Somali

Lithuanian

Leviticus

10

1Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin.
1Aarono sūnūs Nadabas ir Abihuvas ėmė smilkytuvus, įsidėjo ugnies bei smilkalų ir aukojo Viešpačiui svetimą ugnį, ko Jis jiems nebuvo įsakęs.
2Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen.
2Tada išsiveržusi iš Viešpaties ugnis juodu prarijo; jie mirė Viešpaties akivaizdoje.
3Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.
3Mozė tarė Aaronui: “Taip kalbėjo Viešpats: ‘Pasirodysiu šventas tuose, kurie prie manęs artinasi, ir būsiu pašlovintas visos tautos akivaizdoje’ ”. Tai girdėdamas, Aaronas tylėjo.
4Markaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda.
4Mozė, pasišaukęs Aarono dėdės Uzielio sūnus Mišaelį ir Elcafaną, jiems tarė: “Eikite, paimkite jūsų brolius iš šventyklos ir išneškite juos už stovyklos”.
5Sidaas daraaddeed way u dhowaadeen, oo wayna qaadeen iyagoo jubbadahoodii gashan, waxayna geeyeen xerada dibaddeedii sidii Muuse yidhi.
5Juodu priėję paėmė juos, apvilktus drobinėmis jupomis, ir išnešė laukan, kaip jiems buvo liepta.
6Markaasaa Muuse ku yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey.
6Mozė sakė Aaronui ir jo sūnums Eleazarui ir Itamarui: “Nenudenkite savo galvų ir neperplėškite drabužių, kad kartais nemirtumėte ir bausmė nekristų visiems izraelitams. Jūsų broliai ir visi izraelitai teaprauda sudeginimą, kurį Viešpats siuntė.
7Oo idinku waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka yeydnan dhimane, waayo, waxaa korkiinna ku taal saliiddii subkidda oo Rabbiga, oo iyana waxay yeeleen si waafaqsan eraygii Muuse.
7Jūs nesitraukite nuo palapinės, kad nežūtumėte, kadangi esate patepti šventu aliejumi”. Jie darė visa, ką Mozė įsakė.
8Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
8Po to Viešpats tarė Aaronui:
9Ha cabbina khamri amase wax lagu sakhraamo, adiga iyo wiilashaada kula jira toona, markaad teendhada shirka gashaan yeydnan dhimane, oo taasu weligiin iyo ab ka ab qaynuun bay idiin ahaan doontaa,
9“Tu ir tavo sūnūs vyno ir stipraus gėrimo negerkite, eidami Susitikimo palapinėn, kad nemirtumėte; tai yra amžinas įsakymas visoms jūsų kartoms,
10oo waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah;
10kad skirtumėte, kas šventa ir nešventa, kas švaru ir kas nešvaru,
11iyo inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.
11ir galėtumėte mokyti izraelitus visų mano įstatymų, kuriuos daviau per Mozę”.
12Kolkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.
12Mozė kalbėjo Aaronui ir likusiems sūnums Eleazarui bei Itamarui: “Imkite aukos dalį, kuri lieka iš duonos aukos Viešpačiui, ir ją neraugintą valgykite prie aukuro, nes ji šventa.
13Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.
13Valgykite šventoje vietoje, kas tau ir tavo sūnums duota iš aukų Viešpačiui, nes taip man įsakyta;
14Oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado waa inaad meel daahirsan ku cuntaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jiraaba, waayo, kuwaasu waa intii adiga iyo wiilashaada looga amray allabaryada qurbaannada nabaadiinada ah oo reer binu Israa'iil ay bixiyaan.
14taip pat krūtinę, kuri buvo siūbuota, ir aukos petį valgykite nesuteptoje vietoje tu, tavo sūnūs ir dukterys, nes tai duota tau ir tavo vaikams iš izraelitų padėkos aukų.
15Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.
15Petys ir krūtinė, kurie buvo atnešti su aukos taukais ir siūbuojami Viešpaties akivaizdoje, priklauso tau. Tai amžinas Viešpaties duotas įstatymas”.
16Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.
16Mozė stropiai ieškojo ožio, kuris buvo aukotas už nuodėmę, ir rado jį sudegintą. Jis, supykęs ant abiejų Aarono sūnų Eleazaro ir Itamaro, paklausė:
17War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?
17“Kodėl nesuvalgėte šventoje vietoje aukos už nuodėmę, kurią Dievas jums atidavė, kad pašalintumėte tautos kaltes ir atliktumėte sutaikinimą už juos Viešpaties akivaizdoje?
18Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray.
18Aukos kraujas nebuvo įneštas į šventyklą, jūs turėjote ją valgyti šventoje vietoje, kaip man įsakyta”.
19Markaasaa Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd?Muusena markuu taas maqlay raalli buu ka noqday.
19Aaronas atsakė: “Šiandien jie aukojo auką už nuodėmę ir deginamąją auką Viešpaties akivaizdoje, ir man taip atsitiko. Jei aš šiandien valgyčiau auką už nuodėmę, ar tai būtų priimtina Viešpačiui?”
20Muusena markuu taas maqlay raalli buu ka noqday.
20Tai girdėdamas, Mozė priėmė pasiteisinimą.