1Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
1Viešpats kalbėjo Mozei:
2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.
2“Sakyk izraelitams: ‘Jei kas padarytų įžadą ir pasižadėtų tarnauti Dievui, mokės nustatytą kainą.
3Oo inta labka ah oo jirta labaatan sannadood iyo ilaa lixdan sannadood qiimayntooda aad qiimayso waa inay ahaataa konton sheqel oo lacag ah oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
3Vyras nuo dvidešimties ligi šešiasdešimties metų mokės penkiasdešimt šekelių sidabro pagal šventyklos šekelį;
4Oo qofku hadduu dhaddig yahayna markaas qiimayntaadu ha ahaato soddon sheqel.
4moteristrisdešimt.
5Oo qofku hadduu shan sannadood jiro iyo ilaa labaatan sannadood, markaas kii lab waxaad ku qiimaysaa labaatan sheqel, oo tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel.
5Vyras nuo penkerių ligi dvidešimties metųdvidešimt šekelių sidabro, o moterisdešimt.
6Oo haddii qofku jiro bil iyo ilaa shan sannadood, markaas qofkii lab waxaad ku qiimaysaa shan sheqel oo lacag ah, tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa saddex sheqel oo lacag ah.
6Už berniuką nuo vieno mėnesio ligi penkerių metųpenkis šekelius sidabro, už mergaitętris.
7Oo haddii qofku lixdan jir yahay amase ka sii weyn yahay, hadduu lab yahay waxaad ku qiimaysaa shan iyo toban sheqel, hadduu dhaddig yahayna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel.
7Vyras šešiasdešimties metų ir vyresnis mokės penkiolika šekelių sidabro, moterisdešimt.
8Laakiinse qofku hadduu ka miskiinsan yahay intaad ku qiimaysay, markaas waa in la soo taagaa wadaadka hortiisa, oo wadaadku waa inuu qiimeeyaa, oo qofkii nidarka galay intuu awoodo waa in wadaadku ku qiimeeyaa.
8Jei bus beturtis ir paskirtos sumos negalės sumokėti, kreipsis į kunigą, kuris nustatys, kiek tas asmuo gali duoti.
9Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan.
9Jei kas pažadėtų duoti gyvulį, tinkamą aukoti Viešpačiui, tai tas pažadėtasis gyvulys
10Oo isagu waa inuusan doorin, ama waa inuusan neef fiican mid xun ku beddelin, ama neef xun mid fiican ku beddelin, oo hadduu neef neef kale ku beddelo, markaas neefkii hore iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan.
10negalės būti pakeistas nei geresniu, nei blogesniu. O jei pakeistų, ir pakeistasis, ir pirmykštis priklausys Viešpačiui.
11Oo neefku hadduu yahay neef nijaas ah oo aan Rabbiga qurbaan loogu bixin, markaas isagu neefka ha soo taago wadaadka hortiisa,
11Jei kas pažadėtų duoti nešvarų gyvulį, kuris netinka aukai Viešpačiui, jis bus atvestas pas kunigą,
12oo wadaadku ha qiimeeyo, hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo adiga wadaadka ahu intii aad ku qiimayso waa inay ahaataa.
12kuris nuspręs, ar jis tinka, ir nustatys jo kainą.
13Laakiinse isagu hadduu doonayo inuu furto, waa inuu ku sii daraa intii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed.
13Jei aukojantis norės jį išpirkti, pridės prie įkainojimo sumos dar penktą dalį.
14Oo haddii qof doonayo inuu gurigiisa quduus uga dhigo Rabbiga, markaas wadaadku waa inuu qiimeeyaa hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo sidii wadaadku ku qiimeeyo ha ahaato.
14Jei kas pažadėtų aukoti namus, pašvęsdamas juos Viešpačiui, kunigas apžiūrės, ar jie tinkami, ir nustatys jų vertę.
15Oo kii quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu gurigiisii soo furto, markaas ha ku sii daro lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, markaas isagaa lahaan doona.
15O jei aukotojas norėtų juos išpirkti, pridės prie nustatytos sumos dar penktą dalį ir namai bus jo.
16Oo haddii nin doonayo inuu Rabbiga quduus uga dhigo qaar ka mid ah beertuu leeyahay, markaas waxaad ku qiimaysaa inta abuurkeedu dhan yahay; xomeer muggiis oo shaciir abuur ah waa in lagu qiimeeyaa konton sheqel oo lacag ah.
