1Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidladii Siinay, isagoo ku jira teendhadii shirka, bishii labaad maalinteedii kowaad, oo ah sannaddii labaad oo ay dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,
1Antraisiais metais, izraelitams išėjus iš Egipto, antro mėnesio pirmą dieną Viešpats kalbėjo Mozei Sinajaus dykumoje Susitikimo palapinėje:
2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya qolo qolo iyo reer reer, sida ay tirada magacyadoodu tahay, nin kasta madax madax u tiriya.
2“Suskaičiuokite visus izraelitų vyrus pagal jų kilmę ir šeimas,
3Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan.
3visus dvidešimties metų ir vyresnius vyrus, tinkamus karui. Tu ir Aaronas suskaičiuokite juos pagal jų būrius.
4Oo waa inuu idinla jiraa qabiil kasta nin ka mid ah oo reerka aabbihiis madax u ah.
4Jums padės kiekvienos giminės vyresnieji.
5Oo nimanka isla kiin taagi doona magacyadooduna waa kuwan: reer Ruubeen waxaa ka iman Eliisuur ina Shedeeyuur.
5Jų vardai: iš RubenoŠedeūro sūnus Elicūras,
6Reer Simecoonna waxaa ka iman Shelumii'eel ina Suuriishadday.
6iš SimeonoCūrišadajo sūnus Šelumielis,
7Reer Yahuudahna waxaa ka iman Naxshoon ina Cammiinaadaab.
7iš JudoAminadabo sūnus Naasonas,
8Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.
8iš IsacharoCuaro sūnus Netanelis,
9Reer Sebulunna waxaa ka iman Elii'aab ina Xeelon.
9iš ZabulonoHelono sūnus Eliabas,
10Oo kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
10iš Juozapo sūnų: iš EfraimoAmihudo sūnus Elišama ir iš Manaso Pedacūro sūnus Gamelielis,
11Oo reer Benyaamiinna waxaa ka iman Abiidaan ina Gidconii.
11iš BenjaminoGideonio sūnus Abidanas,
12Oo reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday.
12iš DanoAmišadajo sūnus Ahiezeras,
13Oo reer Aasheerna waxaa ka iman Fagcii'eel ina Cokraan.
13iš AšeroOchrano sūnus Pagielis,
14Oo reer Gaadna waxaa ka iman Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
14iš GadoDeuelio sūnus Eljasafas,
15Oo reer Naftaalina waxaa ka iman Axiirac ina Ceynaan.
15iš NeftalioEnano sūnus Ahyra”.
16Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.
16Šitie yra tautos išrinktieji, atskirų giminių kunigaikščiai ir Izraelio tūkstančių vadai.
17Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay kaxaysteen nimankaas la magacaabay,
17Mozė ir Aaronas su šiais išvardintais vyrais
18oo shirkii oo dhan ayay isu soo ururiyeen bishii labaad maalinteedii kowaad, oo waxay u soo abtirsadeen qolo qolo iyo reer reer, oo ay madax madax u tiriyeen sida tirada magacyadoodu ay ahayd intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba.
18antrojo mėnesio pirmą dieną surinko vyrus pagal jų gimines ir šeimas, visus turėjusius dvidešimt metų ir vyresnius,
19Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.
19kaip Viešpats buvo įsakęs Mozei, ir suskaičiavo juos Sinajaus dykumoje.
20Oo reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
20Izraelio pirmagimio Rubeno giminės vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
21intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Ruubeen waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.
21buvo suskaičiuota keturiasdešimt šeši tūkstančiai penki šimtai.
22Oo reer Simecoon farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, kuwii iyaga laga tiriyey sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
22Iš Simeono sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
23intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Simecoon waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.
23buvo suskaičiuota penkiasdešimt devyni tūkstančiai trys šimtai.
24Oo reer Gaadna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
24Iš Gado sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
25intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Gaad waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.
25buvo suskaičiuota keturiasdešimt penki tūkstančiai šeši šimtai penkiasdešimt.
26Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
26Iš Judo sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
27intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
27buvo suskaičiuota septyniasdešimt keturi tūkstančiai šeši šimtai.
28Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
28Iš Isacharo sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
29intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.
29buvo suskaičiuota penkiasdešimt keturi tūkstančiai keturi šimtai.
30Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
30Iš Zabulono sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
31intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.
31buvo suskaičiuota penkiasdešimt septyni tūkstančiai keturi šimtai.
32Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
32Iš Juozapo giminės, Efraimo sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
33intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
33buvo suskaičiuota keturiasdešimt tūkstančių penki šimtai.
34Oo reer Manasehna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
34Iš Manaso sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
35intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Manaseh waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.
35buvo suskaičiuota trisdešimt du tūkstančiai du šimtai.
36Oo reer Benyaamiinna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
36Iš Benjamino sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
37intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Benyaamiin waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.
37buvo suskaičiuota trisdešimt penki tūkstančiai keturi šimtai.
38Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
38Iš Dano sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
39intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Daan waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.
39buvo suskaičiuota šešiasdešimt du tūkstančiai septyni šimtai.
40Oo reer Aasheerna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
40Iš Ašero sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
41intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Aasheer waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.
41buvo suskaičiuota keturiasdešimt vienas tūkstantis penki šimtai.
42Oo reer Naftaalina farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
42Iš Neftalio sūnų vyrų, dvidešimties metų ir vyresnių, tinkančių eiti į karą, pagal jų kilmę ir šeimas
43intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Naftaali waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.
43buvo suskaičiuota penkiasdešimt trys tūkstančiai keturi šimtai.
44Kuwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis.
44Tai vyrai, kuriuos suskaičiavo Mozė, Aaronas ir dvylika Izraelio vyresniųjų, kiekvieną pagal jų kilmę, giminę ir šeimas,
45Haddaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay,
45dvidešimties metų ir vyresni, tinkantys eiti į karą.
46xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.
46Iš viso jų buvo suskaičiuota šeši šimtai trys tūkstančiai penki šimtai penkiasdešimt.
47Laakiinse qabiilkii reer Laawi reer reer looma tirin.
47Nebuvo priskaičiuoti tik levitai,
48Waayo, Rabbigu waa la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,
48nes Viešpats kalbėjo Mozei:
49Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,
49“Levio giminės vyrų neskaičiuok kartu su Izraelio sūnumis,
50laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.
50bet paskirk juos šventai tarnystei prie Susitikimo palapinės. Jie nešios palapinę ir visus jos daiktus ir tarnaus prie jos bei gyvens aplink palapinę.
51Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.
51Keliantis į kitą vietą, levitai išardys palapinę, o sustojusvėl išties ją. Jei kas pašalinis prisiartintų prie jos, bus baudžiamas mirtimi.
52Oo reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin.
52Izraelitai statys savo palapines kiekvienas savoje stovykloje bei jiems paskirtoje vietoje,
53Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay wada yeeleen.
53o levitai statys savo palapines aplink Susitikimo palapinę, kad Izraelio vaikai neiššauktų mano rūstybės. Levitai eis sargybą prie Susitikimo palapinės”.
54Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay wada yeeleen.
54Izraelitai padarė visa, ką Viešpats buvo įsakęs Mozei.