Somali

Lithuanian

Jeremiah

37

1Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.
1Vietoje Konijo, Jehojakimo sūnaus, Babilono karalius Nebukadnecaras paskyrė Judo karaliumi Jozijo sūnų Zedekiją.
2Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.
2Bet nei jis, nei jo tarnai, nei krašto gyventojai neklausė Viešpaties žodžių, kalbėtų per pranašą Jeremiją.
3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.
3Karalius Zedekijas pasiuntė Jehuchalą, Šelemijo sūnų, ir kunigą Sofoniją, Maasėjos sūnų, pas pranašą Jeremiją ir prašė jo: “Melsk už mus Viešpatį, mūsų Dievą”.
4Oo markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin.
4Jeremijas tada dar nebuvo įmestas į kalėjimą ir vaikščiojo savo tautoje.
5Oo ciidankii Fircoon ayaa Masar ka soo baxay, oo reer Kaldayiinkii Yeruusaalem ku hareeraysnaana markay warkoodii maqleen ayay Yeruusaalem ka kala tageen.
5Chaldėjai, kurie buvo apgulę Jeruzalę, išgirdę, kad ateina Egipto faraono kariuomenė, pasitraukė nuo Jeruzalės.
6Markaasaa eraygii Rabbigu Nebi Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
6Tada Viešpats kalbėjo pranašui Jeremijui:
7Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Boqorka dalka Yahuudah oo ii soo kiin diray inuu wax i weyddiisto waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, ciidanka Fircoon oo u soo baxay inuu ku caawiyo, waxay ku noqon doonaan dalkoodii Masar.
7“Taip sako Viešpats, Izraelio Dievas: ‘Sakyk Judo karaliaus pasiuntiniams: ‘Faraono kariuomenė, kuri ateina jums padėti, grįš į savo kraštą Egiptą,
8Oo reer Kaldayiinna way soo noqon doonaan, oo magaaladan bay la diriri doonaan, wayna qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan.
8ir chaldėjai vėl ateis, kariaus prieš šitą miestą, paims jį ir sudegins.
9Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ha iskhiyaanaynina, oo ha isku odhanina, Hubaal reer Kaldayiin way naga tegayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay tegi doonaan.
9Neapgaudinėkite patys savęs, manydami, kad chaldėjai pasitrauks ir nebesugrįš. Jie nepasitrauks.
10Waayo, in kastoo aad ciidanka reer Kaldayiin ee idinla diriraya wada baabbi'in lahaydeen, oo rag dhaawac ah mooyaane aan iyaga wax kale ka hadhin, haddana iyaga midkood kastaaba wuxuu ka soo kici lahaa teendhadiisa, oo dab bay magaaladan ku gubi lahaayeen.
10Jei jūs chaldėjų kariuomenę, prieš jus kariaujančią, taip sumuštumėte, jog liktų tik sužeistieji, tai jie, pakilę iš savo palapinių, sudegintų šitą miestą!’ ”
11Oo markii ciidankii reer Kaldayiin ay Yeruusaalem uga kala tageen cabsi ay ka qabaan ciidankii Fircoon aawadiis
11Kai chaldėjų kariuomenė, išsigandusi Egipto kariuomenės, pasitraukė nuo Jeruzalės,
12ayaa Yeremyaah Yeruusaalem ka baxay oo wuxuu galay dalkii reer Benyaamiin si uu meeshaas qaybtiisa dadka uga dhex helo.
12Jeremijas norėjo eiti iš Jeruzalės į Benjamino kraštą savo nuosavybės reikalus sutvarkyti su savo giminaičiais.
13Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin.
13Jam atėjus prie Benjamino vartų, sargybinis Irija, sūnus Šelemijos, sūnaus Hananijos, sulaikė pranašą Jeremiją ir tarė: “Tu bėgi pas chaldėjus!”
14Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay.
14Jeremijas atsakė: “Tai netiesa, aš nebėgu pas chaldėjus”. Irija nepatikėjo. Jis sulaikė Jeremiją ir nuvedė pas kunigaikščius.
15Amiirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen.
15Kunigaikščiai supyko ir sumušė Jeremiją bei įmetė į kalėjimą raštininko Jehonatano namuose, nes jie buvo padaryti kalėjimu.
16Markii Yeremyaah uu gurigii godka ahaa galay iyo weliba qolalkii hoose, oo uu halkaas maalmo badan ku jiray,
16Jeremijas pateko į požemį ir išbuvo ten daug dienų.
17ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.
17Vieną dieną karalius Zedekijas pasiuntė atvesti Jeremiją. Karalius slaptai savo rūmuose klausė jį: “Ar yra žodis iš Viešpaties?” Jeremijas atsakė: “Taip, tu būsi atiduotas į Babilono karaliaus rankas”.
18Oo weliba Yeremyaah wuxuu Boqor Sidqiyaah ku yidhi, Bal maxaan adiga, amase addoommadaada, amase dadkan u dhimay, oo aad ii xabbisteen?
18Be to, Jeremijas sakė karaliui Sedekijui: “Kuo aš nusikaltau tau, tavo tarnams ir tautai, kad mane laikote kalėjime?
19Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?
19Kur dabar yra jūsų pranašai, pranašavę jums, kad Babilono karalius neateis prieš jus ir prieš šitą kraštą?
20Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.Markaas Boqor Sidqiyaah wuxuu ku amray in Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha lagu daayo, oo waxaa dharaar kasta jidka kibisdubayaasha laga siin jiray xabbad kibis ah, ilamaa kibistii magaaladu ay wada dhammaatay. Oo sidaasuu Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha ugu sii hadhay.
20Mano valdove karaliau, išklausyk mano prašymą, nebesiųsk manęs atgal į raštininko Jehonatano namus, kad ten nemirčiau!”
21Markaas Boqor Sidqiyaah wuxuu ku amray in Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha lagu daayo, oo waxaa dharaar kasta jidka kibisdubayaasha laga siin jiray xabbad kibis ah, ilamaa kibistii magaaladu ay wada dhammaatay. Oo sidaasuu Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha ugu sii hadhay.
21Karalius Zedekijas įsakė, kad Jeremijas būtų nuvestas į sargybos kiemą ir kad jam duotų gabalą duonos iš Kepėjų gatvės, kol visa duona mieste pasibaigs. Taip Jeremijas liko sargybos kieme.