Somali

Lithuanian

Leviticus

9

1Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,
1Aštuntą dieną Mozė pasišaukė Aaroną, jo sūnus bei Izraelio vyresniuosius
2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.
2ir tarė Aaronui: “Imk iš bandos veršį aukai už nuodėmę ir aviną deginamajai aukai, abu sveikus, ir juos aukok Viešpačiui.
3Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.
3O Izraelio vaikams sakyk: ‘Imkite aukai už nuodėmę ožį, metinį veršį bei avinėlį deginamajai aukai,
4Oo dibi iyo wanna waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu idiin muuqan doonaa.
4padėkos aukai jautį ir aviną, kad aukotumėte juos Viešpaties akivaizdoje, ir duonos auką, sumaišytą su aliejumi, nes šiandien jums pasirodys Viešpats’ ”.
5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.
5Jie atgabeno prie Susitikimo palapinės visa, ką Mozė liepė. Ir visa tauta priartėjo ir atsistojo prieš Viešpatį.
6Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa.
6Mozė tarė: “Tai padaryti įsakė Viešpats, ir Viešpaties šlovė pasirodys jums”.
7Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.
7Tada Mozė sakė Aaronui: “Eik prie aukuro ir aukok savo auką už nuodėmę ir deginamąją auką, ir atlik sutaikinimą už save, ir aukok tautos auką, ir sutaikink ją, kaip Viešpats įsakė”.
8Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga.
8Aaronas priėjo prie aukuro ir papjovė veršį aukai už savo nuodėmę.
9Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.
9Jo sūnūs padavė jam aukos kraujo, o jis, pamirkęs jame pirštą, patepė aukuro ragus ir likusį kraują išliejo prie jo papėdės.
10Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.
10Aukos už nuodėmę taukus, inkstus ir kepenų tinklelį sudegino ant aukuro, kaip Viešpats įsakė Mozei,
11Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah.
11o mėsą ir odą sudegino už stovyklos.
12Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
12Po to papjovė deginamąją auką. Jo sūnūs padavė jam jos kraują, kurį jis šlakstė aplink aukurą.
13Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.
13Padavė jam taip pat sukapotą į gabalus pačią auką ir jos galvą. Visa tai jis sudegino ant aukuro.
14Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.
14Apiplovęs vandeniu vidurius ir kojas, taip pat sudegino ant aukuro.
15Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay.
15Po to jis aukojo tautos auką. Paėmęs ožį, aukojo jį už tautos nuodėmę, ir papjovė jį, kaip ir pirmąją auką už nuodėmę.
16Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa, oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey.
16Ir jis aukojo deginamąją auką, kaip įsakyta.
17Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.
17Ir atnešė duonos auką, ir, paėmęs jos saują, sudegino ant aukuro, neskaitant rytinės deginamosios aukos.
18Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
18Papjovė taip pat jautį ir aviną kaip tautos padėkos auką. Aarono sūnūs padavė jam kraują, kurį jis šlakstė aplink aukurą.
19Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka.
19Jaučio ir avino uodegą, inkstus su taukais bei kepenų tinklelį
20Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga.
20padėjo ant krūtinių ir sudegino taukus ant aukuro,
21Kolkaasaa Haaruun Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo ugu ruxruxay sakaarradii iyo bowdadii midig, sidii Muuse amray.
21o krūtines ir dešinius pečius Aaronas paėmęs siūbavo Viešpaties akivaizdoje, kaip Mozė buvo įsakęs.
22Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada.
22Tada Aaronas, ištiesęs ranką į tautą, palaimino ją. Baigęs aukoti aukas už nuodėmes, deginamąsias ir padėkos aukas, pasitraukė nuo aukuro.
23Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay.Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.
23Po to Mozė ir Aaronas įėjo Susitikimo palapinėn. Išėję palaimino tautą. Viešpaties šlovė pasirodė visiems žmonėms.
24Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.
24Atėjusi nuo Viešpaties ugnis prarijo deginamąją auką ir buvusius ant aukuro taukus. Tai išvydusi, minia šaukė ir parpuolė savo veidais į žemę.