1Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii afraad ayaa erayganu Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,
1Jehojakimo, Jozijo sūnaus, Judo karaliaus, ketvirtaisiais metais, Viešpats tarė Jeremijui:
2Kitaab duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii aan wakhtigii Yoosiyaah iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh kugula hadlay oo dhan, kuwaas oo ka gees ahaa dalka Israa'iil, iyo dalka Yahuudah, iyo quruumaha oo dhan.
2“Imk ritinį ir užrašyk visus mano tau kalbėtus žodžius apie Izraelį, Judą ir visas tautas, apie kurias tau kalbėjau nuo Jozijo dienų iki šiandien.
3Waxaa suurtowda inay dadka Yahuudah maqli doonaan masiibadii aan ula qastiyey inaan iyaga ku sameeyo oo dhan, si ninkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah uga soo noqdo, si aan xumaantooda iyo dembigoodaba uga cafiyo.
3Gal Judo namai, girdėdami, kaip ketinu juos bausti, atsisakys pikto kelio, ir Aš jiems jų nusikaltimus atleisiu”.
4Markaasaa Yeremyaah Baaruug ina Neeriiyaah u yeedhay, oo Baaruugna wuxuu afkii Yeremyaah erayadii Rabbigu isaga u sheegay oo dhan kaga qoray kitaab duudduuban.
4Jeremijas pasišaukė Baruchą, Nerijos sūnų, kuris iš Jeremijo lūpų į ritinį užrašė visus Viešpaties kalbėtus žodžius.
5Markaasaa Yeremyaah amray Baaruug, oo wuxuu yidhi, Anigu waan xidhnahay, oo guriga Rabbiga ma aan tegi karo,
5Jeremijas tarė Baruchui: “Aš uždarytas ir negaliu eiti į Viešpaties namus.
6sidaas daraaddeed adigu tag, oo waxaad maalinta soonka dadka dhegihiisa ku akhridaa erayadii Rabbiga ee aad afkayga kitaabkii duudduubnaa kaga qortay, oo waxaad ku akhridaa guriga Rabbiga dhexdiisa, oo weliba waxaad kaloo dhegaha uga akhridaa dadka Yahuudah ee magaalooyinkooda ka yimid oo dhan.
6Todėl tu eik į Viešpaties namus pasninko dieną ir paskaityk Viešpaties žodžius, kuriuos užrašei iš mano lūpų į ritinį, visų žmonių akivaizdoje. Skaityk, tegul girdi visi Judo miestų gyventojai, atėję į Jeruzalę.
7Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.
7Gal jie nusižeminę maldaus Viešpatį ir atsisakys savo piktų kelių, nes didelė Viešpaties rūstybė ir bausmė paskelbta šitam miestui”.
8Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah wada sameeyey sidii Yeremyaah ku amray oo dhan, oo wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Rabbiga isagoo gurigii Rabbiga dhex jooga.
8Baruchas, Nerijos sūnus, padarė, kaip pranašas Jeremijas jam įsakė, ir perskaitė Viešpaties žodžius Viešpaties namuose.
9Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii shanaad bisheedii sagaalaad waxaa dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan iyo dadkii Yeruusaalem uga yimid magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan loogu dhawaaqay inay Rabbiga hortiisa ku soomaan.
9Penktaisiais Judo karaliaus Jehojakimo, Jozijo sūnaus, metais, devintą mėnesį, Jeruzalėje buvo pasninkas visai tautai ir visiems žmonėms, kurie buvo atėję iš Judo miestų į Jeruzalę.
10Markaas Baaruug wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Yeremyaah gurigii Rabbiga gudihiisa Gemaryaah ina Shaafaan oo karraani ahaa qolladdiisii oo ku tiil barxadda sare, oo u dhowayd meesha iridda cusub ee guriga Rabbiga laga soo galo, oo wuxuu dhegaha u saaray dadkii oo dhan.
10Baruchas perskaitė iš ritinio Jeremijo žodžius girdint visai tautai Viešpaties namuose, raštininko Gemarijo, Šafano sūnaus, kambaryje, kuris buvo viršutiniame kieme, prie Viešpaties namų Naujųjų vartų įėjimo.
