Somali

Lithuanian

Jeremiah

29

1Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.
1Tai yra žodžiai laiško, kurį Jeremijas pasiuntė iš Jeruzalės tremtinių vyresniesiems, kunigams ir visai tautai, kuriuos Nebukadnecaras išvedė iš Jeruzalės į Babiloną
2(Taasu waxay ahayd markii Boqor Yekonyaah, iyo boqoraddii hooyadiis ahayd, iyo bohommadii, iyo amiirradii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba ay Yeruusaalem ka tageen dabadeed.)
2(po to, kai karalius Jechonijas, karalienė, eunuchai, Judo ir Jeruzalės kunigaikščiai, kalviai ir amatininkai paliko Jeruzalę),
3Oo wuxuu ugu sii dhiibay gacantii Elcaasaah ina Shaafaan, iyo Gemaryaah ina Xilqiyaah (oo uu boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa uu u diray Baabuloon iyo ilaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon,) isagoo leh,
3per Šafano sūnų Eleasą ir Hilkijos sūnų Gemariją, kuriuos Judo karalius Zedekijas siuntė pas Babilono karalių Nebukadnecarą.
4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,
4“Kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas, visiems tremtiniams, ištremtiems iš Jeruzalės į Babiloną, sako:
5Guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna.
5‘Statykite namus ir gyvenkite juose, sodinkite sodus ir valgykite jų vaisius.
6Naago guursada, oo wiilal iyo gabdho dhala, oo wiilashiinnana naago u guuriya, oo gabdhihiinnana niman siiya, si ay iyaguna wiilal iyo gabdho u dhalaan, oo halkaasna ku tarma oo ha yaraanina.
6Veskite žmonas ir gimdykite sūnus bei dukteris; imkite savo sūnums žmonas ir savo dukteris išleiskite už vyrų; jos tegimdo sūnus ir dukteris, kad ten jūsų padaugėtų, o ne sumažėtų.
7Oo waxaad nabad u doondoontaan magaaladii aan idinka yeelay in laydiin kaxaysto idinkoo maxaabiis ah, oo iyada Rabbiga u barya, waayo, idinku nabaddeeda ayaad nabad ku heli doontaan.
7Siekite gerovės miestui, į kurį jus ištrėmiau, melskitės už jį, nes jo gerovėje ir jūs turėsite ramybę.
8Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna idin dhex joogaa yaanay idin khiyaanayn, oo idinku innaba ha dhegaysanina riyooyinkiinna aad ku riyootaan.
8Nesiduokite suvedžiojami savo pranašų, kurie yra tarp jūsų, nė žynių, nekreipkite dėmesio į savo sapnus, kuriuos jūs sapnuojate.
9Waayo, magacaygay wax been ah idiinku sii sheegaan, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu iyaga sooma aan dirin.
9Jie meluoja, pranašaudami mano vardu! Aš jų nesiunčiau,­sako Viešpats.­
10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa.
10Tik išbuvus jums Babilone septyniasdešimtį metų, Aš aplankysiu jus ir ištesėsiu savo pažadą, parvesiu jus atgal į šitą vietą.
11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan garanayaa fikirrada aan idiinku fikiro, waana fikirro nabadeed, oo ma aha kuwa masiibeed, si aan ugudambaystiinna rajo idiin siiyo.
11Aš žinau, kokius sumanymus turiu dėl jūsų,­sako Viešpats.­ Sumanymus jūsų gerovei, o ne nelaimėms, ir ateitį su viltimi.
12Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa.
12Tada jūs šauksitės manęs ir melsitės, ir Aš jus išklausysiu.
13Oo waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan.
13Kai manęs ieškosite visa širdimi, rasite.
14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.
14Jūs surasite mane, ir Aš sugrąžinsiu jus iš nelaisvės, surinksiu jus iš visų tautų ir visų vietų, kuriose jūs buvote ištremti, ir jus parvesiu į vietą, iš kurios jus ištrėmiau,­sako Viešpats’.
15Maxaa yeelay, idinku waxaad tidhaahdeen, Rabbiga ayaa Baabuloon nebiyo nooga dhex kiciyey.
15Jei jūs sakote: ‘Viešpats mums davė pranašą Babilone’,
16Rabbigu wuxuu ka leeyahay boqorka carshigii Daa'uud ku fadhiya iyo dadka magaaladan deggan oo dhan, Walaalihiinnii aan maxaabiis ahaan laydiinla kaxaysan,
16tai paklausykite, ką Viešpats sako apie karalių, sėdintį Dovydo soste, apie tautą, gyvenančią šitame mieste, ir apie jūsų brolius, kurie nebuvo ištremti su jumis:
17Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan korkooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa sida midho berde oo qudhmay oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin.
17‘Aš siunčiu jiems kardą, badą ir marą ir juos darau panašius į blogas figas, kurių negalima valgyti.
18Oo waxaan iyaga ku eryan doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hor iyo dib, oo ay inkaar iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo cay ku dhex noqdaan quruumaha aan u kexeeyey oo dhan,
