1Wakhtigaas waxaa reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba u furmi doonta il dembiga iyo nijaasta lagaga maydho.
1Tą dieną atsivers šaltinis Dovydo namams ir Jeruzalės gyventojams nuplauti nuodėmę ir nešvarą.
2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxay wakhtigaas noqon doontaa inaan dalka dhexdiisa ka wada baabbi'iyo magacyada sanamyada, oo mar dambena iyaga lama soo xusuusan doono, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inay nebiyada beenta ah iyo ruuxa wasakhda ahuba dalka ka dhex baxaan.
2Viešpats sako: “Aš išnaikinsiu krašte stabų vardus, ir jų daugiau neminės. Pranašus ir netyras dvasias pašalinsiu iš šalies.
3Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo.
3Jei kas dar pasirodys kaip pranašas, jo tėvas ir motina jam tars: ‘Tu mirsi, nes kalbėjai melą Viešpaties vardu’. Jo paties gimdytojai jį perdurs, jam pranašaujant.
4Oo wakhtigaas nebiyada midkood kastaaba wuu ku ceeboobi doonaa riyadiisii markuu wax sii sheegayo, mana ay xidhan doonaan dhar dhogor badan oo ay wax ku khiyaanaan.
4Pranašai gėdysis savo regėjimų ir nebevilkės šiurkštaus apsiausto pranašaudami ir apgaudinėdami.
5Laakiinse wuxuu odhan doonaa, Anigu nebi ma ahi, ee waxaan ahay dhulbeerte, waayo, tan iyo yaraantaydii baa lay addoonsanayay.
5Kiekvienas sakys: ‘Aš ne pranašas, aš žemdirbys nuo pat savo jaunystės!’
6Oo waxaa lagu odhan doonaa, Waa maxay nabrahan gacmahaaga ku yaalla? Oo isna wuxuu ugu jawaabi doonaa, Waa kuwii laygu dhaawacay anigoo guriga saaxiibbaday jooga.
6Ir jei kas klaus: ‘Ką reiškia šitie randai tavo nugaroje?’, jis atsakys: ‘Mane sumušė mano artimieji’.
7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.
7Karde, pakilk prieš mano ganytoją, mano artimiausią!sako kareivijų Viešpats.Aš ištiksiu ganytoją, ir avys išsisklaidys. Aš atgręšiu ranką prieš mažuosius.
8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa.Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.
8Visame krašte,sako Viešpats, du trečdaliai bus sunaikinti ir žus, tik trečdalis išliks.
9Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.
9Ir tą trečdalį vesiu per ugnį; valysiu ir gryninsiu juos kaip sidabrą ir auksą. Jie šauksis mano vardo, ir Aš juos išklausysiu. Aš sakysiu: ‘Tai mano tauta’, o jie atsakys: ‘Viešpats yra mūsų Dievas’ ”.