Somali

Lithuanian

Numbers

3

1Haddaba kuwanu waxa weeye farcammadii Haaruun iyo Muuse waagii Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay.
1Tuo metu, kai Viešpats kalbėjo Sinajaus kalne, Aarono ir Mozės palikuonys buvo:
2Oo kuwanu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, Naadaab oo curadkii ahaa, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
2Aarono pirmagimis sūnus Nadabas ir Abihuvas, Eleazaras bei Itamaras.
3Kuwaasu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, oo waa wadaaddadii la subkay oo uu gooni uga dhigay inay adeegaan shuqulka wadaadnimada.
3Jie buvo patepti ir pašvęsti kunigų tarnystei.
4Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa.
4Bet Nadabas ir Abihuvas, aukoję svetimą ugnį Viešpačiui Sinajaus dykumose, mirė, nepalikdami vaikų. Aaronui gyvam esant, kunigų tarnystę ėjo Eleazaras ir Itamaras.
5Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
5Viešpats kalbėjo Mozei:
6Qabiilka reer Laawi soo dhowee oo wadaadka Haaruun hortiisa keen inay isaga u adeegaan.
6“Pakviesk Levio giminę pas kunigą Aaroną, kad jam tarnautų.
7Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.
7Jie atliks visus darbus, susijusius su Susitikimo palapine,
8Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.
8prižiūrės jos daiktus ir tarnaus prie palapinės tarp Izraelio vaikų.
9Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.
9Atiduok levitus Aaronui ir jo sūnums; jie visi yra atiduoti jam iš Izraelio vaikų.
10Oo waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa doorataa, oo iyagu waa inay dhawraan wadaadnimadooda, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.
10Aaroną ir jo sūnus paskirk kunigais. Jei kas iš pašalinių artinsis, bus baudžiamas mirtimi”.
11Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
11Viešpats kalbėjo Mozei:
12Oo bal eeg, anna waxaan reer Laawi kala dhex baxay reer binu Israa'iil intii aan ka qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil ee maxalka furta oo dhan, oo reer Laawi waxay ahaanayaan kuwaygii,
12“Aš paėmiau levitus izraelitų pirmagimių vietoje.
13waayo, curadyada oo dhan anigaa iska leh. Maalintii aan curadyadii Masar oo dhan wada laayay ayaan quduus ka wada dhigtay curadyada reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, oo iyagu kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
13Kiekvienas pirmagimis yra mano nuo to laiko, kai išžudžiau pirmagimius Egipte; tuomet pašvenčiau sau izraelitų ir jų gyvulių pirmagimius. Jie yra mano. Aš esu Viešpats”.
14Oo haddana Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidlada Siinay, oo wuxuu ku yidhi,
14Izraelitams esant Sinajaus dykumoje, Viešpats kalbėjo Mozei:
15Reer Laawi oo dhan u soo wada tiri reer reer iyo qolo qolo. Nin kasta oo bil jira ama ka sii weyn waa inaad tirisaa.
15“Suskaičiuok levitus pagal jų šeimas, visus vyriškos giminės asmenis, nuo vieno mėnesio amžiaus”.
16Markaasaa Muuse iyagii u tiriyey sidii eraygii Rabbigu ahaa oo uu isaga ugu amray.
16Mozė suskaitė juos, kaip Viešpats buvo įsakęs.
17Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
17Štai Levio sūnų vardai: Geršonas, Kehatas ir Meraris.
18Oo kuwanuna waa magacyadii wiilashii Gershoon siday qolooyinkoodu yihiin, Libnii iyo Shimcii.
18Geršono sūnūs: Libnis ir Šimis.
19Oo wiilashii Qohaad siday qolooyinkoodu yihiin waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.
19Kehato sūnūs: Amramas ir Iccharas, Hebronas ir Uzielis.
20Oo wiilashii Meraariina siday qolooyinkoodu yihiin waa Maxlii iyo Mushii, kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi siday reerahoodu yihiin.
20Merario sūnūs: Machlis ir Mušis. Tai yra Levio giminė pagal savo šeimas.
21Oo Gershoon waxaa ka soo farcamay reer Libnii iyo reer Shimcii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Gershoon.
21Iš Geršono kilo dvi šeimos: libnių ir šimių.
