1Sayidku sidee buu xanaaqiisii magaalada Siyoon daruur ugu daboolay! Quruxdii dadka Israa'iilna samaduu ka soo tuuray oo dhulkuu ku soo xooray, Oo maalintii cadhadiisa meeshuu cagaha dhigan jiray sooma uu xusuusan.
1Viešpats savo rūstybės debesimi aptemdė Siono dukterį. Jis nusviedė Izraelio didybę iš dangaus į dulkes. Rūstybės dieną Jis užmiršo savo pakojį.
2Sayidku wuxuu liqay rugihii dadka Yacquub oo dhan, umana uu tudhin. Wuxuu cadhadiisii ku dumiyey qalcadihii dadka Yahuudah, Oo dhulkuu ku soo xooray iyagii, Oo boqortooyadii iyo amiirradeediiba nijaas buu ku tiriyey.
2Viešpats negailestingai sunaikino visas Jokūbo gyvenvietes, nugriovė Judo dukters tvirtoves, nusviedė į dulkes; karalystė ir kunigaikščiai neteko savo garbės.
3Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan. Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii, Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan.
3Jis savo rūstybėje nulaužė Izraelio ragą, atitraukė nuo jo savo dešinę priešų akivaizdoje ir degė Jokūbe kaip viską ryjanti ugnis.
4Wuxuu qaansadiisii u xootay sidii cadow oo kale, oo gacantiisii midigna wuu u taagay sidii nacab oo kale, Oo wixii isha u roonaa ayuu wada laayay, Oo taambuuggii magaalada Siyoonna cadhadiisuu ugu soo daadiyey sidii dab oo kale.
4Jis savo dešine įtempė lanką kaip priešas ir sunaikino visą Siono dukters išdidumą. Jo įtūžis išsiliejo kaip ugnis.
5Sayidku wuxuu noqday sidii cadow oo kale, oo dadka Israa'iilna wuu liqay, Daarahoodii waaweynaana wuu wada liqay, oo qalcadahoodiina wuu wada burburiyey, Oo dalka Yahuudahna wuxuu ku badiyey baroor iyo oohin.
5Viešpats tapo priešu: prarijo Izraelį, prarijo jo rūmus, pavertė griuvėsiais tvirtoves ir padaugino Judo dukrai vargų ir kančių.
6Taambuuggiisii wuxuu u dumiyey sidii waab beer ku yaal, Oo meeshii shirkiisana wuu baabbi'iyey. Rabbigu wuxuu ka dhigay in Siyoon lagu dhex illoobo iiddii iyo sabtidiiba, Oo dhirifkii cadhadiisa ayuu ku quudhsaday boqorkii iyo wadaadkiiba.
6Savo palapinę Jis sugriovė kaip sodo pastogę, susirinkimų vietą sunaikino. Viešpats pašalino Sione švenčių ir sabatų iškilmes, paniekino savo įtūžyje karalius bei kunigus.
7Sayidku wuu xooray meeshiisii allabariga, oo meeshiisii quduuska ahaydna wuu karhay, Derbiyadii daaraheeda waaweynna gacanta cadowga buu u geliyey. Oo gurigii Rabbigana way ku dhex qayliyeen sidii maalin iid ah.
7Viešpats atmetė savo aukurą, atsisakė šventyklos, o rūmus atidavė į priešų rankas. Jie šūkavo Viešpaties namuose kaip anksčiau iškilmių metu.
8Rabbigu wuu u qastiyey inuu baabbi'iyo derbigii magaalada Siyoon. Xadhig buu ku kala fidiyey, oo gacantiisiina kama celin baabbi'inteedii. Wuxuu ka dhigay dhufays iyo derbi inay baroortaan, oo dhammaantoodna way wada jilceen.
8Viešpats nusprendė Siono dukters sienas sunaikinti. Jis, ištempęs matavimo virvę, ištiesė ranką galutiniam sunaikinimui. Įtvirtinimai ir sienos sunaikinti.
9Irdaheedii dhulkay ku tiimbadeen, oo qataarradeediina wuu wada burburiyey oo jejebiyey. Boqorkeedii iyo amiirradeediiba waxay dhex joogaan quruumaha, sharcigiina innaba ma jiro, Oo nebiyadeediina xagga Rabbiga waxba loogama muujin.
9Vartai sulindo į žemę, užkaiščiai sulinko ir sulūžo, karaliai ir kunigaikščiai išsklaidyti pagonių tautose; įstatymo nebeliko, pranašai nebegauna regėjimų iš Viešpaties.
10Odayaashii magaalada Siyoon iyagoo aamusan ayay dhulka fadhiyaan, Boodh bay madaxa ku shubteen, oo waxay guntadeen joonyado. Bikradihii Yeruusaalem madaxay dhulka ku foororiyeen.
10Siono dukters vyresnieji sėdi tylėdami ant žemės, galvas apsibarstę pelenais ir apsisiautę ašutinėmis. Jeruzalės mergaitės stovi, nuleidusios galvas.
