1Wakhtigaas qudhiisa waxaa joogay qaar wax uga sheegay dadka reer Galili oo Bilaatos dhiiggooda ku daray allabarigooda.
1Tuo pačiu metu atėjo keli žmonės ir papasakojo Jam apie galilėjiečius, kurių kraują Pilotas sumaišė su jų aukomis.
2Kolkaasaa Ciise u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Ma waxay idinla tahay in kuwii reer Galili ahaa ay ka dembi badnaayeen kuwii kale oo reer Galili oo dhan waxyaalahaas ay ku silceen aawadood?
2Jėzus, atsakydamas jiems, tarė: “Ar manote, kad tie galilėjiečiai buvo didesni nusidėjėliai už visus kitus galilėjiečius ir todėl taip nukentėjo?
3Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaanad toobad keenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
3Ne, sakau jums! Bet jei neatgailausite, visi taip pat pražūsite.
4Ama siddeed iyo tobankii oo munaaradda Siloo'am ay ku soo dhacday oo ay dishay, ma waxay idinla tahay, inay ka gef badnaayeen dadka Yeruusaalem joogay oo dhan?
4Arba anie aštuoniolika, kuriuos užgriuvo bokštas prie Siloamo ir užmušė; jūs manote, kad jie buvo kaltesni už visus kitus Jeruzalės gyventojus?
5Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobad keenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
5Ne, sakau jums, bet jei neatgailausite, visi taip pat pražūsite”.
6Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin.
6Jis pasakė palyginimą: “Žmogus turėjo savo vynuogyne pasisodinęs figmedį. Kartą jis atėjo pažiūrėti jo vaisių, bet nerado.
7Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa?
7Ir tarė sodininkui: ‘Jau treji metai, kai ateinu ieškoti šio figmedžio vaisių ir vis nerandu. Nukirsk jį, kam dar žemę alina!’
8Markaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, sannaddanna daa ilaa aan hareerihiisa qodqodo oo aan digeeyo.
8Anas jam atsakė: ‘Šeimininke, palik dar jį šiais metais. Aš jį apkasiu ir patręšiu.
9Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.
9Jei jis duos vaisių, gerai. O jei ne, tai iškirsk jį!’ ”
10Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay.
10Sabato dieną Jėzus mokė vienoje sinagogoje.
11Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay, wayna isku soo jabnayd, mana ay kari karin inay istoosiso.
11Čia buvo moteris, aštuoniolika metų turinti ligos dvasią. Ji buvo sutraukta ir visiškai negalėjo išsitiesti.
12Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay.
12Jėzus, pamatęs ją, pasišaukė ir tarė: “Moterie, esi išvaduota iš savo ligos!”
13Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay.
13Jis uždėjo ant jos rankas, toji bematant atsitiesė ir ėmė garbinti Dievą.
14Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye, ee ha imanina maalinta sabtida ah.
14Tada sinagogos vyresnysis, supykęs, kad Jėzus išgydė ją sabato dieną, pasakė miniai: “Dirbamos yra šešios dienos. Ateikite jomis ir gydykitės, o ne per sabatą!”
15Laakiin Sayidka ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labawejiilayaal yahow, mid kasta oo idinka mid ah miyaanu sabtida dibigiisa ama dameerkiisa ka soo furin golaha oo u wadin inuu soo waraabiyo?
15Viešpats jam atsakė: “Veidmainy! Argi kas iš jūsų neatriša per sabatą nuo ėdžių savo jaučio ar asilo ir nenuveda pagirdyti?
16Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas?
16Argi šios Abraomo dukters, kurią šėtonas laikė surišęs jau aštuoniolika metų, nereikėjo išvaduoti iš pančių sabato dieną?”
17Goortuu waxaas yidhi cadaawayaashiisii oo dhan way wada ceeboobeen, dadkii oo dhanna ayaa ku reyreeyey wax walba oo ammaanta lahaa oo uu falay.
