Somali

Lithuanian

Jeremiah

39

1Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,
1Judo karaliaus Sedekijo devintųjų metų dešimtą mėnesį Babilono karalius Nebukadnecaras ir visa jo kariuomenė atėjo ir apgulė Jeruzalę.
2Boqor Sidqiyaah sannaddiisii kow iyo tobnaad, bisheedii afraad, maalinteedii sagaalaad ayaa meel magaalada ahayd la jebiyey,
2Vienuoliktaisiais Zedekijo metais, ketvirto mėnesio devintą dieną miesto siena buvo pralaužta.
3markaas Yeruusaalem waa la qabtay oo amiirradii boqorka Baabuloon oo dhammu intay galeen ayay iriddii dhexe fadhiisteen, oo waxay ahaayeen Neergal Shareser, iyo Samgar Nebuu, iyo Sarsekiim, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag iyo intii kale ee saraakiishii boqorka Baabuloon oo dhan.
3Visi Babilono karaliaus kunigaikščiai suėjo ir susėdo prie viduriniųjų vartų: Nergal Sareceras, Samgar Nebas, Sarsechimas, Rabsaris, Nergal Sareceras, Rabmagas ir visi kiti Babilono karaliaus kunigaikščiai.
4Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah.
4Judo karalius Zedekijas ir visi kariai, pamatę juos, bėgo pro karaliaus sodą tarp dviejų sienų, palikdami miestą nakties metu. Jie traukėsi lygumos keliu.
5Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.
5Chaldėjų kariuomenė sekė juos ir pasivijo Zedekiją Jericho lygumose. Jie suėmė jį ir atgabeno pas Babilono karalių Nebukadnecarą į Riblą Hamato krašte. Karalius čia jį teisė.
6Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan.
6Jis nužudė Zedekijo sūnus tėvo akivaizdoje, taip pat visus Judo kilminguosius.
7Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.
7Be to, išlupo Zedekijui akis, surakino grandinėmis ir išgabeno jį į Babiloną.
8Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.
8Chaldėjai sudegino karaliaus namus, žmonių namus ir nugriovė Jeruzalės sienas.
9Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.
9Nebuzaradanas, sargybos viršininkas, ištrėmė į Babiloną mieste likusius gyventojus, tuos, kurie perbėgo pas jį, ir amatininkus.
10Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba.
10Bet Nebuzaradanas, sargybos viršininkas, paliko krašte kai kuriuos beturčius ir davė jiems vynuogynų ir žemės.
11Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,
11Nebukadnecaras, Babilono karalius, davė įsakymą sargybos viršininkui Nebuzaradanui apie Jeremiją:
12Isaga kaxee, oo si wanaagsan u ilaali, oo innaba waxba ha yeelin, laakiinse waxaad u samaysaa wax alla wixii uu ku yidhaahdo.
12“Paimk jį, prižiūrėk ir nedaryk jam nieko blogo, bet padaryk jam, kaip jis pats panorės”.
13Sidaas daraaddeed Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta iyo Nebuushasbaan, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag, iyo saraakiishii sare oo boqorka Baabuloon oo dhammuba
13Nebuzaradanas, sargybos viršininkas, Nebušazbanas, Rabsaris, Nergal Sareceras, Rabmagas ir visi kiti Babilono karaliaus kunigaikščiai
14waxay u soo cid direen Yeremyaah, oo intay barxaddii waardiyayaasha ka soo bixiyeen ayay u dhiibeen Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan inuu gurigiisa u kaxeeyo, markaasuu dadka dhexdiisa joogay.
14pasiuntė ir atgabeno Jeremiją iš sargybos kiemo. Jie patikėjo jį Gedolijui, sūnui Ahikamo, sūnaus Šafano, kad jį globotų. Taip Jeremijas liko gyventi savo tautoje.
15Haddaba eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Yeremyaah intuu ku xidhnaa barxaddii waardiyayaasha, isagoo leh,
15Jeremijui dar esant sargybos kieme, Viešpats tarė:
16Tag, oo Cebedmeleg kan reer Itoobiya la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, erayadayda ayaan magaaladan ugu soo dejin doonaa inaan masiibo u keeno, ee mana ahaa wanaag, oo maalintaasay hortaada ku dhici doonaan.
16“Eik ir kalbėk etiopui Ebed Melechui: ‘Aš išpildysiu savo žodžius šito miesto nelaimei, o ne gerovei, ir tu pats savo akimis matysi juos išsipildant.
17Laakiinse maalintaas waan ku samatabbixin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo laguma gelin doono gacanta dadka aad ka baqaysid.Waayo, hubaal waan ku badbaadin doonaa, oo innaba seef kuma aad dhiman doontid, laakiinse naftaadu waxay kuu ahaan doontaa sida booli oo kale, maxaa yeelay, waad isku kay hallaysay, ayaa Rabbigu leeyahay.
17Bet tą dieną Aš tave išgelbėsiu ir tu nebūsi atiduotas į rankas tų žmonių, kurių bijai.
18Waayo, hubaal waan ku badbaadin doonaa, oo innaba seef kuma aad dhiman doontid, laakiinse naftaadu waxay kuu ahaan doontaa sida booli oo kale, maxaa yeelay, waad isku kay hallaysay, ayaa Rabbigu leeyahay.
18Tu nekrisi nuo kardo ir tavo gyvybė atiteks tau kaip grobis, nes pasitikėjai manimi,­sako Viešpats’ ”.