Somali

Lithuanian

Numbers

2

1Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,
1Viešpats kalbėjo Mozei ir Aaronui:
2Reer binu Israa'iil waa in nin waluba teendhadiisa ka ag dhistaa calankiisa, iyagoo ag jooga bandiiradihii reerka aabbahood, oo waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan meel teendhada shirka ka hor jeedda oo hareeraheeda ah.
2“Izraelitai privalo ištiesti savo palapines aplink Sandoros palapinę pagal giminės eilę, kiekviena giminė su savo vėliava.
3Oo kuwa ka dhistaa xagga bari dhanka qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan kuwa calanka xerada reer Yahuudah sida ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Yahuudahna waa inuu ahaadaa Naxshoon ina Cammiinaadaab.
3Rytų pusėje savo būrių palapines išties Judas, jo vadas yra Aminadabo sūnus Naasonas.
4Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
4Jo giminės vyrų, tinkančių eiti į karą, yra septyniasdešimt keturi tūkstančiai šeši šimtai.
5Oo kuwa ku xiga oo agtiisa ka dhistaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Isaakaar, oo amiirka reer Isaakaarna waa inuu ahaadaa Netaneel ina Suucaar.
5Šalia jo įrengs savo stovyklą Isacharo giminė, jos vadas yra Cuaro sūnus Netanelis.
6Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.
6Jo karių yra penkiasdešimt keturi tūkstančiai keturi šimtai.
7Qabiilka reer Sebulunna, oo amiirka reer Sebulunna waa inuu ahaadaa Elii'aab ina Xeelon.
7Zabulono giminės vadas yra Helono sūnus Eliabas.
8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.
8Jo giminės vyrų, tinkančių karui, yra penkiasdešimt septyni tūkstančiai keturi šimtai.
9Oo kulli intii xerada reer Yahuudah laga tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen boqol iyo lix iyo siddeetan kun iyo afar boqol, siday ciidammadoodu yihiin, oo iyagu waa inay marka hore baxaan.
9Viso Judo stovykloje yra šimtas aštuoniasdešimt šeši tūkstančiai keturi šimtai vyrų. Jie eis pirmieji.
10Oo xagga koonfureedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Ruubeen, siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Ruubeenna waa inuu ahaadaa Eliisuur ina Shedeeyuur.
10Pietinėje pusėje Rubeno stovyklai vadovaus Šedeūro sūnus Elicūras.
11Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.
11Jo vyrų, tinkančių karui, yra keturiasdešimt šeši tūkstančiai penki šimtai.
12Oo kuwa ku xigaana waa inay ahaadaan qabiilka reer Simecoon. Oo amiirka reer Simecoonna waa inuu ahaadaa Shelumii'eel ina Suuriishadday.
12Šalia jo įrengs stovyklą Simeono giminė, kurios vadas yra Cūrišadajo sūnus Šelumielis.
13Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.
13Jo tinkančių karui vyrų skaičius yra penkiasdešimt devyni tūkstančiai trys šimtai.
14Qabiilka reer Gaadna, oo amiirka reer Gaadna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Recuu'eel.
14Gado giminės vadas yra Deuelio sūnus Eljasafas.
15Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.
15Jo karių skaičius yra keturiasdešimt penki tūkstančiai šeši šimtai.
16Oo kulli intii xeradii reer Ruubeen laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo kow iyo konton kun iyo afar boqol iyo konton, siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo iyana waa inay marka labaad baxaan.
16Viso Rubeno stovykloje yra šimtas penkiasdešimt vienas tūkstantis keturi šimtai penkiasdešimt vyrų. Rubeno būriai eis antri.
17Dabadeedna teendhada shirku waa inay baxdaa, iyadoo kooxda reer Laawi ku dhex jirta kooxaha kale, oo siday u degaan waa inay u baxaan, nin kasta oo meeshiis ku jira oo calankooda ag jooga.
17Levitai žygiuos viduryje ir neš Susitikimo palapinę. Jie eis ta tvarka, kaip apsistoja, kiekvienas prie savo vėliavos.
