1Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo Jeremijui:
2Kac, oo waxaad tagtaa guriga dheryasameeyaha, oo halkaasaan erayadayda kugu maqashiin doonaa.
2“Eik į puodžiaus namus, ten tu išgirsi mano žodžius!”
3Markaasaan xaggii gurigii dheryasameeyaha tegey, oo bal eeg, waxaan arkay isagoo giringiro shuqulkiisa ku samaynaya.
3Aš, nuėjęs į puodžiaus namus, radau jį bedirbantį prie žiestuvo.
4Oo markii weelkii uu dheryasameeyuhu dhoobada ka samaynayay gacantiisii ku kharribmay ayuu dheryasameeyihii haddana weel kale sameeyey sidii isaga la wanaagsanayd.
4Indas, kurį jis darė iš molio, nepavyko, ir jis iš naujo nužiedė kitą indą, kokį panorėjo.
5Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
5Tada Viešpats tarė man:
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, miyaanan idinku samayn karin sida dheryasameeyuhu yeelay oo kale? Dadka Israa'iilow, bal ogaada, idinku waxaad gacantayda ugu jirtaan sida dhoobadu gacanta dheryasameeyaha ugu jirto oo kale.
6“Izraelitai, ar Aš negaliu su jumis taip daryti, kaip šitas puodžius? Kaip molis puodžiaus rankoje, taip jūs, izraelitai, mano rankoje.
7Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo,
7Kartais Aš grasinu tautai ar karalystei ją išrauti, sužlugdyti ir sunaikinti,
8haddii dadka quruuntaas aan ka hadlay ay sharkooda ka soo noqdaan, aniguna waan ka soo noqon doonaa masiibadii aan ku fikiray inaan ku sameeyo.
8bet jei tauta, kuriai grasinu, nusisuka nuo savo piktų darbų, tai Aš susilaikau nuo to pikto, kurį buvau jai numatęs.
9Oo mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo inaan iyada dhiso oo aan beero,
9Kartais Aš pažadu tautai ar karalystei ją statyti ir įtvirtinti,
10hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talo galay.
10bet jei ji daro pikta ir neklauso manęs, tai Aš susilaikau nuo to gero, kurį buvau pažadėjęs padaryti.
11Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.
11Taigi dabar sakyk Judo ir Jeruzalės gyventojams, kad Aš ketinu juos bausti, jeigu jie neatsisakys savo piktų kelių ir nedarys to, kas gera”.
12Laakiinse iyagu waxay leeyihiin, Taas ha ka yaabin, annagu waxaannu iska daba soconaynaa hindisooyinkayaga, oo midkayo kastaaba wuxuu samayn doonaa caasinimada qalbigiisa sharka ah.
12Bet jie atsakė: “Jokių vilčių. Mes vykdysime savo pačių sumanymus ir elgsimės, kaip mums patinka”.
13Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruumaha waxaad ka dhex weyddiisaan, Bal yaa waxyaalahan oo kale maqlay? Dadka Israa'iil oo bikrad ah waxay sameeyeen wax aad iyo aad u xun.
13Todėl taip sako Viešpats: “Klauskite pagonių, ar kas praeityje girdėjo apie tokius dalykus, kokius padarė Izraelis!
14Barafka cad ee Lubnaan miyaa laga waayaa dhagaxa duurka? Miyaase biyaha qabow oo meel fog ka soo qulqulaya iska gudhaan?
14Ar pradingsta nuo Libano uolų baltas sniegas? Ar išsenka šaltinio šaltas, tekantis vanduo?
15Hase ahaatee dadkaygii way i illoobeen, oo waxay foox u shideen waxyaalo aan waxba ahayn, oo waxay ku dhex turunturoodeen jidadkoodii ahaa waddooyinkii hore, wayna ka leexdeen, oo waxay ku socdeen dhabbayaal qalloocan iyo jid aan jidka weyn ahayn,
15Tačiau mano tauta pamiršo mane, tuštybėms jie smilko smilkalus! Jie nukrypo nuo savo seno kelio ir eina takais, o ne vieškeliu,
16si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa.
16kad padarytų savo šalį dykuma, amžina pajuoka. Kiekvienas praeivis ja baisėsis ir kraipys galvą.
17Anigu waxaan iyaga cadowgooda ugu hor firdhin doonaa sidii iyagoo dabayl bari kaxaysay, oo maalintii masiibadoodana waxaan u jeedin doonaa dhabarka, oo innaba wejiga tusi maayo.
17Kaip rytų vėjas Aš juos išsklaidysiu priešo akivaizdoje, nugarą atsuksiu jiems jų nelaimės dieną!”
18Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin.
18Jie tarėsi: “Susirinkime ir surenkime prieš Jeremiją sąmokslą! Įstatymas tebėra pas kunigą, patarimaspas išminčių, žodispas pranašą. Eikime ir pulkime jį liežuviu, nekreipkime dėmesio į jo kalbas”.
19Rabbiyow, bal i maqal, oo bal dhegayso kuwa ila diriraya codkooda.
19Viešpatie, saugok mane ir išgirsk, ką mano priešininkai kalba.
20Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.
20Argi atmokama už gera piktu? Jie kasa duobę mano gyvybei. Atsimink, kaip aš stovėjau Tavo akivaizdoje ir kalbėjau už juos, kad nukreipčiau nuo jų Tavo rūstybę!
21Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.
21Jų vaikai tebadauja, atiduok juos kardo valiai. Jų žmonos tenetenka vaikų ir tetampa našlėmis, jų vyraitepražūna, o jaunuoliai tekrinta kovoje.
22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.
22Tegul pasigirsta šauksmas iš jų namų, kai juos staiga užpuls priešai! Jie kasė duobę, norėdami mane pagauti, ir slapta dėjo man spąstus.
23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.
23Viešpatie, tu žinai visą jų sąmokslą nužudyti mane. Neatleisk jų kalčių ir nuodėmių nepašalink! Tebūna jie parblokšti Tavo akivaizdoje! Nubausk juos savo rūstybės metu!