Somali

Lithuanian

Zechariah

14

1Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.
1Viešpaties diena ateina, ir tavo grobis bus išdalintas tavo viduryje.
2Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.
2Visos tautos bus sušauktos kovai prieš Jeruzalę. Miestas kris, namai bus apiplėšti, moterys išprievartautos. Pusė miesto gyventojų bus išvesti nelaisvėn, o kita pusė liks mieste.
3Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.
3Tada Viešpats kariaus prieš anas tautas, kaip kariavo mūšio dieną.
4Oo maalintaas cagihiisu waxay ku istaagi doonaan Buur Saytuun, taasoo Yeruusaalem ka horraysa oo xagga bari ka xigta, oo Buur Saytuunna dhexday uga kala dillaaci doontaa xagga bari iyo xagga galbeed, oo waxaa jiri doonta dooxo aad u weyn, oo buurta badhkeed wuxuu u durki doonaa xagga woqooyi, oo badhkeeda kalena wuxuu u durki doonaa xagga koonfureed.
4Tą dieną Jis stovės Alyvų kalne, kuris yra į rytus nuo Jeruzalės. Alyvų kalnas perskils į dvi dalis­iš rytų į vakarus, ir pasidarys labai didelis slėnis. Viena kalno pusė nuslinks į šiaurę, o kita­į pietus.
5Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan.
5Jūs bėgsite į kalnų slėnį, kuris sieks iki Acalo. Jūs bėgsite, kaip bėgote nuo žemės drebėjimo Judo karaliaus Uzijo dienomis. Tada ateis Viešpats, mano Dievas, ir visi šventieji su Juo.
6Oo waxay maalintaas noqon doontaa in iftiinku uusan yeelanayn dhalaal iyo gudcur toona,
6Tuomet visi šviesuliai užges.
7laakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono.
7Bus viena diena, kurią žino Viešpats­ne diena ir ne naktis, ir vakare bus šviesu.
8Oo waxay maalintaas noqon doontaa inay biyo noolu Yeruusaalem ka soo baxaan, oo badhkood wuxuu u qulquli doonaa xagga badda bari, oo badhkooda kalena wuxuu u qulquli doonaa xagga badda galbeed, oo waxay ahaan doontaa wakhtiga kulaylka iyo wakhtiga qabowga.
8Tą dieną gyvieji vandenys tekės iš Jeruzalės dviem kryptim: viena į Rytų, kita į Vakarų jūrą; taip bus vasarą ir žiemą.
9Oo Rabbigu boqor buu ka ahaan doonaa dunida oo dhan, oo maalintaas Rabbigu mid buu ahaan doonaa, oo magiciisuna mid buu ahaan doonaa.
9Viešpats karaliaus visai žemei. Bus vienas Viešpats ir Jo vardas bus vienas.
10Oo dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga.
10Visa šalis nuo Gebos iki Rimono, esančio į pietus nuo Jeruzalės, taps lyguma. Miestas, nuo Benjamino vartų iki Kertinių vartų ir nuo Hananelio bokšto iki karaliaus vyno spaustuvų, bus apgyventas.
11Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.
11Prakeikimo nebebus ir Jeruzalėje visi saugiai gyvens.
12Oo tanuna waa belaayada Rabbigu ku dhufan doono dadyowga Yeruusaalem la diriray oo dhan. Iyagoo cagahooda ku taagan ayaa hilibkoodu iska dhammaan doona, oo indhahoodu waxay ku dhex baabbi'i doonaan godadkooda, carrabkooduna afkooda.
12Maras, kurį Viešpats siųs visoms tautoms, kariaujančioms prieš Jeruzalę, bus baisus. Jų kūnai pradės pūti dar jiems stovint ant savo kojų, akys­akiduobėse, o jų liežuviai­burnose.
13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.
13Tuomet žmonėse bus toks didelis sąmyšis nuo Viešpaties, kad pakels ranką artimas prieš artimą.
14Oo weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan.
14Net Judas kariaus prieš Jeruzalę. Visų aplinkinių tautų turtai bus surinkti: auksas, sidabras ir drabužiai.
15Oo saasay noqon doontaa belaayada faraska, iyo tan baqalka, iyo tan awrka, iyo tan dameerka, oo xayawaanka xerooyinkaas jooga oo dhanba waxaa ku dhici doonta belaayadan.
15Toks pat maras kankins žirgus, mulus, kupranugarius, asilus ir visus kitus gyvulius, kurie bus kariaujančiųjų stovyklose.
16Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka.
16Tie, kurie liks iš kariavusių prieš Jeruzalę, kas metai eis pagarbinti Karalių, kareivijų Viešpatį ir švęsti Palapinių šventę.
17Oo qolooyinka dhulka deggan oo dhan ku alla kii aan Yeruusaalem ugu kicin inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada innaba roob kuma di'i doono.
17Jei kuri žemės giminė neateis į Jeruzalę pagarbinti Karaliaus, kareivijų Viešpaties, tai pas juos nebus lietaus.
18Oo haddii uusan reer Masar u kicin, oo uusan iman, iyagana roob kuma di'i doono, oo waxaa jiri doonta belaayo taasoo Rabbigu ku dhufan doono quruumihii aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.
18Jei neateis Egipto giminė, juos ištiks tas pats maras, kurį Viešpats siųs pagonims, neateinantiems švęsti Palapinių šventės.
19Taasu waxay ahaan doontaa ciqaabta Masar, iyo ciqaabta dhammaan quruumaha aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.
19Tai bus bausmė Egiptui ir visoms tautoms, kurios neateis į Palapinių šventę.
20Wakhtigaas dawannada fardaha waxaa ku qornaan doona, WAA U QUDUUS RABBIGA, oo dheryaha guriga Rabbiga ku jiraana waxay ahaan doonaan sida maddiibadaha meesha allabariga hor yaal.Oo xataa dheri kasta oo Yeruusaalem dhex yaal iyo mid kasta oo dalka Yahuudah dhex yaalba quduus buu u ahaan doonaa Rabbiga ciidammada, oo kuwa allabariga bixiya oo dhammu way iman doonaan oo intay qaataan ayay wax ku karsan doonaan, oo wakhtigaas ka dib mid reer Kancaan ahu guriga Rabbiga ciidammada kuma jiri doono.
20Tuomet ant žirgų varpelių bus užrašyta: “Pašvęstas Viešpačiui”. Puodai Viešpaties namuose bus kaip aukojimo taurės prie aukuro.
21Oo xataa dheri kasta oo Yeruusaalem dhex yaal iyo mid kasta oo dalka Yahuudah dhex yaalba quduus buu u ahaan doonaa Rabbiga ciidammada, oo kuwa allabariga bixiya oo dhammu way iman doonaan oo intay qaataan ayay wax ku karsan doonaan, oo wakhtigaas ka dib mid reer Kancaan ahu guriga Rabbiga ciidammada kuma jiri doono.
21Kiekvienas puodas Jeruzalėje ir Jude bus pašvęstas kareivijų Viešpačiui. Visi aukotojai galės ateiti, paimti bet kurį iš jų ir jame virti. Tomis dienomis nebebus kanaaniečio kareivijų Viešpaties namuose.