1Kanu waa Eraygii Rabbiga oo Nebi Yeremyaah u yimid ee quruumaha ku saabsanaa.
1Viešpats kalbėjo pranašui Jeremijui apie pagonių tautas.
2Wuxuu ka hadlay Masar, iyo Fircoon Nekoo oo ahaa boqorkii Masar ciidankiisii, kaasoo joogay Karkemiish Webi Yufraad agtiisa, oo uu Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wax ku dhuftay sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa.
2Apie Egiptą, apie faraono Nekojo, Egipto karaliaus, kariuomenę, buvusią prie Eufrato upės Karkemiše, kurią Nebukadnecaras, Babilono karalius, nugalėjo kervirtaisiais Johakimo, Jozijo sūnaus, Judo karaliaus, metais.
3Gaashaanka yar iyo kan weynba diyaariya oo dagaalka u soo dhowaada.
3“Paruoškite mažąjį ir didįjį skydą ir traukite į kovą.
4Fardoleydoy, fardaha heenseeya oo fuula, oo isa soo safa idinkoo koofiyadihiinna dagaalka qaba, oo warmaha afaysta, oo waxaad soo xidhataan dharka birta ah.
4Balnokite žirgus ir sėskite ant jų. Rikiuokitės užsidėję šalmus, galąskite ietis, apsivilkite šarvais.
5Bal maxaan u arkay? Way nexeen oo dib bay u sii noqdeen, oo kuwoodii xoogga badnaa waa la wada dilay, oo degdeg bay u carareen, dibna uma ay soo jeesan, waayo, cabsi baa dhinac kasta kaga hareeraysnayd, ayaa Rabbigu leeyahay.
5Kodėl Aš mačiau juos išsigandusius ir besitraukiančius atgal? Jų karžygiai išblaškyti bėga be atodairos, visur išgąstis,sako Viešpats.
6Kan dheereeyaa yuusan cararin, oo kan xoogga badanuna yuusan baxsan. Xagga woqooyi iyo Webi Yufraad agtiisa ayay ku turunturoodeen, wayna ku dheceen.
6Eiklieji nepabėgs ir stiprieji neišsigelbės. Šiaurėje, prie Eufrato, jie susvyruos ir parkris.
7Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan?
7Kas kyla lyg potvynis, lyg upės vanduo nerimsta?
8Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba.
8Egiptas kyla kaip potvynis, kaip upės vanduo nerimsta. Jis sako: ‘Aš pakilsiu, apdengsiu žemę, sunaikinsiu miestus ir jų gyventojus!’
9Fardahow, kaca, oo gaadhifardoodyadow, yaaca. Ragga xoogga badanuna ha bexeen, kuwaasoo ah reer Kuush iyo kuwa reer Fuud oo gaashaanka gacanta ku haya, iyo kuwa reer Luud oo qaansada xoodi yaqaan.
9Pirmyn, žirgai, skubėkite, kovos vežimai! Karžygiai pirmyn! Etiopai ir libiai su skydais, Lidijos gyventojai su įtemptais lankais!
10Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.
10Tai yra Viešpaties, kareivijų Dievo, keršto diena. Jis atkeršys savo priešams. Kardas ris ir bus sotus bei pasigers krauju. Tai bus auka Viešpačiui, kareivijų Dievui, šiaurės krašte, prie Eufrato.
11Dadka Masar ee sida bikrad oo kale ahow, waxaad tagtaa Gilecaad, oo beeyo dawo ah soo qaado. Waxtarla'aan baad dawooyin badan u qaadataa, illowse bogsiini kuuma jirto.
11Eik į Gileadą, atsinešk balzamo, mergele, Egipto dukra! Veltui vartoji vaistų daugybę, tu nepagysi!
12Quruumuhu waxay maqleen ceebtaada, oo qayladaaduna waxay ka buuxsantay dalka oo dhan, waayo, kuwii xoogga badnaa ayaa midba kan kale ku turunturooday, oo labadoodiiba way wada dheceen.
12Tautos išgirdo apie tavo gėdą, pilna žemė tavo šauksmo. Galiūnas susidūrė su galiūnu, ir abu kartu krito!”
13Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.
13Viešpats kalbėjo pranašui Jeremijui, kad Nebukadnecaras, Babilono karalius, ateis ir užpuls Egipto žemę.
14Masar ka dhex sheega, oo Migdol ka dhex naadiya, oo weliba ka dhex naadiya Nof iyo Taxfanxeesba, oo waxaad tidhaahdaan, Istaag oo isdiyaari, waayo, intii kugu wareegsanayd oo dhan seef baa baabbi'isay.