22Oo kuwii iyaga laga tiriyey siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kulli intoodii la tiriyey waxay ahaayeen toddoba kun iyo shan boqol.
22Jų, vyriškos lyties nuo vieno mėnesio amžiaus, suskaityta septyni tūkstančiai penki šimtai asmenų.
23Oo reer Gershoon qolooyinkoodii waa inay taambuugga dabadiisa xagga galbeedka teendhooyinkooda ka dhistaan.
23Geršono šeimos turėjo statyti savo palapines už Susitikimo palapinės vakarų pusėje,
24Oo amiirka reer Gershoonna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Laa'eel.
24vadovaujami Laelio sūnaus Eljasafo.
25Oo reer Gershoonna waa inay teendhada shirka ugu taliyaan taambuuga, iyo Teendhada, iyo dedkeeda, iyo daaha iridda teendhada shirka,
25Jie buvo atsakingi už Susitikimo palapinę, jos uždangalus, palapinės įėjimo užuolaidą,
26iyo barxadda daahyadeeda, iyo daaha iridda barxadda oo taambuugga iyo meesha allabariga ku wareegsan iyo xadhkihii hawsha lagu qabto oo dhan.
26kiemo užkabas, įėjimo į kiemą užkabą, palapinės virves bei visus jos reikmenis.
27Oo Qohaadna waxaa ka soo farcamay reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel; kuwaasu waa qolooyinkii reer Qohaad.
27Kehato giminei priklausė amramų, iccharų, hebronų ir uzielitų šeimos. Tai yra kehatų šeimos.
28Siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan intii bil jirtay ama ka sii weynayd waxay ahaayeen siddeed kun iyo lix boqol, oo waxay u taliyeen meesha quduuska ah.
28Jų, vyriškos lyties nuo vieno mėnesio amžiaus, suskaityta aštuoni tūkstančiai šeši šimtai asmenų. Jie prižiūrėjo šventyklą.
29Oo qolooyinka reer Qohaad waa inay taambuugga dhankiisa koonfureed teendhooyinkooda ka dhistaan.
29Kehato sūnų šeimos statydavo palapines pietinėje Susitikimo palapinės pusėje.
30Oo amiirka reer Qohaadna waa inuu ahaadaa Eliisaafaan ina Cusii'eel.
30Jiems vadovavo Uzielio sūnus Elicafanas.
31Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan.
31Jie turėjo saugoti skrynią, stalą, žvakidę, aukurus, šventyklos indus, naudojamus tarnavimo metu, uždangą ir visus reikmenis.
32Oo Elecaasaar ina wadaadka Haaruun waa inuu ahaadaa amiirka amiirrada reer Laawi, oo wuxuu korka ka ilaalin doonaa kuwa u taliya meesha quduuska ah.
32Levitų vadų vyriausias buvo Eleazaras, kunigo Aarono sūnus. Jis prižiūrės tuos, kurie rūpinasi šventykla.
33Oo Meraariina waxaa ka soo farcamay reer Maxlii iyo reer Mushii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Meraarii.
33Iš Merario yra kilusios machlių ir mušių šeimos.
34Oo kuwoodii loo tiriyey siday ahayd tiradii kuwii labka ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, waxay ahaayeen lix kun iyo laba boqol.
34Jų, vyriškos lyties nuo vieno mėnesio amžiaus, buvo šeši tūkstančiai du šimtai asmenų.
35Oo qabiilka reer Meraarii amiirkoodii wuxuu ahaa Surii'eel ina Abiixayil, oo iyana waa inay taambuugga dhankiisa woqooyi teendhooyinkooda ka dhistaan.
35Jų vadas buvo Abihailo sūnus Cūrielis, jų stovykla buvo šiaurinėje Susitikimo palapinės pusėje.
36Oo reer Meraarii waxaa loo amray inay u taliyaan taambuugga looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo hawshiisa oo dhan,
36Jie saugojo palapinės lentas, kartis, stulpus, jų pakojus,
37iyo tiirarka barxadda ku wareegsanna, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda iyo xadhkahooda.
37kiemo stulpus, statomus aplinkui, su jų pakojais, kuoleliais ir virvėmis.
38Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.