11Indhahaygii ilmay la gudheen, uurkuna waa i gubanayaa, Oo aad baan u caloolxumahay, waayo, waxaa la baabbi'iyey dadkaygii, Maxaa yeelay, carruurtii iyo naasonuugyadiiba jidadka magaalada bay ku itaal darnaadaan.
11Mano akys paraudo nuo ašarų, siela nerimsta, širdis plyšta iš skausmo dėl tautos sunaikinimo; kūdikiai ir vaikai alpsta miesto gatvėse.
12Waxay hooyooyinkood ku yidhaahdaan, Meeh hadhuudhkii iyo khamrigii? Iyagoo jidadka magaalada ku itaaldaran sida dad dhaawac ah oo kale, Markii ay naftoodu kaga baxayso laabta hooyooyinkood.
12Jie sako motinoms: “Kur grūdai ir vynas?”, kai alpsta, lyg būtų sunkiai sužeisti, ir miršta motinų glėbyje.
13Magaalada Yeruusaalemay, maxaan kuu maragfuraa? Maxaanse kuu ekaysiiyaa? Magaalada Siyoonay, bal maxaan kaala mid dhigaa si aan kuugu qalbi qabowjiyo? Waayo, jabkaagu wuxuu u weyn yahay sida badda oo kale. Bal yaa ku bogsiin kara?
13Jeruzale, kuo paguosiu ir kam prilyginsiu tavo kančias? Siono dukterie, kuo pastiprinsiu tave? Tavo žaizda yra didelė kaip jūra. Kas gali pagydyti tave?
14Nebiyadaadii waxay arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo doqonnimo ah, Oo xumaantaadiina daaha sow kama ay qaadin si maxaabiistaadii laguugu soo celiyo, Laakiinse waxay kuu arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo ku leexiya.
14Tavo pranašai pranašavo tuštybes ir kvailystes. Jie neatidengė tavo kalčių, kad apsaugotų nuo tremties. Jie matė melagingų regėjimų dėl tavęs ir apgaulę.
15Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan, Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan, Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa?
15Dabar praeiviai ploja rankomis, švilpia ir kraipo galvas, žiūrėdami į Jeruzalę: “Ar taip atrodo miestas, kurį vadino grožio tobulybe ir visos žemės džiaugsmu?”
16Cadaawayaashaadii oo dhammu afkay kugu kala qaadeen, Intay foodhyaan oo ilko jirriqsadaan ayay waxay yidhaahdaan, Waannu liqnay. Sida xaqiiqada ah tanu waa maalintii aannu sugaynay, Waannu helnay oo waannu aragnay.
16Tavo priešai atvėrė burnas prieš tave, švilpia, griežia dantimis. Jie sako: “Mes prarijome ją! Tai diena, kurios laukėme. Mes sulaukėme ir matome tai!”
17Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talo galay, Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey. Wuu dumiyey, umana uu tudhin. Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo, Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.
17Ką Viešpats nusprendė, tą įvykdė. Jo seniai paskelbti žodžiai išsipildė. Jis griovė ir nesigailėjo, o tavo priešams leido džiaugtis ir išaukštino jų ragus.
18Qalbigoodii Sayidkuu ugu qayliyey. Derbiga magaalada Siyoonow, habeen iyo maalinba ilmadaadu ha u qulqusho sida webi oo kale. Nafsaddaada nasasho ha siin, oo yaan ishaadu joogsan.
18Jų širdys šaukėsi Viešpaties: “Siono dukters siena!” Tavo ašaros tegul teka srovėmis dieną ir naktį! Nesudėk akių ir nesiilsėk!
19Sara joogso, oo habeenkii gelinkiisa hore qayli. Qalbigaaga sida biyo oo kale Sayidka hortiisa ugu daadi. Gacmaha xaggiisa ugu hoorso carruurtaada yaryar naftooda aawadeed, Kuwaasoo jid kasta rukunkiisa gaajo ugu itaaldaran.
19Maldauk vakare ir nakčia! Išliek savo širdį kaip vandenį Viešpaties akivaizdoje. Pakelk rankas į Jį dėl savo vaikų gyvybės, kurie alpsta iš bado gatvėse.
20Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?
20Viešpatie, pažvelk! Argi esi ką panašaus matęs? Nejaugi motinos turi valgyti savo vaisių, kūdikius, kuriuos glamonėjo? Argi kunigai ir pranašai turi būti žudomi Viešpaties šventykloje?
21Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.
21Gatvių dulkėse guli jauni ir seni. Jaunuoliai ir mergaitės krito nuo kardo. Pykčio metu juos nužudei, išžudei nesigailėdamas.
22Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.
22Tu pašaukei iš visų kampų lyg į šventas iškilmes mano priešus taip, kad Viešpaties įtūžio dieną nė vienas neištrūko ir nepabėgo. Kuriuos auginau ir auklėjau, sunaikino priešas.