1Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey.
1Izraelitai murmėjo prieš Viešpatį, ir Viešpačiui tai nepatiko. Tai išgirdęs, Viešpats užsirūstino, Jo ugnis užsidegė tarp jų ir ėmė naikinti stovyklos pakraštį.
2Markaasaa dadkii waxay u qayliyeen Muuse, kolkaasaa Muuse Rabbiga baryay, oo dabkiina wuu damay.
2Tauta šaukėsi Mozės ir, kai Mozė pasimeldė Viešpačiui, ugnis užgeso.
3Oo meeshaas magaceediina waxaa loo baxshay Tabceeraah, maxaa yeelay, dabkii Rabbiga ayaa dhexdooda ka qaxmay.
3Jie praminė tą vietą Tabera, nes Viešpaties ugnis degė tarp jų.
4Oo dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya?
4Kartu keliavo daug svetimšalių, kurie pasidavė geiduliams; su jais drauge verkė ir izraelitai, sakydami: “Kas duos mums mėsos?
5Annagu waxaannu xusuusan nahay kalluunkii aannu Masar lacagla'aan uga cuni jirnay, iyo khajaarkii, iyo batiikhii, iyo basashii cagaarka ahayd, iyo basashii guduudnayd, iyo toontii.
5Atsimename žuvis, kurias valgėme Egipte ir jos mums nieko nekainavo; taip pat prisimename agurkus, melionus, porus, svogūnus ir česnakus.
6Laakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno.
6Dabar mūsų sielos išseko, nes mūsų akys nieko kito nematotiktai maną”.
7Oo maannaduna waxay u ekayd midhaha koryander la yidhaahdo, oo midabkeeduna wuxuu u ekaa midabka xabagta beduliyum la yidhaahdo.
7Mana buvo geltona ir panaši į kalendros sėklas.
8Dadku way warwareegi jireen oo soo urursan jireen, markaasay mixdin ku daqiijin jireen, amase mooye ku tumi jireen, oo dheryay ku karsan jireen, oo moofo bay ka samaysan jireen; oo dhadhankeeduna wuxuu ahaa sida dhadhanka wax saliid lagu sameeyey.
8Žmonės vaikščiojo aplinkui ir ją rinkosi, malė girnomis ar susitrindavo grūstuvuose, virė puoduose ir kepė iš jos papločius; jos skonis buvo panašus į ragaišio su aliejumi skonį.
9Oo habeennimada markii sayaxu xerada ku soo dego ayaa maannaduna la soo dhici jirtay.
9Nusileidžiant naktį ant stovyklos rasai, krisdavo ir mana.
10Haddana Muuse wuxuu maqlay dadkii oo ka dhex ooyaya qabiilooyinkoodii oo dhan, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeduu taagnaa, markaasaa cadhadii Rabbigu aad u kululaatay, oo Muusena wuu ka xumaaday.
10Mozė išgirdo, kaip žmonės verkia savo šeimose prie palapinių angų. Viešpaties rūstybė smarkiai užsidegė, Mozė taip pat buvo nepatenkintas.
11Oo Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Maxaad anoo addoonkaaga ah sida xun iigu gashay? Oo maxaan raallinimadaada u heli waayay, oo maxaad ii kor saaraysaa dadkan oo dhan culaabtiisa?
11Jis skundėsi Viešpačiui: “Kam vargini savo tarną? Kodėl nerandu malonės Tavo akyse? Ir kodėl uždėjai man visos šitos tautos naštą?
12Dadkan oo dhan ma anigaa uuraystay? Oo ma anigaa dhalay markaad igu leedahay, Iyaga laabtaada ku qaad sida aabbe u qaado ilmo caanonuug ah, tan iyo dalkii aad awowayaashood ugu dhaaratay?
12Argi šita tauta yra mano vaikai, ar aš ją pagimdžiau, kad man sakai: ‘Nunešk juos, paėmęs į glėbį, kaip auklė nešioja kūdikį, į žemę, kurią Tu pažadėjai jų tėvams?’
13Bal xaggee baan ka helayaa hilib aan siiyo dadkan oo dhan? Waayo, iyagu way igu ooyaan oo waxay igu yidhaahdaan, Hilib aannu cunno na si.
13Iš kur aš imsiu mėsos, kad pasotinčiau tokią daugybę? Jie rauda ir šaukia: ‘Duok mums mėsos!’
14Anigu ma aan qaadi karo dadkan oo dhan, maxaa yeelay, rarkan aad buu iigu culus yahay.
14Aš negaliu vienas nešti visos šitos tautos, nes man tai per sunku.