38Priešais palapinę, rytinėje pusėje, pasistatydavo palapinę Mozė ir Aaronas su savo sūnumis. Jie saugojo šventyklą tarp Izraelio vaikų, nes jei prisiartintų kas iš pašalinių, turėjo būti baudžiamas mirtimi.
39Oo kulli intii reer Laawi ah ee la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay qolo qolo ugu tiriyeen amarkii Rabbiga, kuwii lab ahaa oo dhan oo bil jiray ama ka sii weynaa, waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun.
39Viešpačiui įsakius, Mozė ir Aaronas suskaitė visus levitus vyriškos lyties nuo vieno mėnesio amžiaus. Jų buvo dvidešimt du tūkstančiai asmenų.
40Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tiri curadyada labka ah oo reer binu Israa'iil oo dhan, intii bil jirta ama ka sii weyn, oo magacyadooda ku soo xisaab.
40Viešpats tarė Mozei: “Dabar suskaičiuok visus izraelitų pirmagimius vyriškos lyties nuo vieno mėnesio amžiaus.
41Oo waa inaad ii qaaddaa reer Laawi intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo waa inaad xoolaha reer Laawina ii qaaddaa intii aad ii qaadi lahayd curadyada xoolaha reer binu Israa'iil oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
41Atskirk levitus man­Aš esu Viešpats­vietoj visų Izraelio vaikų pirmagimių ir levitų gyvulius vietoj izraelitų galvijų pirmagimių”.
42Markaasaa Muuse curadyadii reer binu Israa'iil oo dhan u tiriyey sidii Rabbigu ugu amray.
42Mozė suskaitė izraelitų pirmagimius, kaip Viešpats buvo įsakęs.
43Oo curadyadii labka ahaa oo dhammu, sidii tirada magacyadoodu ahayd, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kuwii iyaga laga soo tiriyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan.
43Visų vyriškos lyties pirmagimių nuo vieno mėnesio amžiaus buvo dvidešimt du tūkstančiai du šimtai septyniasdešimt trys.
44Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
44Viešpats kalbėjo Mozei:
45Reer Laawi ii qaad intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo xoolaha reer Laawina ii qaad intii aad ii qaadi lahayd xoolaha reer binu Israa'iil, oo reer Laawi kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
45“Imk levitus vietoje izraelitų pirmagimių ir levitų gyvulius vietoje izraelitų gyvulių. Levitai bus mano. Aš esu Viešpats.
46Oo labada boqol iyo saddex iyo toddobaatanka curad oo reer binu Israa'iil oo ka sii badan reer Laawi,
46Išpirk du šimtus septyniasdešimt tris izraelitų pirmagimius, nes jų yra daugiau negu levitų;
47madaxtiriskiiba waxaad iigu madax furataa shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. (Sheqelku waa labaatan geeraah.)
47imk nuo kiekvieno penkis šekelius sidabro pagal šventyklos šekelį. Šekelis susideda iš dvidešimt gerų.
48Oo tiradooda dheeraadka ah lacagta lagu madax furtay waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa siisaa.
48Atiduok pinigus Aaronui ir jo sūnums už tuos, kurie viršija levitų skaičių”.
49Markaasaa Muuse lacagtii ka qaaday kuwii ka sii badnaa kuwii lagu madax furtay reer Laawi.
49Mozė paėmė išpirkimo pinigus už tuos, kurie viršijo levitų skaičių,
50Oo curadyadii reer binu Israa'iil ayuu ka qaaday lacagtii, oo ahayd kun iyo saddex boqol iyo shan iyo lixdan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.Oo Muuse lacagtii madaxfurashada ahayd wuxuu u dhiibay Haaruun iyo wiilashiisii, siduu ahaa eraygii Rabbigu Muuse ku amray.
50iš izraelitų pirmagimių paėmė pinigus: tūkstantį tris šimtus šešiasdešimt penkis šekelius sidabro pagal šventyklos šekelį.
51Oo Muuse lacagtii madaxfurashada ahayd wuxuu u dhiibay Haaruun iyo wiilashiisii, siduu ahaa eraygii Rabbigu Muuse ku amray.
51Juos atidavė Aaronui ir jo sūnums, vykdydamas Viešpaties įsakymą.