Somali

Lithuanian

Jeremiah

40

1Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay.
1Viešpats kalbėjo Jeremijui, kai Nebuzaradanas, sargybos viršininkas, paleido jį Ramoje. Tas jį išlaisvino iš grandinių, nes Jeremijas buvo vedamas drauge su kitais iš Jeruzalės į Babiloną.
2Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.
2Sargybos viršininkas įsakė pašaukti Jeremiją ir tarė jam: “Viešpats, tavo Dievas, paskelbė apie ateinančią nelaimę šitai vietai.
3Haddaba Rabbigu wuu dejiyey, oo wuxuu u sameeyey siduu ku hadlay, maxaa yeelay, Rabbigaad ku dembaabteen, oo codkiisiina ma aydaan addeecin, oo sidaas daraaddeed ayaa waxanu idiinku dheceen.
3Dabar Viešpats padarė taip, kaip buvo kalbėjęs, nes jūs nusikaltote Viešpačiui, neklausydami Jo.
4Haddaba bal eeg, maanta silsiladihii gacanta kaaga xidhnaa waan kaa furay. Hadday kula wanaagsan tahay inaad Baabuloon ii raacdid, kaalay oo aniguna si wanaagsan baan kuu dhaqaalayn doonaa, laakiinse hadday kula xun tahay inaad Baabuloon ii raacdid, iska dhaaf. Bal eeg, dalkii oo dhammu adiguu ku hor yaal. Haddaba meel alla meeshii kula wanaagsan ee kula habboon inaad tagtid, tag.
4Taigi šiandien aš nuimu grandines nuo tavo rankų. Jei tu nori eiti drauge su manimi į Babiloną, eik, ir aš tavimi pasirūpinsiu. O jei tu nenori eiti į Babiloną, neik! Visas kraštas yra tau prieš akis. Eik ten, kur tau patinka.
5Oo weliba intuusan dib u noqonin ayuu ku yidhi, Waxaad ku noqotaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan oo boqorkii Baabuloon uu taliye uga dhigay magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo isaga la joog dadka dhexdiisa, amase waxaad tagtaa meel alla meeshii kula habboon inaad tagtid. Markaas sirkaalkii waardiyayaashu wuxuu isagii siiyey sahay iyo hadiyad, kolkaasuu iska sii daayay.
5Eik pas Gedoliją, Šafano sūnaus Ahikamo sūnų, kurį Babilono karalius paskyrė Judo valdytoju, gyvenk ten arba pasirink kitą vietą”. Sargybos viršininkas davė jam maisto bei dovanų ir paleido jį.
6Markaas Yeremyaah wuxuu Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu tegey Misfaah, oo isaguu la dhex degay dadkii dalka ku hadhay.
6Jeremijas nuėjo pas Goedoliją, Ahikamo sūnų, į Micpą ir gyveno tarp žmonių, kurie buvo likę krašte.
7Oo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhan iyo raggoodiiba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu dalkii taliye uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam, oo uu isagii u dhiibay rag, iyo naago, iyo carruurba, kuwaasoo ahaa masaakiintii dalka ku hadhay oo aan Baabuloon maxaabiis ahaan loogu kaxaysan,
7Kai išlikę Judo karo vadai ir jų žmonės išgirdo, jog Babilono karalius paskyrė krašto valdytoju Gedoliją, Ahikamo sūnų, ir pavedė jam likusius krašte beturčius, vyrus, moteris ir vaikus, neištremtus į Babiloną,
8ayay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah, waxayna ahaayeen Ismaaciil ina Netanyaah, iyo Yooxaanaan iyo Yoonaataan oo ahaa ilma Qaaree'ax, iyo Seraayaah ina Tanxumed, iyo ilma Ceefay oo ahaa reer Netofaah iyo Yesanyaah oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyagii iyo raggoodii oo dhammuba.
8atėjo pas Gedoliją į Micpą Izmaelis, Netanijo sūnus, Johananas ir Jehonatanas, Kareacho sūnūs, Seraja, Tanhumeto sūnus, sūnūs Efajo iš Netofos ir Jezanijas, maako sūnus, su savo žmonėmis.
9Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan.
9Gedolijas, sūnus Ahikamo, sūnaus Šafano, su priesaika sakė jiems: “Nebijokite chaldėjų, likite krašte, tarnaukite Babilono karaliui ir jums bus gerai.
10Aniguna waxaan degganaan doonaa Misfaah, si aan ugu joogo reer Kaldayiinka hadba noo imanaya, idinkuse waxaad urursataan khamri, iyo midhaha beergoosadka, iyo saliid, oo weelashiinna ku shubta, oo waxaad degganaataan magaalooyinkii aad qabsateen.
10Aš lieku Micpoje ir tarnausiu chaldėjams, kurie čia atvyks. O jūs rinkite vynuogynų, sodų ir alyvmedžių vaisius, kaupkite jų atsargas ir gyvenkite tuose miestuose, kuriuos pasirinkote”.
11Sidaas oo kalena Yuhuuddii reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom dhex joogtay oo dhan, iyo kuwii dalalka kale joogay oo dhammuba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu qaar kaga tegey dalkii Yahuudah iyo inuu iyagii madax uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan
11Visi žydai, kurie buvo Moabe, Edome ir kituose kraštuose, išgirdę, kad Babilono karalius paliko krašte likutį ir Gedoliją, Šafano sūnaus Ahikamo sūnų, paskyrė krašto valdytoju,
12ayay Yuhuuddii oo dhammu ka soo wada noqdeen meelihii loo kala eryay oo dhan, oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah, oo Gedalyaah bay ugu yimaadeen Misfaah, markaasay soo ururiyeen khamri iyo midhaha beergoosadka oo fara badan.
12sugrįžo iš visų vietovių, kuriose jie buvo išblaškyti, į Judo kraštą pas Gedoliją į Micpą. Jie surinko labai daug vynuogių ir sodų vaisių.
13Oo weliba Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhammuba waxay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah
13Johananas, Kareacho sūnus, ir kiti karo vadai, kurie buvo krašte, atėjo pas Gedoliją į Micpą.
14oo waxay ku yidhaahdeen, Ma og tahay in Bacaliis oo ah boqorka reer Cammoon uu Ismaaciil ina Netanyaah u soo diray inuu ku dilo? Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam ma uu rumaysan.
14Jie jam sakė: “Ar žinai, kad Baalis, amonitų karalius, atsiuntė Izmaelį, Netanijo sūnų, tavęs nužudyti?” Bet Gedolijas, Ahikamo sūnus, jais netikėjo.
15Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax si qarsoodi ah Gedalyaah ugula hadlay Misfaah, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye inaan tago ii fasax, Ismaaciil ina Netanyaah aan soo dilee oo ciduna ma ogaan doonto. Bal muxuu kuu dilayaa oo ay Yuhuuddii kugu soo wada ururtay oo dhammu u kala firdhaan, oo intii dadka dalka Yahuudah ka hadhayna ay u dhintaan?Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam wuxuu Yooxaanaan ina Qaaree'ax ku yidhi, Adigu waxan waa inaadan innaba samayn, waayo, been baad Ismaaciil ka sheegaysaa.
15Johananas, Kareacho sūnus, slaptai pasisiūlė Gedolijui Micpoje: “Leisk man eiti ir nužudyti Izmaelį, Netanijo sūnų. Niekas apie tai nesužinos. Kodėl jis turėtų nužudyti tave? Tuomet Judo žmonės, kurie yra čia susirinkę, būtų išblaškyti ir Judo likutis pražūtų”.
16Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam wuxuu Yooxaanaan ina Qaaree'ax ku yidhi, Adigu waxan waa inaadan innaba samayn, waayo, been baad Ismaaciil ka sheegaysaa.
16Gedolijas, Ahikamo sūnus, atsakė Johananui, Kareacho sūnui: “Nedaryk taip, nes netiesą sakai apie Izmaelį”.