Somali

Lithuanian

Leviticus

4

1Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,
1Viešpats kalbėjo Mozei:
2Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo waxyaalahaas qaarkood,
2“Sakyk izraelitams: ‘Jei kas dėl nežinojimo sulaužytų Dievo įsakymą ir nusikalstų, padarydamas, kas uždrausta,
3iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.
3tai, jei taip nusidėtų pateptasis kunigas ir užtrauktų kaltę tautai, jis aukos už savo nuodėmę Viešpačiui sveiką veršį.
4Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa.
4Jis atves jį prie Susitikimo palapinės durų Viešpaties akivaizdon, uždės ranką ant galvos ir jį papjaus.
5Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo uu teendhada shirka keenaa,
5Pateptasis kunigas, pasiėmęs veršio kraują, įneš Susitikimo palapinėn.
6oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.
6Padažęs pirštą kraujyje, juo pašlakstys septynis kartus Viešpaties akivaizdoje uždangą prieš Švenčiausiąją
7Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.
7ir tuo pačiu krauju pateps ragus Viešpaties smilkalų aukuro, kuris yra Susitikimo palapinėje; visą likusį kraują išlies deginamųjų aukų aukuro papėdėje prie palapinės.
8Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,
8Už nuodėmę jis aukos veršio vidurių taukus,
9iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,
9abu inkstus, ant jų ir prie paslėpsnių esančius taukus ir kepenų tinklelį.
10sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.
10Visa tai kunigas sudegins ant deginamųjų aukų aukuro.
11Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa, iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa,
11Odą, visą mėsą su galva ir kojomis, vidurius ir mėšlą
12iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.
12išgabens už stovyklos į nesuteptą vietą, kur paprastai išpilami aukų pelenai, padės ant malkų krūvos ir sudegins toje vietoje, kur išpilami pelenai.
13Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo, oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin,
13Jei Izraelio tauta dėl nežinojimo nusikalstų Dievui ir nesąmoningai sulaužytų Viešpaties įsakymą, darydama tai, ko neturėtų daryti,
14dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda.
14bet vėliau suprastų savo kaltę, aukos už savo nusidėjimą veršį. Jį atves prie Susitikimo palapinės įėjimo.
15Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco.
15Tautos vyresnieji uždės rankas ant veršio galvos Viešpaties akivaizdoje ir papjaus veršį Viešpaties akivaizdoje.
16Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka,
16Pateptasis kunigas įneš jo kraują Susitikimo palapinėn
17oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.
17ir, padažęs pirštą, septynis kartus šlakstys Viešpaties akivaizdoje prieš uždangą;
18Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.
18ir tuo pačiu krauju pateps Viešpaties akivaizdoje Susitikimo palapinėje esančio aukuro ragus. Likusį kraują išlies deginamųjų aukų aukuro, kuris yra prie Susitikimo palapinės įėjimo, papėdėje.
19Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.
19Veršio taukus sudegins ant aukuro;
20Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.
20padarys visa tai, kas daroma aukojant veršį aukai už nuodėmę. Kunigas juos sutaikys, ir Viešpats jiems atleis.
21Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.
21Patį veršį išgabens už stovyklos ir sudegins kaip anksčiau minėtąjį veršį, nes jis yra auka už tautos nuodėmę.
22Markii qof madax ahu dembaabo oo uu kama' u sameeyo mid ka mid ah waxyaalihii Rabbiga Ilaahiisa ahu uu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,
22Jei kunigaikštis nežinodamas sulaužytų kokį nors Viešpaties įstatymą,
23haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab oo aan iin lahayn.
23bet paskui suprastų savo nuodėmę, jis aukos Viešpačiui sveiką ožį kaip auką už nuodėmę.
24Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa orgiga, oo uu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo oo Rabbiga hortiisa ah, waayo, kaasu waa qurbaan dembi.
24Jis uždės ranką ant jo galvos ir jį papjaus toje vietoje, kur paprastai aukojamos deginamosios aukos Viešpaties akivaizdoje, nes tai yra auka už nuodėmę.
25Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo.
25Kunigas padažys pirštą aukos kraujyje ir juo pateps deginamųjų aukų aukuro ragus. Likusį kraują išlies jo papėdėje.
26Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.
26Taukus sudegins ant aukuro, kaip tai daroma su padėkos aukomis. Kunigas įvykdys sutaikinimą už jį dėl jo nuodėmės, ir jam bus atleista.
27Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo, oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,
27Jei kas iš eilinių žmonių nusidėtų nežinodamas ir padarytų, kas uždrausta Viešpaties įstatymu,
28haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.
28o vėliau suprastų savo nuodėmę, jis aukos sveiką ožką.
29Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka ah qurbaanka dembiga, oo waa inuu neefka ah qurbaanka dembiga ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.
29Jis uždės ranką ant gyvulio galvos, jį papjaus ir aukos deginamųjų aukų vietoje.
30Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.
30Kunigas, padažęs pirštą aukos kraujyje, juo pateps deginamųjų aukų aukuro ragus, o likusį kraują išlies aukuro papėdėje.
31Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.
31Po to, paėmęs visus taukus, sudegins juos ant aukuro, kaip tai daroma su padėkos aukomis, kad būtų malonus kvapas Viešpačiui. Kunigas sutaikins jį, ir jam bus atleista.
32Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa.
32O jei auka už nuodėmę bus iš avių, tai ji turi būti sveika.
33Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka dembiga ah, oo waa inuu qurbaanka dembiga ugu gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.
33Jis uždės ranką ant jos galvos ir papjaus ją toje vietoje, kur paprastai pjaunamos deginamosios aukos.
34Oo wadaadku waa inuu qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo lagu baxsho, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.
34Kunigas pateps deginamųjų aukų aukuro ragus savo pirštu, padažytu aukos kraujyje. Likusį kraują išlies aukuro papėdėje.
35Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.
35Visus taukus, kaip tai daroma su padėkos auka, sudegins ant aukuro Viešpačiui; taip sutaikins jį su Viešpačiu, ir jo nuodėmė bus jam atleista”.