15Haddaad sidaas ii gashid, waan ku baryayaaye, i dil, haddaad raalli iga tahay, oo yaanan dandarradayda arkin.
15Jeigu taip su manimi elgiesi, geriau nužudyk mane, jei atradau malonę Tavo akyse, kad nebūčiau varginamas tokių didelių bėdų”.
16Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad ii soo ururisaa toddobaatan nin oo ah waayeelladii reer binu Israa'iil oo aad garanaysid inay dadka waayeello u yihiin iyo saraakiil u talisa, oo waxaad iyaga keentaa teendhada shirka inay halkaas kula istaagaan.
16Viešpats atsakė Mozei: “Surink septyniasdešimt Izraelio vyresniųjų, apie kuriuos žinai, kad jie yra tautos vadovai, nuvesk juos prie Susitikimo palapinės ir atsistok ten kartu su jais.
17Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.
17Aš nužengsiu ir kalbėsiu su tavimi, paimsiu dvasios, kuri yra ant tavęs, ir suteiksiu jiems, kad jie kartu su tavimi neštų tautos naštą ir tau nereikėtų nešti vienam.
18Oo dadkana waxaad ku tidhaahdaa, Hilib baad cunaysaane berri quduus isaga dhiga, waayo, waxaad ku ooydeen Rabbiga dhegihiisii, oo waxaad tidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? Waayo, markaannu Masar joogi jirnay baa noo dhaantay. Haddaba Rabbigu hilib buu idin siin doonaa oo idinna waad cuni doontaan.
18O tautai sakyk: ‘Pasišventinkite ir rytoj valgysite mėsos, nes Viešpats išgirdo jūsų verksmą, kai sakėte: ‘Kas mums duos mėsos? Gera mums buvo Egipte’. Viešpats jums duos mėsos, ir jūs valgysite.
19Oo idinku ma cuni doontaan maalin keliya, ama laba maalmood, amase shan maalmood, amase toban maalmood, amase labaatan maalmood,
19Ne vieną dieną, ne dvi dienas, ne penkias dienas, ne dešimt dienų ir ne dvidešimt dienų,
20laakiinse waxaad cuni doontaan bil dhan, jeer aad sanka dulalkiisa ka keentaan, oo aad ka diiqootaan, maxaa yeelay, Rabbiga idin dhex jooga ayaad diiddeen oo aad ku hor ooydeen, oo waxaad tidhaahdeen, Bal maxaannu Masar uga soo baxnay?
20bet visą mėnesį, kol nebegalėsite į ją net pažiūrėti; jūs paniekinote Viešpatį, kuris yra tarp jūsų, ir raudojote Jo akivaizdoje, sakydami: ‘Kodėl mes išėjome iš Egipto?’ ”
21Markaasaa Muuse yidhi, Dadka aan dhex joogaa waa lix boqol oo kun oo nin oo lug ah, oo adna waxaad tidhi, Waxaan iyaga siinayaa hilib ay bil dhan cunaan.
21Mozė tarė: “Šitos tautos yra šeši šimtai tūkstančių pajėgių vyrų, ir Tu sakai, kad duosi jiems visą mėnesį valgyti mėsos?
22Ma waxaa loo qalaa ido iyo lo' si ay uga dhergaan? Mase kalluunka badda ku jira oo dhan baa loo soo ururiyaa si ay uga dhergaan?
22Argi mes turėsime papjauti avis ir jaučius, kad užtektų visiems? Ar susirinks visos jūros žuvys, kad juos pasotintų?”
23Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, War ma gacantii Rabbigaa gaabatay? Haddaba waad arki doontaa bal in eraygaygu rumoobayo iyo in kale.
23Viešpats atsakė jam: “Argi Viešpaties ranka sutrumpėjo? Dabar matysi, ar mano žodžiai išsipildys, ar ne”.
24Markaasaa Muuse baxay oo dadkii u soo sheegay ereygii Rabbiga, oo wuxuu soo ururiyey toddobaatan nin oo reer binu Israa'iil waayeello u ah, oo Teendhada hareeraheedii ayuu isugu keenay.
24Mozė nuėjo ir pasakė tautai Viešpaties žodžius. Jis surinko septyniasdešimt izraelitų vyresniųjų ir juos sustatė prie palapinės.
25Markaasaa Rabbigu ku soo degtay daruurtii oo isagii la hadlay, wuxuuna qaaday ruuxii isaga saarnaa, markaasuu toddobaatankii waayeel saaray, oo markii ruxuu korkooda ku degay ayay wax sii sheegeen, laakiinse sidaas mar dambe ma ay yeelin.
