Somali

Lithuanian

Jeremiah

41

1Haddaba bishii toddobaad waxaa yimid Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac, oo ka mid ahaa farcankii boqornimada iyo weliba saraakiishii boqorka, isagoo toban nin wata, oo waxay Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu yimaadeen Misfaah, oo halkaasay kibis ku wada cuneen.
1Izmaelis, sūnus Netanijo, sūnaus Elišamos, iš karališkos giminės, karaliaus kunigaikštis, septintą mėnesį atėjo su dešimčia vyrų pas Gedoliją, Ahikamo sūnų, į Micpą. Jiems kartu Micpoje valgant,
2Markaasaa waxaa sara joogsaday Ismaaciil ina Netanyaah iyo tobankii nin ee isaga la socday, oo Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan ayay seef la dheceen oo isagay dileen kaasoo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
2pakilo Izmaelis, Netanijo sūnus, ir dešimt su juo buvusių vyrų ir nužudė kardu Gedoliją, Šafano sūnaus Ahikamo sūnų, kurį Babilono karalius buvo paskyręs krašto valdytoju.
3Oo weliba Ismaaciil wuxuu kaloo wada laayay Yuhuuddii Gedalyaah Misfaah la joogtay, iyo reer Kaldayiinkii halkaas laga helay, kuwaasoo ahaa raggii dagaalka oo dhan.
3Izmaelis nužudė taip pat visus su Gedoliju buvusius žydus ir chaldėjų karius.
4Oo maalintii uu Gedalyaah dilay maalintii ku laba ahayd iyadoo aan ciduna weli ogayn
4Kitą dieną, Gedolijui žuvus, dar niekam nežinant apie tai,
5ayaa nimani waxay ka yimaadeen Shekem iyo Shiiloh iyo Samaariya, oo waxay ahaayeen siddeetan nin oo gadhadhkii iska xiiray, oo dharkoodiina jeexjeexay, oo jidhkoodii googooyay, oo gacmaha ku sida qurbaanno iyo foox ay guriga Rabbiga u wadaan.
5atėjo aštuoniasdešimt vyrų iš Sichemo, Šilojo ir Samarijos. Jų barzdos buvo nuskustos, drabužiai perplėšti ir oda suraižyta. Jie atsinešė aukų bei smilkalų aukoti Viešpaties namuose.
6Oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu Misfaah uga tegey inuu iyaga ka hor tago aawadeed, isagoo ooyaya intuu sii socday oo dhan, oo markuu iyagii la kulmay wuxuu ku yidhi, Gedalyaah ina Ahiiqaam u kaalaya.
6Izmaelis, Netanijo sūnus, išėjo iš Micpos jų pasitikti. Eidamas jis verkė ir, juos sutikęs, sakė: “Ateikite pas Gedoliją, Ahikamo sūnų”.
7Oo markay magaalada dhexdeedii yimaadeen ayaa Ismaaciil ina Netanyaah kulligood wada laayay, oo isagii iyo raggii la socday meydkoodii god bay ku rideen.
7Jiems įėjus į miestą, Izmaelis, Netanijo sūnus, ir jo vyrai nužudė juos ir sumetė į duobę.
8Laakiinse waxaa dhexdoodii laga helay toban nin oo Ismaaciil ku tidhi, Ha na dilin, waayo, annagu waxaannu leennahay kayd sarreen iyo shaciir iyo saliid iyo malab ah oo duurka ku dhex qarsoon, sidaas daraaddeed iyagii wuu iska dhaafay oo walaalahood lama uu layn.
8Dešimt atėjusių vyrų sakė Izmaeliui: “Nežudyk mūsų, mes turime laukuose paslėpę kviečių, miežių, aliejaus ir medaus atsargų”. Izmaelis nenužudė jų kartu su kitais.
9Haddaba godkii uu Ismaaciil ku riday raggii uu Gedalyaah la laayay meydadkoodii oo dhan wuxuu ahaa kii uu Boqor Aasaa u samaystay cabsi uu ka qabay boqorkii dalka Israa'iil oo Bacshaa ahaa aawadeed, oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu godkaas ka buuxiyey kuwii uu laayay meydkoodii.
