1Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen.
1Kartą sabato dieną Jėzus atėjo į vieno fariziejų vyresniojo namus valgyti, o jie atidžiai stebėjo Jį.
2Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba.
2Ir štai Jį pasitiko vandenlige sergantis žmogus.
3Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya?
3Jėzus kreipėsi į Įstatymo mokytojus ir fariziejus: “Leistina per sabatą gydyti ar ne?”
4Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay.
4Tie tylėjo. Tada Jis ėmė, išgydė jį ir paleido.
5Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin?
5O jiems pasakė: “Jei kurio iš jūsų asilas ar jautis įkristų į šulinį, argi tučtuojau neištrauktų jo per sabatą?”
6Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas.
6Ir jie nesugebėjo Jam į tai atsakyti.
7Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,
7Matydamas, kaip svečiai rinkosi pirmąsias vietas prie stalo, Jis pasakė jiems palyginimą:
8Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho,
8“Kai kas nors tave pakvies į vestuves, nesėsk pirmoje vietoje, kad kartais nebūtų pakviesta garbingesnio už tave,
9oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato.
9ir atėjęs tas, kuris tave ir jį pakvietė, netartų tau: ‘Užleisk jam vietą!’ Tada sugėdintas turėsi sėstis į paskutinę vietą.
10Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda.
10Kai būsi pakviestas, eik ir sėskis paskutinėje vietoje, kad tas, kuris tave pakvietė, atėjęs galėtų pasakyti: ‘Bičiuli, persėsk aukščiau!’ Tada tau bus garbė visų prie stalo sėdinčiųjų akivaizdoje.
11Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
11Kiekvienas, kuris save aukština, bus pažemintas, o kuris save žemina, bus išaukštintas”.
12Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa.
12Pakvietusiam Jį vaišių Jėzus irgi pasakė: “Keldamas pietus ar vakarienę, nekviesk nei savo draugų, nei brolių, nei giminaičių, nei turtingų kaimynų, kad kartais jie savo ruožtu nepakviestų tavęs ir tau nebūtų atlyginta.
13Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha,
13Rengdamas vaišes, geriau pasikviesk vargšų, paliegėlių, luošų ir aklų,
14oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.
14tai būsi palaimintas, nes jie neturi kuo atsilyginti. Tuomet tau bus atlyginta teisiųjų prisikėlime”.
15Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.
15Tai išgirdęs, vienas iš sėdinčiųjų prie stalo tarė Jam: “Palaimintas, kas valgys duoną Dievo karalystėje!”
16Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay,
16Tada Jėzus jam pasakė: “Vienas žmogus iškėlė didelę puotą ir pakvietė daug svečių.
17oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar.
17Atėjus puotos metui, jis pasiuntė tarną pranešti pakviestiesiems: ‘Ateikite, jau viskas surengta’.
18Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.
18Tada jie visi kaip vienas pradėjo atsiprašinėti. Vienas jam tarė: ‘Nusipirkau dirvą ir būtinai turiu eiti jos apžiūrėti. Prašau mane pateisinti’.
19Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.
19Kitas sakė: ‘Pirkau penkis jungus jaučių ir einu jų išmėginti. Prašau mane pateisinti’.
20Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo.
20Trečias tarė: ‘Vedžiau žmoną, todėl negaliu ateiti’.
21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.
21Tarnas sugrįžęs viską papasakojo šeimininkui. Šis supyko ir įsakė tarnui: ‘Skubiai eik į miesto gatves ir skersgatvius ir vesk čia vargšus, paliegėlius, luošus ir aklus’.
22Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan.
22Tarnas vėl pranešė: ‘Šeimininke, kaip liepei,padaryta, bet dar yra vietos’.
23Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.
23Tada šeimininkas tarė tarnui: ‘Eik į kelius bei patvorius ir priversk ateiti, kad mano namai būtų pilni.
24Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.
24Sakau jums,nė vienas iš anų pakviestųjų žmonių neragaus mano vaišių’ ”.
25Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,
25Kartu su Juo ėjo didelės minios. Atsigręžęs Jis tarė žmonėms:
26Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo.
26“Jei kas ateina pas mane ir nelaiko neapykantoje savo tėvo, motinos, žmonos, vaikų, brolių, seserų ir net savo gyvybės,negali būti mano mokinys.
27Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo.
27Kas neneša savo kryžiaus ir neseka manimi, negali būti mano mokinys.
28Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale?
28Kas iš jūsų, norėdamas pastatyti bokštą, pirmiau atsisėdęs neskaičiuoja išlaidų, kad žinotų, ar turės iš ko užbaigti?
29Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan,
29Kad kartais, padėjus pamatą ir nebaigus, žmonės matydami nesišaipytų iš jo,
30iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay.
30sakydami: ‘Šitas žmogus pradėjo statyti ir neįstengia baigti’.
31Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya?
31Arba koks karalius, traukdamas į karą prieš kitą karalių, pirmiau atsisėdęs nesvarsto, ar, turėdamas dešimt tūkstančių kareivių, pajėgs stoti į kovą su tuo, kuris ateina prieš jį su dvidešimčia tūkstančių?!
32Ama haddii kale intuu kan kale weli fog yahay, ayuu ergo soo diraa oo uu weyddiistaa wax lagu heshiiyo.
32Jei ne, tai, anam dar toli esant, siunčia pasiuntinius tartis dėl taikos.
33Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.
33Taip pat kiekvienas iš jūsų, kuris neatsižada viso, ką turi, negali būti mano mokinys”.
34Haddaba cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa?Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu, ha maqlo.
34“Druskageras daiktas. Bet jeigu druska netektų sūrumo, kuo ją reikėtų pasūdyti?
35Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu, ha maqlo.
35Ji nebetinka nei dirvai, nei mėšlui; ją išmeta laukan. Kas turi ausis klausytiteklauso!”