1Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
1Jobas atsakė Viešpačiui, tardamas:
2Waan ogahay inaad wax walba kartid, Iyo inaan qastigaaga innaba la joojin karin.
2“Žinau, kad Tu esi Visagalis; niekas nesutrukdys Tau padaryti, ką sumanei.
3Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa? Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn, Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.
3Kas paniekina patarimą, neturėdamas supratimo? Aš kalbėjau tai, ko nesuprantu, kas man per daug nuostabu ir nežinoma.
4Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.
4Paklausyk, ir aš kalbėsiu, aš klausiu, o Tu man atsakyk.
5Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay, Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,
5Anksčiau savo ausimis girdėjau apie Tave, o dabar mano akys mato Tave.
6Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobad keenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
6Todėl aš baisiuosi savimi ir atgailauju dulkėse ir pelenuose”.
7Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.
7Po pasikalbėjimo su Jobu Viešpats tarė temaniui Elifazui: “Mano rūstybė užsidegė prieš tave ir abu tavo draugus, nes jūs nekalbėjote teisingai apie mane kaip mano tarnas Jobas.
8Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.
8Dabar imkite septynis jaučius bei septynis avinus, eikite pas mano tarną Jobą ir juos aukokite kaip deginamąją auką už save, o mano tarnas Jobas melsis už jus. Aš išklausysiu jo maldas ir nebausiu jūsų, kaip esate nusipelnę, nes jūs nekalbėjote apie mane teisingai kaip mano tarnas Jobas”.
9Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.
9Tuomet temanas Elifazas, šuachas Bildadas ir naamatietis Cofaras padarė, ką Viešpats buvo jiems įsakęs, o Viešpats išklausė Jobą.
10Rabbiga ayaa Ayuub axwaalkiisii beddelay markuu saaxiibbadiis u duceeyey; oo Rabbiguna Ayuub wuxuu siiyey wixii uu markii hore lahaa laba jibbaarkood.
10Kai jis meldėsi už savo draugus, Viešpats išvadavo Jobą ir davė jam visko dvigubai, negu jis anksčiau turėjo.
11Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah.
11Pas jį atėjo jo broliai, seserys ir visi jo pirmiau buvę pažįstami; jie valgė duoną su juo jo namuose, užjautė jį ir guodė nelaimėje, kurią Viešpats jam buvo siuntęs; kiekvienas dovanojo jam pinigų ir auksinį auskarą.
12Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood.
12Viešpats laimino Jobo senatvę labiau negu jaunystę. Jis turėjo keturiolika tūkstančių avių, šešis tūkstančius kupranugarių, tūkstantį jungų jaučių ir tūkstantį asilių.
13Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood.
13Be to, jis turėjo septynis sūnus ir tris dukteris.
14Oo middii kowaad magaceedii wuxuu u bixiyey Yemiimaah, tii labaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qasicaah, tii saddexaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qeren Hafuug.
14Pirmosios vardas buvo Jamima, antrosiosKecija ir trečiosios Keren Hapucha.
15Oo waddankaas oo dhanna laguma arag dumar u qurxoon sida gabdhaha Ayuub, oo aabbahoodna dhaxal buu walaalahood la siiyey.
15Visoje šalyje nebuvo gražesnių moterų už Jobo dukteris. Jų tėvas davė joms paveldėjimą tarp jų brolių.
16Oo wakhtigaas dabadeed Ayuub wuxuu noolaa boqol iyo afartan sannadood, oo wuxuu arkay wiilashiisii, iyo wiilashiisa wiilashoodiiba, tan iyo intii afar fac ah.Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.
16Jobas po to dar gyveno šimtą keturiasdešimt metų; jis matė savo vaikus ir vaikaičius iki ketvirtos kartos.
17Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.
17Jobas mirė senatvėje, pasisotinęs gyvenimo dienomis.