11Miikaayaah ina Gemaryaah oo ahaa ina Shaafaan markuu kitaabkii ka maqlay erayadii Rabbiga oo dhan
11Šafano sūnaus Gemarijo sūnus Mikajas, išklausęs visus Viešpaties žodžius, skaitytus iš ritinio,
12ayuu hoos u degtay oo wuxuu galay gurigii boqorka iyo qolladdii karraaniga, oo bal eeg, amiirradii oo dhammu halkaasay wada fadhiyeen, oo waxay ahaayeen Eliishaamaac oo karraaniga ahaa, iyo Delaayaah ina Shemacyaah, iyo Elnaataan ina Cakboor, iyo Gemaryaah ina Shaafaan, iyo Sidqiyaah ina Xananyaah, iyo amiirradii oo dhan.
12nuėjo į karaliaus namus, į raštininko kambarį. Ten buvo susirinkę kunigaikščiai: raštininkas Elišama, Šemajo sūnus Delajas, Achboro sūnus Elnatanas, Šafano sūnus Gemarijas, Hananijo sūnus Zedekijas ir kiti valdovai.
13Markaas Miikaayaah wuxuu iyagii u sheegay erayadii uu maqlay oo dhan markii Baaruug uu kitaabka ku akhriyey dadka dhegihiisa.
13Mikajas pranešė jiems girdėtus žodžius, kuriuos Baruchas skaitė tautai iš ritinio.
14Sidaas daraaddeed amiirradii oo dhammu waxay Baaruug u soo direen Yehuudii ina Netanyaah oo ahaa ina Shelemyaah ina Kuushii, oo waxay ku yidhaahdeen, Kitaabkii duudduubnaa oo aad dadka dhegihiisa ku akhriday soo qaad oo noo kaalay. Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah gacanta ku soo qaaday kitaabkii duudduubnaa, oo iyagii u yimid.
14Kunigaikščiai pasiuntė Jehudį, sūnų Netanijo, sūnaus Šelemijo, sūnaus Kušio, pas Baruchą ir jam įsakė: “Pasiimk ritinį, iš kurio skaitei tautai ir ateik”. Baruchas, Nerijos sūnus, pasiėmė ritinį ir atėjo pas juos.
15Oo iyagiina waxay ku yidhaahdeen, Haddaba bal fadhiiso oo dhegahayaga ku akhri, oo markaasuu Baaruug kitaabkii dhegahoodii ku akhriyey.
15Jie tarė jam: “Sėskis ir skaityk mums”. Baruchas skaitė, jiems girdint.
16Oo markay erayadii oo dhan maqleen ayay baqeen oo midkoodba kii kaluu fiiriyey, oo waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Sida xaqiiqada ah erayadan oo dhan boqorka waannu u sheegi doonnaa.
16Išgirdę visus žodžius, jie išsigandę žiūrėjo vienas į kitą ir kalbėjo: “Mes privalome visus šiuos žodžius pranešti karaliui”.
17Markaasay Baaruug weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Bal noo sheeg sidii aad erayadan oo dhan afkiisa uga qortay?
17Jie paklausė Baruchą: “Sakyk, kaip tu surašei visus šituos žodžius iš jo lūpų?”
18Oo Baaruugna iyaguu u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Isagu erayadan oo dhan afkiisuu iiga sheegay, oo aniguna khad baan kitaabkii ku qoray.
18Baruchas atsakė: “Jis skelbė šituos žodžius man savo lūpomis, ir aš užrašiau į ritinį rašalu”.
19Markaas amiirradii waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Tag, oo adiga iyo Yeremyaahba dhuunta, oo yaan ciduna ogaan meeshaad joogtaan.
19Kunigaikščiai liepė jam: “Tu ir Jeremijas eikite pasislėpti, kad niekas nežinotų, kur jūs esate”.
20Markaasay boqorkii oo barxaddiisa jooga u galeen, kitaabkii duudduubnaase waxay dhigeen qolladdii Eliishaamaac oo karraanigii ahaa, oo erayadii oo dhanna boqorkay u sheegeen.
20Jie nuėjo pas karalių į rūmų kiemą ir visa pranešė karaliui. Ritinį jie paliko raštininko Elišamos kambaryje.
21Markaas boqorkii wuxuu Yehuudii u diray inuu kitaabkii u keeno, oo isna wuxuu ka soo qaaday Eliishaamaac oo karraanigii ahaa qolladdiisii. Markaas Yehuudii wuxuu kitaabkii ku akhriyey dhegihii boqorka iyo dhegihii amiirradii boqorka ag taagnaa oo dhan.
