1Haddii qof ku dembaabo cod dhaar ah oo uu maqlay, ee uu isagu marag ka yahay, hadduu arkay iyo hadduu gartayba, hadduusan sheegin waa inuu dembigiisa qaataa.
1“Jei kas girdi keikimą, bet atsisako liudyti, ką yra matęs ir žino, jis bus kaltas.
2Ama haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.
2Kas paliestų kokį nešvarų daiktą: nešvaraus žvėries, gyvulio ar roplio dvėseną, tačiau to nežinotų, jis bus nešvarus ir kaltas.
3Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.
3Jei kas nežinodamas prisiliestų prie žmogaus kūno nešvarumų, kokie jie bebūtų, kai jis sužinos apie tai, jis bus kaltas.
4Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh.
4Jei kas nors prisiekia, neapgalvotai savo lūpomis pasižadėdamas padaryti pikta ar gera,kas tai bebūtų, ką žmogus patvirtina priesaika,ir tai liktų paslėpta nuo jo, kai jis tai supras, jis bus kaltas.
5Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku dembaabay,
5Jei žmogus kaltas kuo nors iš šių dalykų, jis turi išpažinti, kad nusidėjo,
6oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.
6ir aukoti auką už kaltę Viešpačiui, už nuodėmę, kuria nusidėjo,jauną avį ar ožką,ir kunigas sutaikins jį.
7Oo haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo.
7O jei kas negali aukoti avies ar ožkos, teaukoja Viešpačiui du balandžius ar du jaunus karvelius: vieną aukai už nuodėmę, o antrądeginamajai aukai.
8Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala dillaacin.
8Jis teatneša juos kunigui, kuris, aukodamas pirmąjį už nuodėmę, nusuks jam galvą, tačiau jos visiškai nenutrauks;
9Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.
9jo krauju apšlakstys aukuro šoną, o likusį kraują išvarvins aukuro papėdėje, nes tai auka už nuodėmę.
10Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.
10Antrą sudegins kaip deginamąją auką, kaip paprastai daroma. Kunigas sutaikins jį, ir jo nuodėmė bus jam atleista.
11Laakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa qurbaan dembi.
11O jei jis negalės duoti dviejų balandžių ar dviejų jaunų karvelių, teaukoja už savo nuodėmę dešimtą dalį efos miltų; tegu nepila į juos aliejaus ir neprideda smilkalų, nes tai auka už nuodėmę.
12Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.
12Jis teatneša juos kunigui, kuris, paėmęs jų pilną saują, sudegins ant aukuro atminimui.
13Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.
13Kunigas įvykdys sutaikinimą už nuodėmę, kuria jis nusidėjo, ir jam bus atleista. Likusią aukos dalį kunigas pasiims kaip duonos auką”.
14Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
14Ir Viešpats kalbėjo Mozei:
15Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo.
15“Jei kas apsirikęs paimtų, kas Viešpačiui paskirta, ir tuo nusidėtų, aukos už savo kaltę sveiką aviną, kokį galima nupirkti už du šekelius pagal šventyklos šekelį.
16Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.
16Jis atlygins padarytą nuostolį ir pridės penktąją dalį viršaus kunigui, kuris sutaikins jį aukodamas aviną, ir jam bus atleista.
17Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa.
17Jei kas nusikalstų, nesąmoningai sulaužydamas Viešpaties įstatymą, ir, padaręs nuodėmę, suprastų savo kaltę,
18Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.
18tegu jis ima iš savo bandos sveiką aviną aukai už kaltę ir atiduoda jį kunigui. Ir kunigas sutaikins jį, nes jis nusikalto nežinodamas, ir jam bus atleista.
19Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.
19Tai yra auka už kaltę, kuria jis nusikalto Viešpačiui”.