16Jei kas pažadėtų aukoti savo paveldėtą žemę, pašvęsdamas ją Viešpačiui, jos vertė bus nustatyta pagal sėją. Jei žemė apsėjama vienu homeru miežių, ji bus įkainota penkiasdešimt šekelių sidabro.
17Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.
17Jei jis pašvenčia dirvą tuojau po jubiliejaus metų, jos vertė bus visa.
18Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa.
18O jei ji pašvenčiama kuriam laikui praėjus po jubiliejaus metų, kunigas apskaičiuos jos vertę pagal metų skaičių, likusį ligi jubiliejaus metų.
19Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa.
19Jei aukotojas panorės išpirkti ją, pridės penktą dalį prie paskirtos kainos ir ją atsiims.
20Laakiinse hadduusan doonayn inuu beerta soo furto, ama hadduu beerta nin kale ka iibiyey, markaas mar dambe waa inaan la soo furan,
20Jei nenorėtų išpirkti ir ji bus parduota kitam, aukotojas nebegalės vėliau jos išpirkti,
21laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka.
21nes, atėjus jubiliejaus metams, ji bus pašvęsta Viešpačiui, o pašvęsti dalykai priklauso kunigams.
22Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah,
22Jei pirktinė, o ne paveldėta dirva būtų pažadėta Viešpačiui,
23markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.
23kunigas apskaičiuos jos vertę pagal skaičių metų ligi jubiliejaus, ir aukotojas tą sumą paaukos Viešpačiui.
24Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.
24Jubiliejaus metais ji grįš pirmajam savininkui, kuris ją valdė kaip savo paveldo dalį.
25Oo waxa aad wax ku qiimayso oo dhammu waa inay waafaqsanaadaan sheqelka meesha quduuska ah, oo sheqelku waa inuu ahaadaa labaatan geeraah.
25Kiekvienas įkainojimas bus daromas pagal šventyklos šekelį. Šekelį sudaro dvidešimt gerų.
26Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga.
26Pirmagimių gyvulių, kurie priklauso Viešpačiui, niekas negalės pašvęsti: ar tai bus jautis, ar avis,jie yra Viešpaties.
27Oo hadduu yahay neef nijaas ah markaas isagu waa inuu ku furtaa intii aad ku qiimayso, oo weliba waa inuu ku sii daraa intaas oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo haddaan la soo furanna waa in lagu iibiyaa intii aad ku qiimayso.
27Jei gyvulys yra nešvarus, aukotojas išpirks jį pagal įkainojimą ir pridės penktą kainos dalį; jei išpirkti nenorėtų, bus parduotas už tiek, kiek buvo įkainotas.
28Habase yeeshee wixii gooni loo sooco, oo qof waxyaalihiisa oo dhan Rabbiga uga sooco, hadday waxaasu yihiin qof, ama neef, ama beerta hantidiisa ah, waa inaan innaba la iibin ama la furan, waayo, wax kasta oo gooni loo sooco waa wax Rabbiga ugu wada quduusan.
28Visa, kas Viešpačiui pašvęsta,ar tai žmogus, ar gyvulys, ar dirvanebus parduodama ir negali būti išpirkta. Visi Viešpačiui pašvęsti dalykai yra Jo.
29Oo qof alla qofkii gooni loo sooco oo dadka laga sooco oo dhan waa inaan innaba la soo furan, laakiinse hubaal waa in la dilaa.
29Nieko iš žmonių, kurie yra pašvęsti, negalima išpirkti, bet jie turi mirti.
30Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa wax Rabbiga quduus u ah.
30Visos javų ir vaisių derliaus dešimtinės yra Viešpaties ir Jam priklauso.
31Oo haddii qof doonayo inuu wax meeltobnaadkiisii ah furto waa inuu ku daraa waxaas oo shan meelood loo dhigay meeshood.
31Jei kas norėtų išpirkti savo dešimtines, pridės penktą jų vertės dalį.
32Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan, wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga quduus u ahaadaa.
32Galvijų, avių, ožkų ir viso, kas piemenų ganoma, kiekviena dešimta galva bus pašvęsta Viešpačiui.
33Oo neefkaasu inuu xun yahay iyo inuu fiican yahay, isagu waa inuusan kala hubsan, waana inuusan beddelin, oo kolnaba hadduu beddelo, markaas isagii iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan ee aan la soo furan.Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.
33Gyvuliai nebus atrenkami ir nebus vienas kitu pakeičiami. Jei kas pakeistų, tai abu gyvuliai bus pašvęsti Viešpačiui ir nebus išperkami’ ”.
34Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.
34Šituos įsakymus Viešpats davė Mozei dėl Izraelio vaikų Sinajaus kalne.