21Karalius pasiuntė Jehudį atnešti ritinį. Jis atnešė jį iš raštininko Elišamos kambario ir skaitė jį karaliaus ir visų kunigaikščių, stovinčių šalia karaliaus, akivaizdoje.
22Haddaba waxay ahayd bishii sagaalaad, oo boqorkuna wuxuu fadhiyey gurigii qabowga laga geli jiray, oo hortiisana waxaa yiil dab girgire ku dhex ololaya.
22Tai buvo devintas mėnuo, ir karalius sėdėjo žiemos rūmuose, o priešais jį židinyje degė ugnis.
23Oo haddaba markii Yehuudii saddex amase afar qaybood akhriyey ayaa boqorku mandiil ku gooyay, oo wuxuu ku dhex tuuray dabkii girgiraha ka baxayay, ilamaa kitaabkii duudduubnaa uu ku wada baabba'ay dabkii girgiraha ka baxayay.
23Jehudžiui perskaičius tris ar keturis skyrius, karalius nupjaudavo juos raštininko peiliu, įmesdavo į ugnį židinyje ir sudegindavo, kol visas ritinys buvo sunaikintas židinio ugnyje.
24Oo boqorkii iyo addoommadiisii erayadaas oo dhan maqlay midkoodna ma cabsan, oo dharkoodiina ma ay jeexjeexin.
24Nei karalius, nei jo tarnai, girdėdami tuos žodžius, neišsigando ir nepersiplėšė savo rūbų.
25In kastoo ay Elnaataan iyo Delaayaah iyo Gemaryaah boqorkii ka baryeen inuusan kitaabka duudduuban gubin wuu maqli waayay.
25Nors Elnatanas, Delajas ir Gemarijas maldavo karalių nedeginti ritinio, bet jis nekreipė dėmesio į juos.
26Markaas boqorkii wuxuu Yeraxme'eel ina Hammeleg, iyo Seraayaah ina Casrii'eel, iyo Shelemyaah ina Cabdeel ku amray inay karraanigii Baaruug iyo Nebi Yeremyaahba soo qabtaan, laakiinse Rabbigaa qariyey.
26Be to, karalius įsakė Jerachmeeliui, karaliaus sūnui, Serajui, Azrielio sūnui, ir Šelemijui, Abdeelio sūnui, suimti raštininką Baruchą ir pranašą Jeremiją, bet Viešpats paslėpė juos.
27Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid markuu boqorku kitaabkii duudduubnaa iyo erayadii uu Baaruug ka qoray afka Yeremyaah gubay dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,
27Kai karalius sudegino ritinį su žodžiais, kuriuos Baruchas iš Jeremijo lūpų buvo užrašęs, Viešpats tarė Jeremijui:
28Haddana kitaab kale oo duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii kitaabkii duudduubnaa ee hore ku yiil oo dhan, kaasoo Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu gubay.
28“Imk kitą ritinį ir užrašyk į jį visus žodžius, buvusius ritinyje, kurį Jehojakimas, Judo karalius, sudegino.
29Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa?
29O Jehojakimui, Judo karaliui, sakyk: ‘Tu sudeginai ritinį, sakydamas: ‘Kodėl tu užrašei, kad Babilono karalius ateis ir sunaikins šitame krašte žmones ir gyvulius?’
30Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay.
30Todėl Viešpats apie Jehojakimą, Judo karalių, sako: ‘Jo palikuonys nesėdės Dovydo soste, o jo lavonas bus išmestas ir gulės dieną karštyje ir naktį šaltyje.
31Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.Markaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.
31Aš nubausiu jį, jo palikuonis bei tarnus ir užleisiu visas nelaimes ant Jeruzalės gyventojų ir Judo žmonių, kurias paskelbiau prieš juos, bet jie neklausė’ ”.
32Markaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.
32Jeremijas ėmė kitą ritinį, padavė jį raštininkui Baruchui, Nerijos sūnui, o tas iš Jeremijo lūpų užrašė į ritinį visus žodžius, kuriuos Jehojakimas, Judo karalius, sudegino, ir pridėjo dar daugiau panašių žodžių.