Somali

Lithuanian

Numbers

13

1Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
1Ir Viešpats kalbėjo Mozei:
2War waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira.
2“Siųsk vyrus, po vieną vyresnįjį iš kiekvienos giminės, išžvalgyti Kanaano žemės, kurią duosiu izraelitams”.
3Markaasaa Muuse iyagii ka diray cidladii Faaraan sidii amarkii Rabbigu ahaa, oo kulligood waxay ahaayeen rag reer binu Israa'iil madax u ahaa.
3Mozė padarė, ką Viešpats įsakė. Jis išsiuntė iš Parano dykumos kiekvienos giminės vyresnįjį:
4Oo magacyadoodiina kuwan bay ahaayeen: qabiilkii reer Ruubeen waxaa ka tegey Shammuuca ina Sakuur.
4Rubeno giminės­Zakūro sūnų Šamūvą,
5Oo qabiilkii reer Simecoonna Shaafaad ina Xori.
5Simeono giminės­Horio sūnų Šafatą,
6Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.
6Judo giminės­Jefunės sūnų Kalebą,
7Oo qabiilkii reer Isaakaarna Yigaal ina Yuusuf.
7Isacharo giminės­Juozapo sūnų Igalą,
8Oo qabiilka reer Efrayimna Hoosheeca ina Nuun.
8Efraimo giminės­Nūno sūnų Ozėją,
9Oo qabiilkii reer Benyaamiinna Faltii ina Raafuu.
9Benjamino giminės­Rafuvo sūnų Paltį,
10Oo qabiilkii reer Sebulunna Gaddii'eel ina Soodii.
10Zabulono giminės­Sodžio sūnų Gadielį,
11Oo qabiilkii reer Yuusuf oo ah reer Manasehna Gaddii ina Suusii.
11iš Juozapo sūnų, Manaso giminės­ Susio sūnų Gadį,
12Oo qabiilkii reer Daanna Cammii'eel ina Gemallii.
12Dano giminės­Gemalio sūnų Amielį,
13Oo qabiilkii reer Aasheerna Setuur ina Miikaa'eel.
13Ašero giminės­Mykolo sūnų Setūrą,
14Oo qabiilkii reer Naftaalina Naxbii ina Waafsii.
14Neftalio giminės­Vofsio sūnų Nachbį,
15Oo qabiilkii reer Gaadna Ge'uu'eel ina Maakii.
15Gado giminės­Machio sūnų Geuelį.
16Intaasu waa magacyadii nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan. Markaasaa Muuse wuxuu Hoosheeca ina Nuun u bixiyey Yashuuca.
16Tai vardai vyrų, kuriuos Mozė pasiuntė išžvalgyti kraštą. Nūno sūnų Ozėją jis pavadino Jozue.
17Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula.
17Mozė, siųsdamas juos į Kanaano šalį, tarė jiems: “Pradėkite šalies pietuose ir, nuėję į kalnus,
18Oo waxaad soo fiirisaan dalku siduu yahay, iyo dadka degganu inay xoog badan yihiin iyo inay itaal yar yihiin, iyo inay tiro yar yihiin iyo inay tiro badan yihiin,
18apžiūrėkite žemę ir žmones, kurie ten gyvena: ar jie galingi, ar silpni, ar jų mažai, ar daug;
19iyo dalka ay deggan yihiin siduu yahay inuu wanaagsan yahay iyo inuu xun yahay, iyo magaalooyinka ay deggan yihiin siday yihiin, inay xerooyin deggan yihiin iyo inay qalcado xoog badan ku jiraan,
19ar pati žemė gera, ar bloga; kokie miestai, ar turi mūro sienas, ar ne;
20iyo siduu dalku yahay inuu barwaaqaysan yahay iyo in kale, iyo inuu dhir leeyahay iyo in kale. Haddaba dhiirranaada oo dalka midhihiisa keena. Oo wakhtiguna wuxuu ahaa xilliga uu canabka hore bislaado.
20ar žemė derlinga, ar nualinta, ar miškinga, ar ne. Būkite drąsūs ir mums atneškite tos žemės vaisių”. Buvo metas, kada skinamos pirmosios vynuogės.
21Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.
21Jie nuėję išžvalgė žemę nuo Cino dykumos iki Rehobo, kur einama į Lebo Hamatą.
