Somali

Lithuanian

Malachi

1

1Kanu waa warka culus ee Eraygii Rabbiga oo Malaakii loogu soo dhiibay dadka dalka Israa'iil.
1Viešpats kalbėjo Izraeliui per Malachiją.
2Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin jeclaaday, laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, War sidee baad noo jeclaatay? Ceesaw sow Yacquub walaalkiis ma ahayn? ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse Yacquub waan jeclaaday,
2“Aš pamilau jus,­sako Viešpats.­O jūs sakote: ‘Kaip gi Tu mus pamilai?’ Argi Ezavas nebuvo Jokūbo brolis?­sako Viešpats.­ Bet Aš pamilau Jokūbą,
3Ceesawse waan necbaaday, oo buurihiisiina cidla baan ka dhigay, oo dhaxalkiisiina waxaan siiyey dawacooyinka cidlada.
3o Ezavo nekenčiau. Aš paverčiau jo kalnus dykyne, o jo paveldėtą žemę atidaviau dykumų šakalams.
4In kastoo reer Edom yidhaahdaan, Annaga waa nala dumiyey, laakiinse waannu soo noqon doonnaa, oo meelaha cidlada ah waannu dhisi doonnaa, Rabbiga ciidammaduse wuxuu leeyahay, Way dhisi doonaan, laakiinse anigu waan dumin doonaa, oo dadku wuxuu ku magacaabi doonaa, Dalka xumaanta, iyo Dadka uu Rabbigu weligiis u cadhaysan yahay.
4Kadangi Edomas sako: ‘Mus sunaikino, bet mes atstatysime miestus’, tai kareivijų Viešpats sako: ‘Jie testato, o Aš juos vėl griausiu. Juos vadins nedorybės kraštu, tauta, kurios Viešpats neapkenčia.
5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.
5Jūsų akys tai matys, ir jūs sakysite: ‘Galingas yra Viešpats net už Izraelio sienų!’ ”
6Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay?
6“Sūnus gerbia tėvą, o tarnas­ savo šeimininką. Jei Aš tėvas, kur derama man pagarba? O jei Aš šeimininkas, kur mano baimė?­ sako kareivijų Viešpats jums, kunigai, kurie niekinate mano vardą.­Jūs klausiate: ‘Kaip mes niekiname Tavo vardą?’
7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.
7Aukodami ant mano aukuro suteptą maistą! Jūs klausiate: ‘Kaip mes sutepame jį?’ Negerbdami Viešpaties stalo.
8Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markaad neef indha la' allabari u bixisaan, sow taasu shar ma aha? Sowse shar ma aha markaad neef curyaan ah iyo neef buka allabari u bixisaan? Haddaba bal taliyahaaga u gee. Miyuu kugu farxi doonaa? Miyuuse ku aqbali doonaa?
8Jei aukojate aklą, raišą ar ligotą gyvulį, ar tai nėra blogai? Įteik tokį savo valdovui! Ar jam patiks, ar jis maloniai tave priims?”­sako kareivijų Viešpats.
9Haddaba waan idin baryayaaye, Rabbiga barya inuu inoo roonaado aawadeed. Haddaba idinkoo waxaas sameeyey, miyuu midkiinna aqbalayaa? Saasuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
9“Taip jūs norite permaldauti Dievą, kad Jis būtų jums malonus! Jei tokią dovaną duodate, ar Jis priims jus?”­sako kareivijų Viešpats.
10Waxaan jeclaan lahaa inuu idinku dhex jiro mid albaabbada xidha, inaydaan meeshayda allabariga dab ugu shidin si aan waxtar lahayn! Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu idinkuma faraxsani, oo gacmihiinnana innaba qurbaan ka aqbali maayo.
10“Verčiau uždarykite duris ir nekurkite mano aukuro veltui. Aš nemėgstu jūsų ir nepriimsiu aukos iš jūsų rankos.
11Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markii qorraxdu soo baxdo iyo markii ay dhacdo inta ka dhexle magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda, oo meel kastana waxaa magacayga aawadiis loo bixiyaa foox iyo qurbaan daahir ah, waayo, magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda.
11Nuo saulės užtekėjimo iki nusileidimo didis yra mano vardas tautose, ir visur smilkoma bei aukojama tyra auka mano vardui”,­sako kareivijų Viešpats.
12Idinkuse waad nijaasaysaan markaad tidhaahdaan, Miiskii Rabbigu waa nijaasaysan yahay, oo cuntadiisuna waa wax la quudhsado.
12“Bet jūs sutepate jas, sakydami: ‘Viešpaties stalas yra suterštas ir ant jo padėta auka neverta pagarbos’.
13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.
13Ir kai sakote: ‘Koks vargas!’, tuo jūs supykinate mane,­sako kareivijų Viešpats.­Jei nešate luošą ir ligotą auką, ar Aš turiu tai priimti iš jūsų?”­sako Viešpats.
14Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.
14“Prakeiktas apgavikas, kuris turi bandoje sveiką patiną ir jį pažada, tačiau aukoja Viešpačiui sužalotą! Aš esu didis Karalius,­sako kareivijų Viešpats,­ir mano vardo bijosi tautos”.