Somali

Lithuanian

Micah

1

1Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Miikaah kii reer Mooreshed waagii ay Yootam iyo Aaxaas iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah, oo uu ku arkay wax ku saabsan Samaariya iyo Yeruusaalem.
1Viešpaties žodis, atėjęs Michėjui iš Morešeto Judo karalių Joatamo, Ahazo ir Ezekijo dienomis apie Samariją ir Jeruzalę.
2Dadyowga oo dhammow, kulligiin maqla. Dhulka iyo waxa ku jira oo dhammow, bal dhegaysta, oo Sayidka Rabbiga ahu ha idinku marag furo, Sayidku macbudkiisa quduuska ah ha idinkaga marag furo.
2Klausykite, visos tautos, įsidėmėk, žeme ir visa, kas joje yra. Viešpats Dievas tebūna liudytojas prieš jus iš savo šventyklos.
3Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.
3Štai Viešpats leidžiasi iš savo vietos ir žengs žemės aukštumomis.
4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.
4Kalnai po Juo tirps ir slėniai lydysis lyg vaškas nuo ugnies, lyg vandenys, tekantys nuo skardžio.
5Waxan oo dhammu waxay u dheceen xadgudubka reer Yacquub iyo dembiyada dadka Israa'iil. Xadgudubka reer Yacquub waa maxay? Sow Samaariya ma aha? Meelaha sare oo dalka Yahuudahna waa maxay? Sow Yeruusaalem ma aha?
5Visa tai dėl Jokūbo nusikaltimo ir Izraelio nuodėmių. Kas yra Jokūbo nusikaltimas? Ar ne Samarija? Kur yra Judo namų aukštumos? Ar ne Jeruzalėje?
6Haddaba sidaas daraaddeed waxaan Samaariya ka dhigi doonaa sidii taallo burbur ah oo duurka ku taal, iyo sidii meel beercanab laga beerto, oo dhagxanteedana waxaan ku dhex daadin doonaa dooxada, oo aasaaskeedana waan soo bannayn doonaa.
6“Aš paversiu Samariją griuvėsių krūva, padarysiu ją vynuogynų lauku, nuritinsiu jos akmenis į slėnį ir atidengsiu jos pamatus.
7Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.
7Visi jos drožiniai bus sudaužyti ir sudeginti, visi stabai sunaikinti. Jie buvo įgyti iš paleistuvių užmokesčio ir jie vėl taps paleistuvių užmokesčiu”.
8Haddaba taas daraaddeed ayaan u ooyi doonaa oo u barooran doonaa, oo anoo cago cad oo qaawan ayaan wareegi doonaa, oo waxaan u dhawaaqi doonaa sida dawacooyinku u ciyaan oo kale, oo waxaan u qaylin doonaa sida goroyadu u cido oo kale.
8Aš raudosiu ir dejuosiu, vaikščiosiu basas ir nuogas, kauksiu kaip šakalai, dejuosiu lyg pelėdos,
9Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.
9nes jos žaizda nepagydoma, ji pasiekė Judą, palietė mano tautos vartus­Jeruzalę.
10Gad ha ku dhex sheegina, hana ooyina, oo Beytlecafraah dhexdeeda boodhka ku galgasha.
10Neskelbkite Gate, neverkite garsiai! Bet Leafroje voliokitės dulkėse!
11Kaaga Shaafiir degganow, bax adoo qaawan oo ceebaysan. Kan Sa'anaan degganu soo ma bixin. Baroorta Beytesel waxay idinka qaadan doontaa meesha aad ku tiirsato.
11Išeikite visi, Šafyro gyventojai, gėdingai apnuoginti! Caanano gyventojai, pasilikite mieste, neišeikite! Bet Ecelyje raudos visi, netekę savo vietos.
12Waayo, kan Maarood degganu aad buu u sugayaa wanaag, maxaa yeelay, belaayo baa xagga Rabbiga ka soo degtay, oo waxay soo gaadhay iridda Yeruusaalem.
12Ko gero gali laukti Maroto gyventojai? Juk nelaimė atėjo nuo Viešpaties ir pasiekė Jeruzalės vartus.
13Kan Laakiish degganow, gaadhiga ku dhuuji faraska dheereeya. Laakiish waxay dadka Siyoon u ahayd bilowgii dembiga, maxaa yeelay, xadgudubyadii dadka Israa'iil ayaa laga dhex helay.
13Lachišo miesto gyventojai, kinkykite žirgus ir bėkite! Jūs buvote Siono dukteriai nuodėmės pradžia, nes jumyse atrasti Izraelio nusikaltimai.
14Haddaba sidaas daraaddeed waxaad Mooreshed Gad siin doontaa hadiyado. Reeraha Aksiib waxay boqorrada dalka Israa'iil u noqon doonaan wax khiyaano badan.
14Todėl jūs duosite dovanas Morešet Gatui. Achzibo namai taps apgaule Izraelio karaliams.
15Kan Maareeshaah degganow, weli waxaan kuu keeni doonaa kan ku hantiyi doona. Dalka Israa'iil sharaftiisu waxay gaadhi doontaa xataa tan iyo Cadullaam.Xiiro oo timahaaga iska jar carruurtaadii aad jeclayd daraaddood, oo intaad xiirata sii ballaadhi sida bidaarta gorgorka oo kale, waayo, iyagu way kaa tageen, oo waxaa loo kaxaystay maxaabiis ahaan.
15Marešos gyventojai, jums atvesiu paveldėtoją, jis nueis iki Adulamo­Izraelio šlovės.
16Xiiro oo timahaaga iska jar carruurtaadii aad jeclayd daraaddood, oo intaad xiirata sii ballaadhi sida bidaarta gorgorka oo kale, waayo, iyagu way kaa tageen, oo waxaa loo kaxaystay maxaabiis ahaan.
16Nusikirpk ir nusiskusk plaukus, liūdėdamas savo mylimų vaikų, tapk plikas kaip erelis, nes jie išvesti iš tavęs į nelaisvę.