1Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,
1Ketvirtaisiais Judo karaliaus Zedekijo karaliavimo metais, penktąjį mėnesį, Azūro sūnus Hananija, pranašas, kilęs iš Gibeono, kalbėjo man Viešpaties namuose kunigų ir visos tautos akivaizdoje:
2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.
2“Taip sako kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas: ‘Aš sulaužau Babilono karaliaus jungą.
3Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.
3Po dvejų metų Aš sugrąžinsiu į šitą vietą visus Viešpaties namų indus, kuriuos Babilono karalius Nebukadnecaras paėmė iš šitos vietos ir nugabeno į Babiloną.
4Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.
4Taip pat ir Jehojakimo sūnų Jechoniją, Judo karalių, ir visus Judo tremtinius iš Babilono Aš sugrąžinsiu į šitą vietą, nes Aš sulaužysiu Babilono karaliaus jungą’ ”.
5Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.
5Pranašas Jeremijas atsakė pranašui Hananijai, kunigams ir visiems žmonėms, stovėjusiems Viešpaties namuose:
6Oo Nebi Yeremyaah wuxuu yidhi, Aamiin, Rabbigu saas ha yeelo. Rabbigu ha wada sameeyo erayadii aad sii sheegtay oo weelashii guriga Rabbiga ha soo celiyo, oo kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan Baabuloon ha ka soo celiyo oo meeshan ha keeno.
6“Tebūna taip! Tegul padaro taip Viešpats! Teįvykdo Viešpats tavo žodžius, kuriuos pranašavai, tesugrąžina Viešpaties namų indus ir visus tremtinius iš Babilono į šitą vietą.
7Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.
7Dabar klausykis mano žodžio, kurį kalbėsiu tau visai tautai girdint:
8Nebiyadii waayihii hore oo aniga iyo adigaba inaga sii horreeyey waxay waddammo badan iyo boqortooyooyin waaweyn wax kaga sii sheegeen dagaal iyo masiibo iyo belaayo.
8‘Pranašai, kurie buvo pirma manęs ir pirma tavęs, pranašavo galingoms šalims ir didelėms karalystėms apie karą, nelaimes ir marą.
9Nebigii nabad wax ka sii sheega, oo uu eraygii nebigaasu run noqdo, markaas nebigaas waxaa loo aqoonsadaa in Rabbigu isaga dhab ahaan u soo diray.
9Pranašas, kuris pranašaudavo apie taiką, tik jo žodžiams įvykus būdavo pripažįstamas kaip tikrai Viešpaties siųstas’ ”.
10Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey.
10Tada pranašas Hananija nuėmė jungą nuo pranašo Jeremijo kaklo, sulaužė
11Markaasaa Xananyaah dadkii oo dhan hortiisa ku hadlay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale intaanay laba sannadood dhammaan ayaan quruumaha oo dhan uga jebin doonaa harqoodka Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon. Kolkaasaa Nebi Yeremyaah iska tegey.
11ir visos tautos akivaizdoje tarė: “Taip sako Viešpats: ‘Po dvejų metų Aš taip sulaužysiu Babilono karaliaus Nebukadnecaro jungą ir jį nuimsiu nuo visų tautų kaklo’ ”. Pranašas Jeremijas nuėjo savo keliu.
12Oo markii Nebi Xananyaah uu harqoodkii ka jebiyey qoortii Nebi Yeremyaah dabadeed ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Yeremyaah, isagoo leh,
12Kai pranašas Hananija sulaužė jungą, nuėmęs jį nuo pranašo Jeremijo kaklo, Viešpats kalbėjo Jeremijui:
13Tag, oo waxaad Xananyaah ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Adigu waxaad jebisay harqoodkii qoriga ahaa, laakiinse waxaad meeshiisa ka yeelan doontaa harqood bir ah.
13“Eik ir sakyk Hananijai: ‘Taip sako Viešpats: ‘Medinį jungą tu sulaužei, bet jo vietoje tu uždėsi jiems geležinį jungą.
14Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.
14Nes taip sako kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas: ‘Aš uždėjau geležinį jungą visoms šioms tautoms, kad jos tarnautų Babilono karaliui Nebukadnecarui, ir jos tarnaus jam. Ir Aš taip pat atidaviau jam laukinius žvėris’ ”.
15Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.
15Pranašas Jeremijas tarė pranašui Hananijai: “Klausyk, Hananija! Viešpats tavęs nesiuntė, bet tu suvedžiojai šitą tautą.
16Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu waan kaa fogayn doonaa dhulka korkiisa, oo isla sannaddan ayaad dhiman doontaa, maxaa yeelay, waxaad ku hadashay caasinimo Rabbiga ka gees ah.Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.
16Todėl Viešpats sako: ‘Aš tave pašalinsiu nuo žemės paviršiaus. Dar šiais metais tu mirsi, nes mokei sukilti prieš Viešpatį’ ”.
17Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.
17Pranašas Hananija mirė tų pačių metų septintą mėnesį.