Somali

Lithuanian

Jonah

4

1Laakiinse Yoonis taas aad buu uga calool xumaaday, wuuna xanaaqay.
1Jonai tai labai nepatiko, ir jis supyko.
2Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid.
2Jona meldėsi: “Ak, Viešpatie, argi aš taip nesakiau, kai dar buvau savo krašte? Dėl to aš ir norėjau bėgti į Taršišą, žinodamas, kad esi maloningas Dievas, gailestingas, lėtas pykti, didžiai geras ir susilaikantis nuo bausmės.
3Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, waan ku baryayaaye naftayda iga qaad, waayo, intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.
3Todėl, Viešpatie, meldžiu, paimk mano gyvybę, nes man yra geriau mirti negu gyventi”.
4Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, War inaad xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay?
4Viešpats klausė: “Ar manai, kad teisingai pyksti?”
5Markaasaa Yoonis ka baxay magaaladii, oo wuxuu fadhiistay magaalada dhankeedii bari, oo halkaasuu waab ka dhistay. Markaasuu hadhkii hoos fadhiistay ilaa uu arko waxa magaalada ku dhacaya.
5Jona išėjo iš miesto ir atsisėdo rytų pusėje. Jis, pasistatęs ten stoginę, sėdėjo jos pavėsyje ir laukė, kas atsitiks miestui.
6Kolkaasaa Rabbigu wuxuu diyaariyey geed ubbo ah, oo wuxuu ka dhigay inuu kor fuulo waabkii Yoonis, si uu hoos ugu noqdo, oo uu uga samatabbixiyo xaalkiisii xumaa. Sidaas daraaddeed Yoonis aad iyo aad buu ugu farxay geedkii ubbada ahaa aawadiis.
6Viešpats Dievas išaugino augalą, kad jo šešėlis dengtų Jonos galvą ir išvaduotų iš sielvarto. Jona labai džiaugėsi augalu.
7Laakiinse maalintii dambe markii waagii beryay ayaa Ilaah diyaariyey dixiri, oo isna geedkii ubbada ahaa ayuu gooyay ilaa uu engegay.
7Bet kitą dieną, aušrai brėkštant, Dievas paruošė kirmėlę, kuri pakando augalą, ir tas nudžiūvo.
8Oo kolkii qorraxdii soo baxday ayaa Ilaah diyaariyey dabayl kulul oo bari ka timid; qorraxdiina Yoonis ayay madaxa kaga dhegtay ilaa uu itaal darnaaday, oo isna wuxuu ku baryootamay inuu dhinto, oo wuxuu yidhi, Intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.
8Saulei patekėjus, Dievas paruošė svilinantį rytų vėją. Saulė spigino Jonos galvą, jis alpo ir geidė sau mirties, sakydamas: “Geriau man mirti negu gyventi!”
9Markaasaa Ilaah wuxuu Yoonis ku yidhi, War inaad geedkii ubbada ahaa u xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay? Oo isna wuxuu yidhi, Haah, oo inaan cadhoodo way ii wanaagsan tahay xataa ilaa dhimasho.
9Ir Dievas tarė Jonai: “Ar tu teisingai pyksti dėl augalo?” Jis atsakė: “Taip, teisingai pykstu, netgi iki mirties”.
10Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waxaad u jixinjixday geedkii ubbada ahaa oo aadan u hawshoon oo aadan korinin oo habeen iska soo baxay oo habeen ku baabba'ay.Haddaba sow iima eka inaan u jixinjixo magaalada weyn oo Nineweh, taasoo ay gudaheeda ku jiraan dad ka badan boqol iyo labaatan kun oo qof oo aan kala garan karin gacantooda midig iyo gacantooda bidix, iyo weliba xoolo badan?
10Tada Viešpats tarė: “Tau gaila augalo, dėl kurio tu nei vargai, nei jo auginai. Jis per vieną naktį užaugo ir per vieną naktį pražuvo.
11Haddaba sow iima eka inaan u jixinjixo magaalada weyn oo Nineweh, taasoo ay gudaheeda ku jiraan dad ka badan boqol iyo labaatan kun oo qof oo aan kala garan karin gacantooda midig iyo gacantooda bidix, iyo weliba xoolo badan?
11Argi Aš turėčiau nesigailėti Ninevės, šio didelio miesto, kuriame gyvena daugiau negu šimtas dvidešimt tūkstančių žmonių, kurie nemoka atskirti dešinės nuo kairės, ir, be to, daug gyvulių?”