18Aš juos persekiosiu kardu, badu ir maru ir juos padarysiu siaubu visoms žemės karalystėms, prakeikimu, pasibaisėjimu, pašaipa ir pajuoka visose tautose, į kurias juos išvariau,
19maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.
19nes jie neklausė mano žodžių, kuriuos jiems siunčiau per savo tarnus pranašus, keldamas juos anksti rytą. Bet jie nenorėjo klausyti,­sako Viešpats.­
20Haddaba maxaabiistii aan Yeruusaalem ka diray oo aan Baabuloon u kexeeyey, bal erayga Rabbiga maqla.
20Visi tremtiniai, kuriuos Aš pasiunčiau iš Jeruzalės į Babiloną, klausykite mano žodžio.
21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa.
21Apie Ahabą, Kolajos sūnų ir apie Maasėjos sūnų Zedekiją, pranašaujančius jums melą Viešpaties vardu, kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas, sako: ‘Aš juos atiduosiu į Babilono karaliaus Nebukadnecaro rankas, jis juos nužudys jums matant.
22Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale,
22Judo tremtiniams Babilone šie bus keiksmažodžiu, ir jie sakys: ‘Viešpats tepadaro tau kaip Zedekijui ir Ahabui, kuriuos Babilono karalius iškepė ugnyje’.
23maxaa yeelay, nacasnimo ayay dalka Israa'iil ku dhex sameeyeen, oo weliba naagihii derisyadooda ayay ka sinaysteen, oo erayo been ah oo aanan iyaga ku soo amrin ayay magacayga ku hadleen. Anigu kan og baan ahay, oo markhaati baan ka ahay, ayaa Rabbigu leeyahay.
23Jie blogai elgėsi Izraelyje: svetimavo su savo artimų žmonomis ir kalbėjo melus mano vardu, ko jiems neliepiau. Aš tai žinau ir esu liudytojas,­sako Viešpats’ ”.
24Oo weliba Shemacyaah oo ah reer Nexlaamiina waxaad ku tidhaahdaa,
24Nehelamiečiui Šemajui sakyk:
25Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Adigu waxaad warqado magacaaga ugu soo dirtay dadka Yeruusaalem jooga oo dhan, iyo Sefanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ah, iyo wadaaddada oo dhanba,
25“Taip sako kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas: ‘Kadangi tu siuntei savo vardu visai tautai Jeruzalėje, kunigui Sofonijai, Maasėjos sūnui, ir visiems kunigams tokio turinio raštus:
26oo waxaad tidhi, Rabbigu wadaad buu kaaga dhigay meeshii wadaadkii Yehooyaadaac inaad saraakiil u noqotaan guriga Rabbiga iyo inaad xabsi ku riddid oo aad silsilado ku xidhid nin kasta oo waalan oo nebi iska dhigaba.
26‘Viešpats tave paskyrė kunigu Jehojados vietoje, kad prižiūrėtum Viešpaties namus ir kiekvieną pamišėlį, kuris apsimeta pranašu, pasodintum į kalėjimą ir įtvertum į šiekštą.
27Haddaba bal maxaad u canaanan weyday Yeremyaah oo ah reer Canaatood oo nebi isaga kaa dhigaya?
27Kodėl tad nesudraudei anatotiečio Jeremijo, kuris jums pranašavo?
28Waayo, isagu cid buu noogu soo diray Baabuloon, oo wuxuu yidhi, Maxaabiisnimadiinnu waa muddo dheer, haddaba guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna.
28Jis juk pasiuntė mums į Babiloną tokią žinią: ‘Tremtis bus ilga! Statykite namus ir gyvenkite juose, sodinkite sodus ir valgykite jų vaisius’ ”.
29Oo wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.
29Kunigas Sofonija perskaitė šitą laišką pranašui Jeremijui.
30Markaasaa eraygii Rabbigu ku soo degay Yeremyaah, isagoo leh,
30Tuomet Viešpats tarė Jeremijui:
31Kuwa maxaabiista ah oo dhan u cid dir oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii ka leeyahay, Shemacyaah wax buu idiin sii sheegay, aniguse sooma aan dirin, oo wuxuu idinka dhigay inaad been isku hallaysaan,sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii iyo farcankiisaba waan ciqaabi doonaa. Isagu ma uu yeelan doono nin qudha oo dadkan dhex deggan, oo wanaagga aan dadkayga u samayn doonona isagu ma uu arki doono, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay caasinimo Rabbiga ka gees ah, ayaa Rabbigu leeyahay.
31“Pasiųsk tokią žinią visiems tremtiniams, kad Viešpats apie nehelamietį Šemają sako: ‘Kadangi Šemajas jums pranašavo, nors Aš jo nesiunčiau, ir įtikino jus savo melais,
32sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii iyo farcankiisaba waan ciqaabi doonaa. Isagu ma uu yeelan doono nin qudha oo dadkan dhex deggan, oo wanaagga aan dadkayga u samayn doonona isagu ma uu arki doono, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay caasinimo Rabbiga ka gees ah, ayaa Rabbigu leeyahay.
32tai Aš nubausiu nehelamietį Šemają ir jo palikuonis. Jis neturės nė vieno, kuris gyventų šioje tautoje ir matytų jos gerovę, kurią duosiu savo tautai, nes jis mokė sukilti prieš Viešpatį’ ”.