22Oo waxay tageen xagga koonfureed, oo yimaadeen Xebroon; oo Axiiman iyo Sheeshay iyo Talmay oo reer Canaaq ahaa ayaa halkaas degganaa. (Oo Xebroon waxaa la dhisay goor toddoba sannadood ka horraysa intaan la dhisin Socan oo Masar ku taal.)
22Jie patraukė į pietus ir atėjo į Hebroną, kur gyveno Anako sūnūs Ahimanas, Šešajas ir Talmajas. Hebronas įkurtas septyneriais metais anksčiau už Egipto miestą Coaną.
23Oo haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah.
23Nuėję prie Eškolo upelio, nupjovė šaką su viena keke vynuogių, ir du vyrai ją nešė ant karties. Taip pat paėmė granato vaisių ir figų iš tos vietos,
24Oo meeshaas magaceeda waxaa la odhan jiray Eshkol, rucubkii canabka ahaa oo ay reer binu Israa'iil halkaas ka goosteen aawadiis.
24kuri buvo pavadinta Eškolu, nes ten Izraelio vaikai nupjovė vynuogių kekę.
25Oo markay afartan maalmood dalkii soo basaaseen dabadeed ayay ka soo noqdeen.
25Žvalgai, apėję visą šalį, sugrįžo po keturiasdešimties dienų
26Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.
26pas Mozę, Aaroną ir izraelitus į Kadešą, į Parano dykumą. Jie papasakojo visiems, ką sužinojo, ir parodė to krašto vaisius.
27Oo Muuse bay u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu dalkii aad noo dirtay waan gaadhnay, oo hubaal wuxuu la barwaaqaysan yahay caano iyo malab, oo midhihiisiina waa kuwan.
27Jie sakė: “Buvome nuėję į žemę, į kurią mus siuntei. Ji tikrai plūsta pienu ir medumi, ir štai jos vaisiai;
28Habase yeeshee dadka dalka degganu waa xoog badan yihiin, oo magaalooyinkuna deyrar bay leeyihiin, waana waaweyn yihiin, oo weliba waxaannu halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.
28bet jos gyventojai yra stiprūs, miestai dideli, apjuosti mūro sienomis. Ten matėme ir Anako palikuonių.
29Oo reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa.
29Amalekiečiai gyvena pietuose, hetitai, jebusiečiai ir amoritai kalnuose, kanaaniečiai prie jūros ir Jordano slėnyje”.
30Markaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.
30Bet Kalebas nuramino žmones prieš Mozę ir sakė: “Eikime ir užimkime tą žemę, nes mes esame pajėgūs juos nugalėti”.
31Laakiinse nimankii isaga raacay waxay yidhaahdeen, War innagu dadkaas kuma kici karno, waayo, way inaga xoog badan yihiin.
31Bet vyrai, buvę su juo, sakė: “Mes negalime eiti prieš tas tautas, nes jos už mus stipresnės”.
32Oo iyagu dalkii ay soo basaaseen ayay reer binu Israa'iil war xun uga keeneen, oo waxay yidhaahdeen, Dalka aannu dhex marnay oo soo basaasnay waa dal cuna dadka deggan, oo dadkii aannu ku aragnay oo dhammuna waa dad aad u dhaadheer.Oo waxaannu halkaas ku aragnay dad waaweyn oo xoog badan oo ah reer Canaaq oo ka yimid dadkii waaweynaa oo xoogga badnaa. Waxaannu isula yaraannay sida kabajaan oo kale, oo hortoodana sidaas oo kalaannu ku ahayn.
32Ir jie skleidė tarp Izraelio vaikų blogus atsiliepimus apie tą žemę, kurią buvo išžvalgę, kalbėdami: “Žemė, kurią išžvalgėme, ryja savo gyventojus, o žmonės, kuriuos matėme, yra labai aukšto ūgio.
33Oo waxaannu halkaas ku aragnay dad waaweyn oo xoog badan oo ah reer Canaaq oo ka yimid dadkii waaweynaa oo xoogga badnaa. Waxaannu isula yaraannay sida kabajaan oo kale, oo hortoodana sidaas oo kalaannu ku ahayn.
33Ten matėme milžinus iš Anako giminės, ir mes buvome prieš juos kaip žiogai, ir tokie mes buvome jų akyse”.