Somali

Lithuanian

Numbers

20

1Oo reer binu Israa'iil, xataa shirkii oo dhammu waxay cidladii Sin yimaadeen bishii kowaad. Markaasaa dadkii waxay degeen Qaadeesh, oo Maryanna halkaasay ku dhimatay, oo halkaasaa lagu aasay.
1Izraelitai atvyko į Cino dykumą pirmą mėnesį ir sustojo Kadeše. Ten mirė Mirjama ir buvo palaidota.
2Oo shirkiina biyo ma haysan, oo markaasay Muuse iyo Haaruun u wada shireen.
2Toje vietoje nebuvo vandens. Izraelitai, susirinkę pas Mozę ir Aaroną,
3Kolkaasaa dadkii Muuse la dirireen, wayna la hadleen oo ku yidhaahdeen, Waxaa noo roonayd inaannu walaalahayo iskala dhimanno markay Rabbiga hortiisa ku dhinteen!
3priekaištaudami kalbėjo: “Geriau būtume žuvę su savo broliais Viešpaties akivaizdoje.
4Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno?
4Kodėl jūs atvedėte Viešpaties susirinkimą į šitą dykumą, kad mes ir mūsų gyvuliai čia numirtume?
5Oo maxaadse dalkii Masar nooga soo bixiseen, oo aad meeshan sharka ah noo keenteen? Waayo, meeshanu ma aha meel laga helo midho, ama berde, ama geedcanab, amase rummaanno; oo biyo la cabbona laguma arko.
5Kam mus išvedėte iš Egipto ir atvedėte į šitą netikusią vietą, kur negalime sėti ir neauga nei figos, nei vynuogės, nei granatai ir nėra net vandens?”
6Markaasay Muuse iyo Haaruun ururka hortiisii uga tageen iriddii teendhadii shirka, kolkaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxaa iyagii u muuqatay ammaantii Rabbiga.
6Mozė ir Aaronas, palikę minią, įėjo į Susitikimo palapinę ir puolė ant žemės. Jiems pasirodė Viešpaties šlovė.
7Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
7Viešpats tarė Mozei:
8Usha qaado, oo adiga iyo walaalkaa Haaruun dadka shirka ah oo dhan soo shiriya, oo iyagoo arkaya dhagaxa la hadla, biyo ha soo daayee; oo waa inaad iyaga dhagaxa biyo uga keentaa, si aad u wada waraabisid shirka iyo lo'doodaba.
8“Imk lazdą, abu su Aaronu surinkite žmones ir jų akyse kalbėkite uolai, ir ji duos vandens. Tu išgausi jiems vandens iš uolos, ir atsigers žmonės bei jų galvijai”.
9Markaasaa Muuse ushii ka qaatay Rabbiga hortiisa, siduu isaga ugu amray.
9Mozė ėmė Viešpaties akivaizdoje buvusią lazdą, kaip Jis jam įsakė.
10Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ururkii oo dhan ku soo ururiyeen dhagaxa hortiisii, oo wuxuu iyagii ku yidhi, War bal maqla, caasiyiin yahay. Dhagaxan biyo ma idiinka soo daynaa?
10Mozė ir Aaronas surinko žmones prie uolos ir jiems kalbėjo: “Klausykite, maištininkai! Ar mudu turime iš šitos uolos išgauti jums vandens?”
11Kolkaasaa Muuse gacanta kor u qaaday, oo dhagaxii ayuu ushiisii laba jeer ku dhuftay; oo waxaa ka soo baxay biyo aad u badan, oo shirkii iyo lo'doodiiba way wada cabbeen.
11Mozė pakėlė ranką, smogė du kartus lazda į uolą, ir pasipylė apsčiai vandens; atsigėrė žmonės ir jų gyvuliai.
12Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Idinku ima aydaan rumaysan, oo quduusna igama aydaan dhigin reer binu Israa'iil hortooda, haddaba sidaas daraaddeed idinku shirkan geeyn maysaan dalkii aan iyaga siiyey.
12Bet Viešpats tarė Mozei ir Aaronui: “Kadangi manimi netikėjote ir neparodėte mano šventumo izraelitų akivaizdoje, judu neįvesite šitos tautos į žemę, kurią jiems duosiu”.
13Kuwanu waa biyihii Meriibaah, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil way la dirireen Rabbiga, oo wuxuu iyaga tusay inuu quduus yahay.
13Tai Meriba, kur izraelitai murmėjo prieš Viešpatį ir Jis parodė jiems savo šventumą.
14Markaasaa Muuse kuwa farriin wada Qaadeesh uga diray boqorkii reer Edom, oo wuxuu ku yidhi, Annagoo ah walaalahaa ilma Israa'iil waxaannu kugu leennahay, Waad garanaysaa dhibkii nagu soo dhacay oo dhan,
14Mozė išsiuntė pasiuntinius iš Kadešo pas Edomo karalių, kad pasakytų: “Taip sako tavo brolis Izraelis: ‘Tu žinai visus mūsų vargus,
