1Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag, oo dheryasameeye jalxaddiis soo iibso, oo intaad qaar ka mid ah odayaasha dadka iyo odayaasha wadaaddada soo kaxaysid,
1Viešpats sako: “Eik, nusipirk iš puodžiaus molinį ąsotį ir paimk su savimi kelis vyresniuosius kunigus ir kelis tautos vyresniuosius.
2waxaad tagtaa dooxada ina Xinnom oo u dhow meesha laga soo galo iridda Xarsiid, oo halkaas erayada aan kuu sheegi doono ka naadi,
2Nuėjęs į Ben Hinomo slėnį, kuris yra prie Šukių vartų, skelbk žodžius, kuriuos tau kalbėsiu,
3adoo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa.
3ir sakyk: ‘Klausykitės Viešpaties žodžio, Judo karaliai ir Jeruzalės gyventojai! Taip sako kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas: ‘Aš užleisiu ant šitos vietos tokią nelaimę, kad kiekvienam, kuris išgirs apie ją, suspengs ausyse.
4Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin.
4Jie paliko mane ir sutepė šitą vietą, smilkė joje kitiems dievams, kurių nepažino nei jie, nei jų tėvai, nei Judo karaliai. Jie pripildė šitą vietą nekalto kraujo.
5Oo waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal inay wiilashooda dab ku gubaan oo ay Bacal qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, taasoo aanan ku amrin, oo aanan ku hadlin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
5Jie statė Baalui aukurus, ant kurių degino savo vaikus kaip aukas Baalui; to Aš neįsakiau ir tai man niekada neatėjo į galvą.
6Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan meeshan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda.
6Todėl ateis diena, kai šita vieta nesivadins Tofetu ar Ben Hinomo slėniu, bet žudynių slėniu.
7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.
7Aš nieku paversiu Judo ir Jeruzalės išmintį, jie kris nuo kardo priešų akivaizdoje ir nuo rankos tų, kurie siekia jų gyvybės. Aš atiduosiu jų lavonus padangių paukščiams ir laukiniams žvėrims.
8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.
8Aš padarysiu šitą miestą dykuma ir pajuoka: kiekvienas, praeinantis pro jį, baisėsis jo nelaimėmis.
9Oo waxaan ka dhigi doonaa inay cunaan hilibka wiilashooda iyo hilibka gabdhahoodaba, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka saaxiibkiis markii dagaal lagu hareereeyo oo ay ku cidhiidhsanaadaan cidhiidhiga cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya ay ku cidhiidhin doonaan.
9Jie valgys kūnus savo vaikų ir vienas kito, kai priešai juos apguls ir prispaus tie, kurie siekia jų gyvybės’.
10Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.
10Sudaužyk ąsotį su tavimi atėjusių vyrų akivaizdoje
11Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.
11ir jiems sakyk: ‘Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Aš sudaužysiu šitą tautą ir miestą lygiai taip, kaip sudaužomas puodžiaus indas, ir jo nebegalima sulipdyti. Jie laidos Tofete, kol nebeliks jame vietos.
12Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale,
12Aš padarysiu su šita vieta ir su jos gyventojais taip, kad šitas miestas bus panašus į Tofetą.
13oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.
13Jeruzalės ir Judo karalių namai bus suteršti kaip Tofeto vieta, nes ant stogų jie smilkė dangaus kareivijai ir aukojo geriamąsiais aukas svetimiems dievams’ ”.
14Markaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi,Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
14Jeremijas, sugrįžęs iš Tofeto, kur Viešpats jį buvo siuntęs pranašauti, atsistojo Viešpaties namų kieme ir kalbėjo visai tautai:
15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
15“Taip sako kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas: ‘Aš užleisiu ant šito miesto ir ant visų jo miestų nelaimę, kurią paskelbiau, nes jie yra kietasprandžiai ir neklauso mano žodžio’ ”.