9Duobė, į kurią Izmaelis sumetė nužudytųjų lavonus, buvo karaliaus Asos padaryta, kai jis išsigando Izraelio karaliaus Bašos. Izmaelis, Netanijo sūnus, pripildė ją užmuštųjų.
10Markaasaa Ismaaciil wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadka hadhay oo dhan, xataa gabdhihii boqorka iyo dadkii Misfaah ku hadhay oo dhan, kuwaasoo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu u dhiibay Gedalyaah ina Ahiiqaam. Ismaaciil ina Netanyaah maxaabiis ahaan ayuu u kaxaystay, oo wuxuu u ambabbaxay inuu reer Cammoon u gudbo.
10Jis tautos likutį, kuris buvo Micpoje, padarė belaisvius. Karaliaus dukteris ir visus Micpos žmones, kuriuos Naebuzaradanas, sargybos viršininkas, buvo pavedęs Gedolijui, Ahikamo sūnui, Izmaelis, Netanijo sūnus, suėmė ir vedėsi į amonitų kraštą.
11Laakiinse Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhammu markay maqleen xumaantii uu Ismaaciil ina Netanyaah sameeyey oo dhan
11Kai Johananas, Kareacho sūnus, ir visi karo vadai išgirdo apie tai, ką Izmaelis, Netanijo sūnus, padarė,
12ayay kaxaysteen raggii oo dhan, oo waxay u keceen inay Ismaaciil ina Netanyaah la diriraan, oo isagay ka ag heleen biyihii badnaa ee Gibecoon ku yaal.
12surinko visus savo vyrus ir išėjo kovoti prieš Izmaelį, Netanijo sūnų. Jie užtiko jį prie didelių vandenų Gibeone.
13Oo dadkii Ismaaciil ina Netanyaah watay oo dhammu markay arkeen Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada oo isaga la jiray oo dhan ayay wada farxeen.
13Kai su Izmaeliu esantys žmonės pamatė Johananą, Kareacho sūnų, ir visus karo vadus su juo, nudžiugo.
14Sidaas daraaddeed dadkii Ismaaciil uu Misfaah maxaabbiisahaanta uga kaxaystay oo dhammu intay jeesteen ayay dib u noqdeen, oo waxay u tageen Yooxaanaan ina Qaaree'ax.
14Visi žmonės, kuriuos Izmaelis išvedė kaip belaisvius iš Micpos, atsisuko ir nuėjo pas Johananą, Kareacho sūnų.
15Laakiinse Ismaaciil ina Netanyaah Yooxaanaan wuu ka baxsaday, oo intuu siddeed nin la cararay ayuu reer Cammoon u tegey.
15Bet Izmaelis, Netanijo sūnus, paspruko su aštuoniais vyrais ir pabėgo pas amonitus.
16Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la jirtay oo dhammu waxay soo kexeeyeen dadkii hadhay ee uu dhammaan ka soo caymiyey Ismaaciil ina Netanyaah markuu Misfaah ku dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam dabadeed, oo kuwaasu waxay ahaayeen raggii dagaalka, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo bohommadii ee uu ka soo celiyey Gibecoon.
16Tada Johananas, Kareacho sūnus, ir visi karo vadai, esantys su juo, ėmė tautos likutį, kurį Izmaelis, Netanijo sūnus, nužudęs Gedoliją, Ahikamo sūnų, išvedė iš Micpos, ir sugrąžino iš Gibeono vyrus, moteris, vaikus ir eunuchus.
17Oo iyana intay tageen ayay Geeruud Kimhaam oo Beytlaxam ku ag yiil degeen, si ay u tagaan oo ay Masar u galaan reer Kaldayiin aawadood,maxaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
17Keliaudami jie apsistojo Kimhame, prie Betliejaus. Jie norėjo pabėgti į Egiptą,
18maxaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
18nes bijojo chaldėjų, kadangi Izmaelis, Netanijo sūnus, nužudė Gedoliją, Ahikamo sūnų, kurį Babilono karalius buvo paskyręs krašto valdytoju.