1Oo Maryan iyo Haaruunna waxay Muuse u xanteen naagtii reer Kuush oo uu guursaday, maxaa yeelay, isagu wuxuu guursaday naag reer Kuush.
1Mirjama ir Aaronas priekaištavo Mozei dėl jo vedybų, nes jis buvo vedęs etiopę.
2Oo iyagu waxay yidhaahdeen, War Rabbigu ma Muuse keliyuhuu la hadlay? Miyuusan annagana nala hadlin? Oo Rabbigu taas wuu maqlay.
2Jie sakė: “Argi Viešpats kalbėjo tik per vieną Mozę? Argi Jis nekalbėjo taip pat ir per mus?” Viešpats tai išgirdo.
3Haddaba Muuse wuxuu ahaa ninka ugu wada qalbi qaboobaa dadkii dunida joogay oo dhan.
3Mozė gi buvo labai romus, romiausias iš visų žmonių žemėje.
4Markaasaa Rabbigu dhaqso ula hadlay Muuse iyo Haaruun iyo Maryan, oo wuxuu ku yidhi, Saddexdiinnuba kaalaya teendhada shirka. Oo saddexdoodiiba way soo bexeen.
4Viešpats staiga prabilo į Mozę, Aaroną bei Mirjamą: “Jūs trys išeikite prie Susitikimo palapinės”. Jiems išėjus,
5Markaasaa Rabbigu ku soo degtay tiir daruur ah oo istaagay iriddii teendhadii shirka, oo wuxuu u yeedhay Haaruun iyo Maryan, kolkaasaa labadoodiiba soo bexeen.
5Viešpats nužengė debesies stulpe ir, stovėdamas palapinės įėjime, pašaukė Aaroną ir Mirjamą. Kai juodu priėjo,
6Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaba bal hadalladayda maqla. Haddii nebi idinku dhex jiro, anigoo Rabbiga ah ayaa muujin isku tusi doona, oo riyo baan kula hadli doonaa.
6Jis tarė jiems: “Klausykite! Jei kas tarp jūsų yra Viešpaties pranašas, Aš jam apsireiškiu regėjime arba kalbu sapne.
7Addoonkayga Muuse sidaas ma aha, oo isagu aamin buu ku yahay gurigayga oo dhan.
7Ne taip yra su mano tarnu Moze, kuris yra ištikimas visuose mano namuose.
8Isaga bayaan baan afkayga ugula hadlayaa, oo hadal gudcur ah kula hadli maayo, oo wuxuu arki doonaa Rabbiga qaabkiisa. Haddaba maxaad uga cabsan weydeen inaad addoonkayga Muuse wax ka sheegtaan?
8Su juo Aš kalbuosi veidas į veidą, atvirai, o ne neaiškiais žodžiais, ir jis mato mano pavidalą. Kaip judu nebijote kalbėti prieš mano tarną Mozę?”
9Markaasaa Rabbigu iyagii aad ugu cadhooday, wuuna ka tegey.
9Užsirūstinęs Viešpats pasitraukė.
10Oo daruurtiina way ka tagtay teendhada korkeedii; oo Maryanna waxaa ku dhacay baras, oo waxay u caddaatay sida barafka cad oo kale. Markaasaa Haaruun fiiriyey Maryan oo wuxuu arkay inay baras qabto.
10Pasitraukė ir debesis nuo palapinės. Staiga Mirjamą išbėrė raupsai, ji pabalo kaip sniegas. Aaronas, pažvelgęs į ją ir pamatęs ją apdengtą raupsais,
11Markaasaa Haaruun Muuse ku yidhi, Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, wixii aannu nacasnimada u samaynay iyo wixii aannu ku dembaabnay aawadood dembi ha noo saarin.
11tarė Mozei: “Maldauju, mano valdove, tenepasilieka ant mudviejų ši nuodėmė, kurią padarėme per savo kvailumą.
12Waan ku baryayaaye, yaanay ahaan sidii mid dhintay oo kale oo jidhkiisii badh baabba'san yahay markuu uurkii hooyadiis ka soo baxay.
12Tenebūna ji kaip kūdikis, negyvas gimęs, kurio kūno dalis jau sugedus”.
13Markaasaa Muuse Rabbiga u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Ilaahow, waan ku baryayaaye, iyada bogsii.
13Mozė šaukėsi Viešpaties: “Maldauju, o Dieve, išgydyk ją”.
14Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddii aabbeheed wejiga kaga candhuufo sow ma ay ceebowdeen intii toddoba maalmood ah? Haddaba xerada ha laga saaro intii toddoba maalmood ah, oo markaas dabadeedna ha la soo celiyo.
14Viešpats jam atsakė: “Jei jos tėvas būtų spjovęs jai į veidą, argi ji nebūtų turėjusi rausti bent septynias dienas? Tebūna atskirta septynias dienas nuo stovyklos ir paskui bus pašaukta atgal”.
15Kolkaasaa Maryan xerada dibadda looga xidhay, oo dadkiina ma guurin ilamaa Maryan mar kale la soo celiyey.Oo dabadeedna dadkii Xaseerood way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Faaraan.
15Mirjama buvo septynias dienas atskirta nuo stovyklos, ir tauta nepajudėjo iš vietos, kol Mirjama nebuvo pašaukta atgal.
16Oo dabadeedna dadkii Xaseerood way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Faaraan.
16Po to izraelitai iškeliavo iš Haceroto ir apsistojo Parano dykumoje.