15iyo sida awowayaashayo dalkii Masar u tageen, iyo inaannu Masar wakhti dheer degganayn. Masriyiintu aad iyo aad bay noo xumeeyeen annaga iyo awowayaashayoba.
15žinai, kaip mūsų tėvai nuėjo į Egiptą ir mes ilgai ten gyvenome, kaip egiptiečiai spaudė mus ir mūsų tėvus.
16Oo markaannu Rabbiga u qayshannay, codkayagii wuu maqlay, oo wuxuu noo soo diray malaa'ig, oo Masarna wuu naga soo bixiyey, oo haddana waxaannu joognaa Qaadeesh oo ah magaalo ku taal soohdintaada darafkeeda.
16Kai šaukėmės Viešpaties, Jis mus išklausė ir siuntė angelą, kuris mus išvedė iš Egipto. Esame sustoję Kadešo mieste, kuris yra prie pat tavo krašto sienos.
17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.
17Maldaujame, leisk mums pereiti per tavo žemę. Mes neisime dirvomis ar vynuogynais, negersime vandens iš tavo šulinių, bet trauksime vieškeliu, nenukrypdami nei į dešinę, nei į kairę, kol pereisime tavo šalį’ ”.
18Markaasaa boqorkii Edom wuxuu ku yidhi, Dalkayga waa inaanad soo dhex marin yaanan seef kuula soo bixine.
18Karalius jiems atsakė: “Neisite per mano žemę, o jei eisite, aš jus pasitiksiu su ginklu”.
19Markaasaa reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen, Annagu waddada weyn baannu iska maraynaa, oo annaga iyo lo'dayaduba haddaannu biyo kaa cabno qiimahooda waannu ku siinaynaa, haddaba annagoo aan innaba wax kale samayn aan dalkaaga cagaha ku dhex marno.
19Izraelitai sakė: “Mes eisime vieškeliu, o jei mes ir mūsų gyvuliai gersime tavo vandens, atsilyginsime, tiktai leisk pereiti per tavo žemę”.
20Oo isna wuxuu yidhi, Dalkayga soo dhex mari maysaan. Markaasaa boqorkii Edom wuxuu u soo baxay reer binu Israa'iil isagoo gacan xoog leh dad badan ku wata.
20Bet jis atsakė: “Neleidžiu!” Ir edomitų gausi kariuomenė išėjo prieš izraelitus.
21Oo sidaasuu boqorkii Edom ugu diiday reer binu Israa'iil inay soohdintiisa soo dhex maraan, oo saas aawadeed reer binu Israa'iil isagii way ka leexdeen.
21Kadangi edomitai atsisakė praleisti izraelitus, tai jie pasuko kitais keliais.
22Oo Qaadeesh way ka guureen, oo reer binu Israa'iil xataa shirkii oo dhammu waxay yimaadeen Buur Xor.
22Pakilę iš Kadešo, izraelitai atėjo prie Horo kalno.
23Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun kula hadlay Buur Xor oo ku ag taal soohdinta dalka Edom oo wuxuu ku yidhi,
23Ten, prie Edomo žemės sienos, Viešpats kalbėjo Mozei ir Aaronui:
24Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen.
24“Aaronas susijungs su savo tauta, nes jis neįeis į žemę, kurią pažadėjau izraelitams, dėl to, kad netikėjote mano žodžiais prie Meribos.
25Haddaba Haaruun iyo wiilkiisa Elecaasaar soo wad, oo waxaad iyaga keentaa Buur Xor.
25Imk Aaroną ir jo sūnų Eleazarą ir nuvesk juodu ant Horo kalno.
26Oo markaas Haaruun dharkiisa ka bixi oo waxaad u gelisaa wiilkiisa Elecaasaar, oo Haaruun dadkiisa wuu ku darman doonaa, oo halkaasuu ku dhiman doonaa.
26Aaronas tegul nusivelka savo drabužius ir jais apvilk jo sūnų Eleazarą. Aaronas mirs tenai”.
27Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan.
27Mozė padarė, kaip Viešpats įsakė. Jie užlipo į Horo kalną, visiems susirinkusiems matant.
28Markaasaa Muuse Haaruun ka bixiyey dharkiisii, oo wuxuu u geliyey wiilkiisii Elecaasaar, markaasaa Haaruun ku dhintay halkaas oo ahaa buurtii dhaladeeda; kolkaasay Muuse iyo Elecaasaar buurtii ka soo degeen.Oo markii shirkii oo dhammu ay arkeen in Haaruun dhintay ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Haaruun u ooyeen intii soddon maalmood ah.
28Mozė nurengė nuo Aarono drabužius ir jais apvilko jo sūnų Eleazarą. Aaronas mirė kalno viršūnėje. Mozė su Eleazaru grįžo nuo kalno.
29Oo markii shirkii oo dhammu ay arkeen in Haaruun dhintay ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Haaruun u ooyeen intii soddon maalmood ah.
29Izraelitai, pamatę, kad Aaronas mirė, apraudojo jį trisdešimt dienų.