17Kai Jis tai kalbėjo, visi Jo priešininkai liko sugėdinti, o minia džiaugėsi visais šlovingais Jo atliktais darbais.
18Haddaba wuxuu yidhi, Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?
18Jis tarė: “Į ką panaši Dievo karalystė, ir su kuo ją palyginsiu?
19Waxay u eg tahay iniin khardal ah, oo nin qaaday oo beertiisii ku riday, oo ay baxday oo geed dheer noqotay, shimbirraha cirkuna laamaheeday ku degeen.
19Ji panaši į garstyčios grūdą, kurį ėmė žmogus ir pasėjo savo darže. Ji išaugo į aukštą medelį ir padangių paukščiai susisuko lizdus jo šakose”.
20Haddana wuxuu yidhi, Maxaan boqortooyada Ilaah u ekaysiiyaa?
20Jis vėl tarė: “Su kuo palyginsiu Dievo karalystę?
21Waxay u eg tahay khamiir naag intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
21Ji panaši į raugą, kurį ėmusi moteris įmaišė į tris saikus miltų, ir nuo jo viskas įrūgo”.
22Oo wuxuu dhex marayay magaalooyin iyo tuulooyin isagoo wax baraya, Yeruusaalemna ayuu ku socday.
22Jėzus ėjo mokydamas per miestelius bei kaimus ir keliavo į Jeruzalę.
23Mid baa wuxuu ku yidhi, Sayidow, ma yar yihiin kuwa badbaadayaa?
23Kažkas paklausė Jį: “Viešpatie, ar maža bus išgelbėtųjų?” Jis atsakė jiems:
24Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan.
24“Stenkitės įeiti pro siaurus vartus. Sakau jums, daugelis bandys įeiti, bet neįstengs.
25Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen.
25Kai namų Šeimininkas atsikels ir užrakins duris, jūs, stovėdami lauke, pradėsite belsti į duris ir prašyti: ‘Viešpatie, Viešpatie, atidaryk mums!’ O Jis atsakys: ‘Aš nežinau, iš kur jūs’.
26Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay.
26Tada imsite sakyti: ‘Mes valgėme ir gėrėme Tavo akivaizdoje, Tu mokei mūsų gatvėse’.
27Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya.
27O Jis tars: ‘Sakau jums, Aš nežinau, iš kur jūs. Eikite šalin nuo manęs, visi piktadariai!’
28Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray.
28Ten bus verksmo ir dantų griežimo, kai pamatysite Abraomą, Izaoką, Jokūbą ir visus pranašus Dievo karalystėje, o patys būsite išmesti laukan.
29Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah.
29Ir ateis iš rytų ir vakarų, iš šiaurės ir pietų ir sėsis prie stalo Dievo karalystėje.
30Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.
30Ir štai yra paskutinių, kurie bus pirmi, ir pirmų, kurie bus paskutiniai”.
31Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo.
31Tą pačią dieną atėjo keli fariziejai ir pasakė Jėzui: “Eik iš čia, pasišalink, nes Erodas nori Tave nužudyti”.
32Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa.
32Jis jiems atsakė: “Eikite ir pasakykite tam lapei: ‘Štai Aš išvarinėju demonus ir gydau šiandien, tai darysiu ir rytoj, o trečią dieną būsiu viską atlikęs.
33Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.
33Bet šiandien ir rytoj, ir poryt turiu keliauti, nes negali taip būti, kad pranašas žūtų ne Jeruzalėje’ ”.
34Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
34“Jeruzale, Jeruzale! Tu žudai pranašus ir užmėtai akmenimis tuos, kurie pas tave siųsti. Kiek kartų norėjau surinkti tavo vaikus kaip višta savo viščiukus po sparnais, o tu nenorėjai!
35Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
35Štai jūsų namai paliekami jums tušti. Iš tiesų sakau jums: jūs manęs nebematysite, kol ateis laikas, kada tarsite: ‘Palaimintas Tas, kuris ateina Viešpaties vardu!’ ”