Somali

Lithuanian

Jeremiah

30

1Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
1Viešpats, Izraelio Dievas, kalbėjo Jeremijui:
2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.
2“Užrašyk į knygą visus žodžius, kuriuos tau kalbėjau.
3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
3Ateina dienos, kai Aš sugrąžinsiu savo tautą, Izraelį ir Judą, iš nelaisvės. Aš juos parvesiu į šalį, kurią daviau jų tėvams, ir jie ją paveldės”.
4Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.
4Šitie yra Viešpaties žodžiai apie Izraelį ir Judą.
5Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaannu maqalnay cod gariir badan, oo cabsiyeed, oo aan mid nabdeed ahayn.
5Viešpats sako: “Mes girdėjome išgąsčio ir baimės šūksnius, o ne taikos.
6Bal haatan weyddiiya, oo bal eega, haddii nin ilmo dhalid la foosho iyo haddii kale? Bal maxaan u arkaa nin kasta oo gacmihiisa dhexda ku haya sida naag foolanaysa oo kale, iyo wejiyo wada qayirmay?
6Klausykite ir apsvarstykite, ar vyras gali gimdyti? Kodėl matau vyrus, kurių rankos ant strėnų kaip gimdančios moters? Kodėl kiekvieno veidas išblyškęs?
7Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas.
7Ateina didinga ir baisi diena Jokūbui, jai nėra lygios, tačiau jis bus išgelbėtas.
8Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,
8Tuomet Aš nuimsiu jungą nuo jo kaklo, sulaužysiu jį bei sutraukysiu pančius; jis nebevergaus svetimiems.
9laakiinse waxay u adeegi doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo boqorkooda Daa'uud ee aan iyaga u sara kicin doono.
9Jie tarnaus Viešpačiui, savo Dievui, ir karaliui Dovydui, kurį Aš jiems išugdysiu.
10Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto.
10Nebijok, mano tarne Jokūbai, ir neišsigąsk, Izraeli! Aš išgelbėsiu tave ir tavo palikuonis iš tolimo krašto. Jokūbas sugrįš ir ramiai gyvens, bus saugus, ir niekas jo negąsdins.
11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
11Nes Aš esu su tavimi,­sako Viešpats,­kad išgelbėčiau tave. Aš padarysiu galą visoms tautoms, į kurias tave ištrėmiau, bet tavęs visai nesunaikinsiu. Tave nuplaksiu ir nepaliksiu tavęs nenubausto”.
12Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.
12Nes taip sako Viešpats: “Tu esi baisiai sužeistas, tavo žaizda nepagydoma.
13Oo innaba mid dacwadaada kuu qaada lama arko in nabarkaaga la duubo, oo dawo wax bogsiisana ma aad haysatid.
13Nėra kas rūpintųsi tavimi ir aprištų tavo žaizdas, tu neturi jokių vaistų.
14Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen.
14Tavo meilužės pamiršo tave, nesiteirauja apie tave. Aš baudžiau tave kaip priešą dėl tavo nusikaltimų daugybės, dėl tavo nuodėmių gausos.
15Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.
15Ko šauki iš skausmo, dėl nepagydomų žaizdų? Už tavo daugybę nusikaltimų Aš tave nubaudžiau.
16Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco.
16Visi, kurie ėdė tave, bus ėdami, visi tavo prispaudėjai eis į nelaisvę. Kas tave apiplėšė, bus apiplėštas, kurie grobė iš tavęs, tuos atiduosiu kaip grobį.
17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.
17Aš atstatysiu tavo sveikatą, išgydysiu tavo žaizdas. Atstumtuoju vadino tave, sakydami: ‘Tai Sionas, kuriuo niekas nesirūpina’ ”.
18Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.
18Taip sako Viešpats: “Aš atstatysiu Jokūbo palapines ir pasigailėsiu jo gyvenviečių. Miestas bus atstatytas ant savo kalvos, ir rūmai stovės įprastoje vietoje.
19Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan.
19Iš jų skambės padėkos giesmės ir linksmas klegesys. Aš juos padauginsiu, jų nebebus keletas. Aš pašlovinsiu juos, jie nebebus niekinami.
20Oo carruurtooduna waxay noqon doonaan sidii waayihii hore, oo ururkooduna hortayduu ku dhismi doonaa, oo kuwa iyaga dulma oo dhanna waan wada ciqaabi doonaa.
20Jų vaikai bus kaip ankstesniais laikais, jų bendruomenė įsitvirtins mano akivaizdoje, ir Aš nubausiu visus jų prispaudėjus.
21Oo amiirkooduna iyaguu ka iman doonaa, taliyahooduna iyaguu ka soo dhex bixi doonaa, oo isagaan ka dhigi doonaa inuu ii soo dhowaado, oo isna wuu ii iman doonaa, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa kuma kan ku dhaca inuu ii soo dhowaado?
21Jų kilmingieji bus iš jų pačių, ir kunigaikštis kils iš jų tarpo. Aš patrauksiu jį, ir jis ateis pas mane. Kas gi pats išdrįstų ateiti pas mane?­sako Viešpats.­
22Oo idinku dadkayga waad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
22Tada jūs būsite mano tauta, o Aš būsiu jūsų Dievas”.
23Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.Rabbiga xanaaqiisa kululu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qastiga qalbigiisa, oo ugudambaystana waad garan doontaan.
23Štai Viešpaties audra kyla, rūstybės sūkurys atūžia ant nedorėlių galvos!
24Rabbiga xanaaqiisa kululu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qastiga qalbigiisa, oo ugudambaystana waad garan doontaan.
24Viešpaties rūstybė nenusigręš, kol Jis įvykdys, ką savo širdyje sumanė. Paskutinėmis dienomis jūs tai suprasite.