18Oo dhanka galbeedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Efrayim siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Efrayimna waa inuu ahaadaa Eliishaamaac ina Cammiihuud.
18Vakaruose bus Efraimo sūnų stovykla. Jų vadas yra Amihudo sūnus Elišama.
19Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
19Jo vyrų, tinkančių eiti į karą, yra keturiasdešimt tūkstančių penki šimtai.
20Oo qabiilka reer Manaseh waa inuu ku xigaa; oo amiirka reer Manasehna waa inuu ahaadaa Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
20Šalia jų bus Manaso giminė. Jos vadas yra Pedacūro sūnus Gamelielis.
21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.
21Jo vyrų, tinkančių karui, yra trisdešimt du tūkstančiai du šimtai.
22Qabiilkii reer Benyaamiinna, oo amiirka reer Benyaamiinna waa inuu ahaadaa Abiidaan ina Gidconii.
22Benjamino giminės vadas yra Gideonio sūnus Abidanas.
23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.
23Jo vyrų, tinkančių karui, yra trisdešimt penki tūkstančiai keturi šimtai.
24Oo kulli intii xerada reer Efrayim laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo siddeed kun iyo boqol, siday ciidammadoodii ahaayeen. Oo iyana waa inay marka saddexaad baxaan.
24Viso Efraimo stovykloje yra šimtas aštuoni tūkstančiai šimtas karių. Efraimo būriai eis treti.
25Oo dhanka woqooyina waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Daan siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Daanna waa inuu ahaadaa Axiiceser ina Cammiishadday.
25Šiaurėje bus Dano stovykla. Jos vadas yra Amišadajo sūnus Ahiezeras.
26Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.
26Jo vyrų, tinkančių karui, yra šešiasdešimt du tūkstančiai septyni šimtai.
27Oo qabiilka reer Aasheer waa inuu ku xigaa, oo amiirka reer Aasheerna waa inuu ahaadaa Fagcii'eel ina Cokraan.
27Šalia jo išties savo palapines Ašero giminė, kurios vadas yra Ochrano sūnus Pagielis.
28Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.
28Jo vyrų, tinkančių karui, yra keturiasdešimt vienas tūkstantis penki šimtai.
29Qabiilkii reer Naftaalina, oo amiirka reer Naftaalina waa inuu ahaadaa Axiirac ina Ceynaan.
29Šalia jų stovyklaus Neftalio giminė. Jos vadas yra Enano sūnus Ahyra.
30Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.
30Jo vyrų, tinkančių karui, yra penkiasdešimt trys tūkstančiai keturi šimtai.
31Oo kulli intii xerada reer Daan laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo toddoba iyo konton kun iyo lix boqol. Oo iyagu waa inay baxaan marka ugu dambaysa, iyagoo calammadooda ag jooga.
31Viso Dano stovykloje yra šimtas penkiasdešimt septyni tūkstančiai šeši šimtai karių. Jie eis paskutiniai”.
32Kuwaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil siday reerahoodu ahaayeen. Kulli intii xerooyinka laga tiriyey sidii ciidammadoodii ahaayeen waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun iyo shan boqol iyo konton.
32Visų izraelitų vyrų pagal jų gimines, šeimas bei kariuomenės būrius buvo šeši šimtai trys tūkstančiai penki šimtai penkiasdešimt.
33Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.Sidaasay reer binu Israa'iil yeeleen, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray, sidaasay dhammaan uga ag dhisteen calammadoodii, oo sidaasay ugu bexeen siday qoladoodii iyo reerahoodii ahaayeen.
33Levitai nebuvo suskaičiuoti kartu su izraelitais, kaip Viešpats įsakė Mozei.
34Sidaasay reer binu Israa'iil yeeleen, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray, sidaasay dhammaan uga ag dhisteen calammadoodii, oo sidaasay ugu bexeen siday qoladoodii iyo reerahoodii ahaayeen.
34Izraelitai viską padarė taip, kaip Viešpats įsakė. Jie sustodavo ir žygiuodavo būriais, giminėmis ir šeimomis.