo ir Jeruzalės gyventojai; ir šitas miestas pasiliks per amžius.
26Oo waxay ka iman doonaan magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo dalka hoose, iyo buuraha, iyo xagga koonfureedba, oo waxay guriga Rabbiga keeni doonaan qurbaanno la gubo, iyo allabaryo, iyo qurbaanno hadhuudh ah, iyo foox, iyo allabaryo mahadnaqid loo keeno.Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.
26Jie ateis iš Judo miestų, iš Jeruzalės apylinkių, iš Benjamino krašto, iš lygumos, iš kalnyno ir pietų šalies, atnešdami deginamąsias, padėkos ir duonos aukas bei smilkalus į Viešpaties namus.
27Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.
27Bet jei manęs neklausysite, nešvęsite sabato, nešite naštas pro Jeruzalės vartus sabato dieną, tai Aš uždegsiu jos vartus ir sunaikinsiu Jeruzalės rūmus’ ”.