25Viešpats nužengė debesyje ir jam kalbėjo. Ir Jis paėmė dvasios, kuri buvo ant Mozės, ir davė septyniasdešimčiai vyresniųjų. Kai ant jų nusileido dvasia, jie pradėjo pranašauti ir nepaliovė.
26Laakiinse laba nin baa xeradii ku dhex hadhay. Mid magiciisa waxaa la odhan jiray Eldaad, kan kalena magiciisa waxaa la odhan jiray Meedaad, oo iyagana ruuxii baa ku soo degay, oo waxay ka mid ahaayeen kuwii la qoray, laakiinse uma ay bixin Teendhadii; oo iyagu xerada dhexdeedii ayay wax ku sii sheegeen.
26Stovykloje buvo pasilikę du vyrai, vienas vardu Eldadas, o kitasMedadas. Ir jie gavo tos dvasios, nes ir juodu buvo įtraukti į sąrašą, bet nebuvo atėję prie palapinės. Jie pradėjo pranašauti stovykloje.
27Markaasaa nin dhallinyaro ah soo orday oo Muuse u soo sheegay oo yidhi, Eldaad iyo Meedaad xeradii bay wax ku sii sheegayaan.
27Vienas jaunuolis atbėgo ir pranešė Mozei: “Eldadas ir Medadas pranašauja stovykloje!”
28Markaasaa Yashuuca ina Nuun oo Muuse midiidinkiisa ahaa oo raggiisii uu doortay ka mid ahaa ayaa ku yidhi, Sayidkaygii Muusow, u diid iyaga.
28Nūno sūnus Jozuė, Mozės tarnas, tarė: “Mano valdove Moze, uždrausk jiems!”
29Markaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, War ma aniga baad ii xinaasaysaa? Bal may dadka Rabbiga oo dhammu nebiyo ahaadaan, oo Rabbigu muu iyaga ruuxiisa ku soo dejiyo!
29Bet jis atsakė: “Ar tu pavydi dėl manęs? O, kad visa Viešpaties tauta pranašautų ir kad Viešpats duotų kiekvienam savo dvasios!”
30Markaasaa Muuse iyo waayeelladii reer binu Israa'iilba xerada ku noqdeen.
30Mozė ir Izraelio vyresnieji sugrįžo į stovyklą.
31Markaasaa dabayl Rabbiga ka timid, oo waxay badda ka keentay digaagduur, oo xerada hareeraheedii ayay ku soo daadisay intii maalin socodkeed ah oo dhankan ah iyo intii maalin socodkeed ah oo dhanka kale ah oo xerada ku wareegsan, oo dalka korkiisana waxay u jireen intii laba dhudhun ah.
31Pakilo Viešpaties siųstas vėjas ir atnešė putpelių. Jų tiek prikrito aplinkui stovyklą, kiek galima apeiti per dvi dienas ir dvi uolektys nuo žemės.
32Markaasaa dadkii kacay oo maalintaas oo dhan, iyo habeenkii oo dhan, iyo maalintii dambe oo dhan waxay soo urursadeen digaagduurkii; oo kii ugu wax yaraa wuxuu soo urursaday toban xomeer, oo waxay ku kala bixiyeen xerada hareeraheedii.
32Žmonės rinko putpeles visą tą dieną ir naktį ir dar kitą dieną, ir kiekvienas prisirinko nemažiau kaip dešimt homerų; jas džiovino aplink stovyklą.
33Oo intii hilibkii ilkahoodii ku dhex jiray, oo aanay weli calalin, ayaa cadhadii Rabbigu dadkii aad ugu kululaatay, markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii ku dhuftay belaayo weyn.
33Mėsa tebebuvo jiems tarp dantų, ir jie dar nebuvo jos suvalgę, kai Viešpaties rūstybė užsidegė prieš tautą, ir Jis ištiko juos dideliu maru.
34Oo meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Qibrood Xatawaah, maxaa yeelay, halkaasaa lagu aasay dadkii hunguri xumaaday.Markaasay dadkii Qibrood Xatawaah ka guureen, oo waxay u sodcaaleen Xaseerood, Xaseeroodna way degeen.
34Ta vieta buvo pavadinta Kibrot Taavos kapinėmis, nes ten palaidojo žmones, kurie buvo pasidavę geiduliams.
35Markaasay dadkii Qibrood Xatawaah ka guureen, oo waxay u sodcaaleen Xaseerood, Xaseeroodna way degeen.
35Išėję iš Kibrot Taavos kapinių, jie nukeliavo į Hacerotą ir ten sustojo.