14“Praneškite Migdole, paskelbkite Tachpanhese ir Nofe! Sakykite: ‘Atsistokite ir pasiruoškite, nes kardas jau ryja aplinkui!’
15Kuwaagii xoogga badnaa bal maxaa loo kala xaaqay? Iyagu ma ay istaagin, waayo, Rabbiga ayaa riday.
15Kodėl tavo karžygiai išvaikyti? Jie neatsilaikė, nes Viešpats juos parklupdė.
16Kuwa badan ayuu turuntureeyey, oo midba midka kaluu ku dhacay. Oo waxay isku yidhaahdeen, Kaca oo ina keena, aynu dadkeennii iyo dalkii aynu ku dhalannay u tagnee, oo aynu seefta ina dulmaysa ka cararnee.
16Tavo daugybė susvyravo ir krito vienas po kito. Jie sakė: ‘Grįžkime pas savo tautą, į savo gimtinę, bėkime nuo žudančio kardo!’
17Waxay halkaas kaga qayliyeen, Fircoon oo ah boqorka Masar waa sanqadh keliya, wakhtigiina wuu dhaafiyey.
17Jie šaukė apie faraoną, Egipto karalių: ‘Jis yra triukšmas po laiko’.
18Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye. Sida xaqiiqada ah isagu wuxuu u iman doonaa sida Taaboor oo buuraha ku dhex taal, iyo sida Karmel oo badda u dhow.
18Kaip Aš gyvas,sako Karalius, kurio vardaskareivijų Viešpats,kaip Taboras yra tarp kalnų ir Karmelis prie jūros, taip tikrai jis ateis.
19Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn.
19Pasiruoškite tremčiai, Egipto gyventojai! Nofas pavirs dykyne be gyventojų.
20Masar waa qaalin lo'aad oo qurxoon, laakiinse halligaad baa xagga woqooyi uga timid, wayna gaadhay.
20Egiptas yra puiki telyčia, bet iš šiaurės ateina sunaikinimas.
21Oo weliba raggiisa la soo kiraystay oo isaga dhex joogaana waa sida weylo cayilay, waayo, dib bay u noqdeen, oo dhammaantood way isla wada carareen, oo innaba ma ay joogsan, waayo, waxaa soo gaadhay maalintii masiibadooda iyo wakhtigii ciqaabiddooda.
21Jo samdyti kariai yra kaip nupenėti veršiai. Jie visi apsigręžė ir pabėgo. Jie neatsilaikė, nes atėjo pražūties diena, priartėjo aplankymo metas.
22Sanqadhiisu waa sida abeeso sii gurguuranaysa, waayo, iyagu ciidan bay kula soo socon doonaan, oo faasas bay kula soo duuli doonaan sida kuwa qoryo jaraya.
22Jų balsas yra kaip gyvatės šnypštimas. Jie ateina su kirviais tarytum miško kirtėjai.
23Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aan la dhex baadhi karin, kayntiisa waa la wada jari doonaa, maxaa yeelay, iyagu ayaxa way ka fara badan yihiin, oo waa wax aan la tirin karin.
23Jie iškirs mišką, kuris buvo nepereinamas. Jų yra nesuskaitoma daugybė kaip skėrių.
24Dadka Masar way ceeboobi doonaan, waayo, waxaa lagu ridi doonaa gacanta dadka woqooyi.
24Egipto duktė bus sugėdinta, ji bus atiduota į šiaurės tautos rankas”.
25Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba.
25Kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas, sako: “Aš nubausiu Noją, faraoną, Egiptą su jų dievais ir karaliais; faraoną ir visus, kurie juo pasitiki.
26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.
26Aš atiduosiu juos į rankas tų, kurie siekia jų gyvybės, į Nebukadnecaro, Babilono karaliaus, ir jo tarnų rankas. Po daug metų kraštas vėl bus apgyvendintas kaip senais laikais,sako Viešpats.
27Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba.Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
27Tu, mano tarne Jokūbai, nebijok, Izraeli, neišsigąsk! Aš tave išgelbėsiu ir tavo palikuonis parvesiu iš nelaisvės, iš tolimo krašto. Jokūbas sugrįš, turės ramybę, gyvens saugiai, ir niekas jo negąsdins.
28Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
28Tu, mano tarne Jokūbai, nebijok,sako Viešpats.Aš esu su tavimi. Aš visiškai sunaikinsiu tautas, į kurias tave ištrėmiau, bet tavęs iki galo nesunaikinsiu. Aš bausiu tave saikingai, bet be bausmės nepaleisiu”.